పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్

external-link copy
2 : 24

ٱلزَّانِيَةُ وَٱلزَّانِي فَٱجۡلِدُواْ كُلَّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا مِاْئَةَ جَلۡدَةٖۖ وَلَا تَأۡخُذۡكُم بِهِمَا رَأۡفَةٞ فِي دِينِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمۡ تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۖ وَلۡيَشۡهَدۡ عَذَابَهُمَا طَآئِفَةٞ مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

2. Zaaniydda iyo Zaaniga [1] ku jeedala midkood walba boqol jeedal [2]. Yeysanna turid [3] aad u tureysaan idinka celin fulinta Amarka Alle, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro, waana inay koox mu’miniin ah goob joog ka ahaadaan ciqaabkooda. info

[1]. Zaaniyadda (dhillada) iyo zaaniga (dhillayga) waxaa lagu fulin ciqaabkaa hadday iskood u qirtaan inay faleen galmo xaaraan ah ama hadday ku marag furaan afar nin oo caadil ah.
[2]. Xukunka ku soo arooray Aayaddan wuxuu ku gaar yahay kuwa ku dhaca denbiga zinada (galmada xaaraanta ah) iyagoo aan horay marnaba u guursan, waa in la jeedalo boqol jeedal oo sannad la fogeeyo sida in la xabbiso. Qofkiise zineysta isagoo xaas ah ama horay u soo guursaday oo si dhan u qirta denbigaa, ama ay ku markhaati furaan afar nin oo caadil ah, waa in lagu shiido dhagax ilaa uu ka dhinto.
[3]. Waa inaysan turid aad u tureysaan dhillada iyo dhillayga idiin horseedin inaad wax ka beddeshaan wuxuu Alle qoray oo soo gooyey, waayo xeerarkiisa waxaa ugu jira dhowris iyo daryeel danaha dadweynaha oo dhan.

التفاسير: