Check out the new design

పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ * - అనువాదాల విషయసూచిక

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: తహా   వచనం:
قَالَ كَذَٰلِكَ أَتَتۡكَ ءَايَٰتُنَا فَنَسِيتَهَاۖ وَكَذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمَ تُنسَىٰ
126. (Alle) wuxuu odhan: Sidaasoo kale waxaa kuu yimid Aayadahayaga, waadse iska illowday (oo ka dan la’aatay), sidaas darteed Maanta, waxaa lagaaga tegi oo lagugu illoobi (Naarta).”
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَنۡ أَسۡرَفَ وَلَمۡ يُؤۡمِنۢ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦۚ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَشَدُّ وَأَبۡقَىٰٓ
127. Sidaasaan ku abaal marinaa ciddii xadgudubta oo aan rumeyn Aayadaha Rabbigii, cadaabka Aakhiro ayaana sii daran oo joogto daa'in ah.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
أَفَلَمۡ يَهۡدِ لَهُمۡ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ يَمۡشُونَ فِي مَسَٰكِنِهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّأُوْلِي ٱلنُّهَىٰ
128. Miyaanay u caddaan intaan ummado hallignay iyaga hortood oo ay ku dul soc- daan guryahoodii? Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh caqliga fayow.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَكَانَ لِزَامٗا وَأَجَلٞ مُّسَمّٗى
129. Haddayna jirin Kelmed hore oo ka soo fushay Rabbigaa, in dib loogu dhigo abaal marintooda maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani waxaa ku waajibi laheyd25 (cadaab ku dhacda intay joogaan adduunka).
25. Alle wuxuu ku ciqaabi lahaa adduunkan sida uu u galayba dadkii hore.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ قَبۡلَ طُلُوعِ ٱلشَّمۡسِ وَقَبۡلَ غُرُوبِهَاۖ وَمِنۡ ءَانَآيِٕ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡ وَأَطۡرَافَ ٱلنَّهَارِ لَعَلَّكَ تَرۡضَىٰ
130. Ee u samir waxay leeyihiin, oo ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda, oo (tuko) qaar ka mid ah saacadaha habeenka iyo dacallada maalinta si aad u raali noqoto.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَلَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّنۡهُمۡ زَهۡرَةَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا لِنَفۡتِنَهُمۡ فِيهِۚ وَرِزۡقُ رَبِّكَ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰ
131. Hana u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaarkood (gaalada) ee quruxda nolosha adduunka ah si aan ugu imtixaanno, risiqa Rabbigaa (Jannada gudaheeda) baana ka khayr badan (waxaa adduunka lagu siiyey) oo ka daa’in san.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَأۡمُرۡ أَهۡلَكَ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱصۡطَبِرۡ عَلَيۡهَاۖ لَا نَسۡـَٔلُكَ رِزۡقٗاۖ نَّحۡنُ نَرۡزُقُكَۗ وَٱلۡعَٰقِبَةُ لِلتَّقۡوَىٰ
132. Ku amarna salaadda ehelkaaga, oo u samir yeelo gudashada (salaadaha) kuma weydiisaneyno risiq; Annagaa ku irsaaqi. Cidhibta wanaagsan (ee Jannada) waxaa leh kuwa Alle ka cabsada ee iska jira (Cadaabkiisa).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَقَالُواْ لَوۡلَا يَأۡتِينَا بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّهِۦٓۚ أَوَلَمۡ تَأۡتِهِم بَيِّنَةُ مَا فِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ
133. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Muxuu (Muxammad) noogu keeni waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigii ah?” Miyaanay u imaan maraggii (ku sugnaa) Kutubtii hore (ee ku saabsanaa imaanshaha Nabiga).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَلَوۡ أَنَّآ أَهۡلَكۡنَٰهُم بِعَذَابٖ مِّن قَبۡلِهِۦ لَقَالُواْ رَبَّنَا لَوۡلَآ أَرۡسَلۡتَ إِلَيۡنَا رَسُولٗا فَنَتَّبِعَ ءَايَٰتِكَ مِن قَبۡلِ أَن نَّذِلَّ وَنَخۡزَىٰ
134. Haddaan ku halaagi laheyn cadaab isaga ka hor26, waxay odhan lahaayeen: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weydey Rasuul si aan u raacno Aayadahaa- ga, ka hor dullowga iyo dufowgannaga.
26. Waa Nabi Muxammad s.c.w. . waxaa sidoo kale lagu fasiray weedha : Isaga hortiis” in loola jeedo Qur’aanka.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
قُلۡ كُلّٞ مُّتَرَبِّصٞ فَتَرَبَّصُواْۖ فَسَتَعۡلَمُونَ مَنۡ أَصۡحَٰبُ ٱلصِّرَٰطِ ٱلسَّوِيِّ وَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ
135. Dheh: Mid walba oo naga mid ah wax buu sugayaaye, ee suga27. Waadna ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan Jidka Toosan iyo kuwa hanuunsan.
27. Waxa ka soo baxa arrinkan oo uu ku dhammaado.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
 
భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: తహా
సూరాల విషయసూచిక పేజీ నెంబరు
 
పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ - అనువాదాల విషయసూచిక

దానిని అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖూబ్ అనువదించారు.

మూసివేయటం