Check out the new design

పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ * - అనువాదాల విషయసూచిక

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: సబా   వచనం:
وَلَا تَنفَعُ ٱلشَّفَٰعَةُ عِندَهُۥٓ إِلَّا لِمَنۡ أَذِنَ لَهُۥۚ حَتَّىٰٓ إِذَا فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمۡ قَالُواْ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمۡۖ قَالُواْ ٱلۡحَقَّۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡكَبِيرُ
23. Mana anfacdo shafeeco (Alle) Agtiisa, mid uu u idmo ma’ahee15. (Kuwaasna way sugaan) ilaa, marka laga faydo cabsida quluubtooda16: waxay odhan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan: Xaq. Waana Sarreeyaha, Weyn.
15. Aayaddani waxay muujineysaa inaysan cidna u shafeeci karin cid kale inuu Alle idmo maahee oo ka raalli yahay in loo shafeeco qofkaa, waana inay kan shafeecaya iyo kan loo shafeecayo ay ka baqaan Allaah oo rajeeyaan oo yihiin dad heystay towxiidka iyo sunnada.
16. Waa quluubta malaa’igta ee loo oggolaan doono inay shafeecaan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
۞ قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ قُلِ ٱللَّهُۖ وَإِنَّآ أَوۡ إِيَّاكُمۡ لَعَلَىٰ هُدًى أَوۡ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
24. Dheh: Yaa idinka irsaaqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Innaga ama idinkana mid uun baa hanuunsan ama ku sugan habow cad.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
قُل لَّا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّآ أَجۡرَمۡنَا وَلَا نُسۡـَٔلُ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
25. Dheh: La idin weydiin maayo wax ku saabsan dunuubtayada, innagana nala weydiin maayo waxaad fashaan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
قُلۡ يَجۡمَعُ بَيۡنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفۡتَحُ بَيۡنَنَا بِٱلۡحَقِّ وَهُوَ ٱلۡفَتَّاحُ ٱلۡعَلِيمُ
26. Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori si xaq ah. Waana Garsooraha weyn, wax kasta Og.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
قُلۡ أَرُونِيَ ٱلَّذِينَ أَلۡحَقۡتُم بِهِۦ شُرَكَآءَۖ كَلَّاۚ بَلۡ هُوَ ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
27.Dheh: I tusa kuwaad Alle la wadaajiseen shuruko ahaan cibaadada, mayee (ma jiraan cid wax la wadaagta) waase Alle (Keliya), Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا كَآفَّةٗ لِّلنَّاسِ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
28. Kuuma aanu soo dirinna (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn dadka oo dhan bishaareeye iyo dige ahaan, dadku se badankoodu ma oga.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
29. Waxay odhan: Waa goorma yaboohaasi (soo bixinta Qiyaame) haddaad run sheegaysaan?
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
قُل لَّكُم مِّيعَادُ يَوۡمٖ لَّا تَسۡتَـٔۡخِرُونَ عَنۡهُ سَاعَةٗ وَلَا تَسۡتَقۡدِمُونَ
30. Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin aydaan saacad ka dib dhaceyn kana hor dhaceyn.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَن نُّؤۡمِنَ بِهَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ وَلَا بِٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِۗ وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلظَّٰلِمُونَ مَوۡقُوفُونَ عِندَ رَبِّهِمۡ يَرۡجِعُ بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ ٱلۡقَوۡلَ يَقُولُ ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ لَوۡلَآ أَنتُمۡ لَكُنَّا مُؤۡمِنِينَ
31. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: "Ma rumeyneyno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna (oo Kutub Alle ah)". Haddaadse arki lahayd marka daalimiinta la soo hor joojin Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadalka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday (raciyadda) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Haddaydaan jirteen waxaan ahaan laheyn mu’miniin.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
 
భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: సబా
సూరాల విషయసూచిక పేజీ నెంబరు
 
పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ - అనువాదాల విషయసూచిక

దానిని అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖూబ్ అనువదించారు.

మూసివేయటం