పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - الترجمة الصومالية - يعقوب * - అనువాదాల విషయసూచిక

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: సూరహ్ అల్-హాఖ్ఖహ్   వచనం:

Suurada Al-xaaqah

ٱلۡحَآقَّةُ
1. Xaqiiqda dhabta ah ee sugan1!
1. Al-Xaaqqah: Xaqiiqda dhabta ah,waa magac kale oo loo yaqaan Qiyaamaha.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
مَا ٱلۡحَآقَّةُ
2. Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi?!
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡحَآقَّةُ
3. Maxaad ka og tahay waxay tahay xaqiiqdaa dhabta ahi ee sugan?!
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ وَعَادُۢ بِٱلۡقَارِعَةِ
4. Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaame).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهۡلِكُواْ بِٱلطَّاغِيَةِ
5. Thamuud, waxaa lagu halaagay Qeylo Daran2.
2. Qarax xoog leh oo ay la dhinteen dadkii.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَأَمَّا عَادٞ فَأُهۡلِكُواْ بِرِيحٖ صَرۡصَرٍ عَاتِيَةٖ
6. Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl daran oo qabow badan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
سَخَّرَهَا عَلَيۡهِمۡ سَبۡعَ لَيَالٖ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومٗاۖ فَتَرَى ٱلۡقَوۡمَ فِيهَا صَرۡعَىٰ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٍ خَاوِيَةٖ
7. (Alle) uu ku salliday toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَهَلۡ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٖ
8. Ee ma aragtaa wax ka hadhay?
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَجَآءَ فِرۡعَوۡنُ وَمَن قَبۡلَهُۥ وَٱلۡمُؤۡتَفِكَٰتُ بِٱلۡخَاطِئَةِ
9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la rogay (ee qowmu Luud- Sodom iyo Gomorrah) waxay joogto ula yimaadeen gefaf weyn.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَعَصَوۡاْ رَسُولَ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَهُمۡ أَخۡذَةٗ رَّابِيَةً
10. Waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood (Luud iyo Muuse), markaasuu (Alle) qabtay 'ciqaabay' qabasho 'ciqaab' daran.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلۡمَآءُ حَمَلۡنَٰكُمۡ فِي ٱلۡجَارِيَةِ
11. Markay biyihii xad dhaafeen waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
لِنَجۡعَلَهَا لَكُمۡ تَذۡكِرَةٗ وَتَعِيَهَآ أُذُنٞ وَٰعِيَةٞ
12. Si aan idiinkaga dhigno waano, oo una xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ نَفۡخَةٞ وَٰحِدَةٞ
13. Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo afuufid keliya (afuufka hore),
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَحُمِلَتِ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةٗ وَٰحِدَةٗ
14. Dhulka iyo buurahana laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَيَوۡمَئِذٖ وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ
15. Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici (Qiyaamada).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِيَ يَوۡمَئِذٖ وَاهِيَةٞ
16. Samadu Maalintaa u kala dillaaci gaballo, marka waxay ahaan mid jilicsan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَٱلۡمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرۡجَآئِهَاۚ وَيَحۡمِلُ عَرۡشَ رَبِّكَ فَوۡقَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ ثَمَٰنِيَةٞ
17. Malaa’igtu waxay ahaan agagaar- keeda, waxaana ku xambaari Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
يَوۡمَئِذٖ تُعۡرَضُونَ لَا تَخۡفَىٰ مِنكُمۡ خَافِيَةٞ
18. Maalintaas waa la idin soo bandhigi, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقۡرَءُواْ كِتَٰبِيَهۡ
19. Kan laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa midig, wuxuu odhan: Waa kane, akhriya kitaabkeyga.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَٰقٍ حِسَابِيَهۡ
20. Anigu waan hubay inaan la kulmi Xisaabteyda.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَهُوَ فِي عِيشَةٖ رَّاضِيَةٖ
21. Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٖ
22. Beer sare gudaheed ah (Janno),
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
قُطُوفُهَا دَانِيَةٞ
23. Midhaheedu (goosasho iyo) gurasho dhow yihiin.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَآ أَسۡلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡأَيَّامِ ٱلۡخَالِيَةِ
24. Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي لَمۡ أُوتَ كِتَٰبِيَهۡ
25. Kanse laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa bidix, wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen kitaabkeyga.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَلَمۡ أَدۡرِ مَا حِسَابِيَهۡ
26.Oo aan ogaadeen, waxay xisaabteydu tahay?
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
يَٰلَيۡتَهَا كَانَتِ ٱلۡقَاضِيَةَ
27. Alla hadday taa (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
مَآ أَغۡنَىٰ عَنِّي مَالِيَهۡۜ
28. Maalkeygii waxba iima tarin.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
هَلَكَ عَنِّي سُلۡطَٰنِيَهۡ
29. Awooddeydii waa iga baabba’een.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
خُذُوهُ فَغُلُّوهُ
30. (Waxaa la odhan): Qabta oo xidha.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
ثُمَّ ٱلۡجَحِيمَ صَلُّوهُ
31. Markaas geliya dabka ololka badan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
ثُمَّ فِي سِلۡسِلَةٖ ذَرۡعُهَا سَبۡعُونَ ذِرَاعٗا فَٱسۡلُكُوهُ
32. Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ ٱلۡعَظِيمِ
33. Ma uu rumeysneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ
34. Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَلَيۡسَ لَهُ ٱلۡيَوۡمَ هَٰهُنَا حَمِيمٞ
35. Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنۡ غِسۡلِينٖ
36. ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
لَّا يَأۡكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡخَٰطِـُٔونَ
37. Aanay cidi cunin geflowyada Maahee.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَا تُبۡصِرُونَ
38. Mayee, waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay waxaad aragtaan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَمَا لَا تُبۡصِرُونَ
39. Iyo wax aydaan aragba,
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٖ كَرِيمٖ
40. Kani waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf leh (Nabi Muxammad s.c.w.)
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَاعِرٖۚ قَلِيلٗا مَّا تُؤۡمِنُونَ
41. Ma aha hadal gabyaa, yaraa intaad rumeysaan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَلَا بِقَوۡلِ كَاهِنٖۚ قَلِيلٗا مَّا تَذَكَّرُونَ
42. ama hadal curraafle, yaraa intaad waantowdaan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
تَنزِيلٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
43. Waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka (Allaah).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَلَوۡ تَقَوَّلَ عَلَيۡنَا بَعۡضَ ٱلۡأَقَاوِيلِ
44. Hadduu (Nabi Muxammad) naga been sheegi lahaa;
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
لَأَخَذۡنَا مِنۡهُ بِٱلۡيَمِينِ
45. Waxaan ku qaban laheyn gacanta Midig.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
ثُمَّ لَقَطَعۡنَا مِنۡهُ ٱلۡوَتِينَ
46. Oo waxaan goyn laheyn halbowlaha.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَمَا مِنكُم مِّنۡ أَحَدٍ عَنۡهُ حَٰجِزِينَ
47. Ma jiro qof idinka mid ahi oo naga celin lahaa.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَإِنَّهُۥ لَتَذۡكِرَةٞ لِّلۡمُتَّقِينَ
48. (Qur'aanku) waa u waano kuwa ka dhowrsada xumaha ee Alle u hoggaansan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَإِنَّا لَنَعۡلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ
49. Waan ognahay inay idinka mid yihiin kuwa beeniya (Xaqa).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَإِنَّهُۥ لَحَسۡرَةٌ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ
50. (Qur’aanku) waa qoomamada gaalada (Maalinta Qiyaame).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلۡيَقِينِ
51. Waana xaq dhab ah.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ
52. Ee ku tasbiixso, xurmo weynee, oo huf Magaca Rabbigaa (Allaah), Weynaha, Sharafta Badan.
Subxaannallaah wa bi xamdihi Subxaanallaahi Cadiim).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
 
భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: సూరహ్ అల్-హాఖ్ఖహ్
సూరాల విషయసూచిక పేజీ నెంబరు
 
పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - الترجمة الصومالية - يعقوب - అనువాదాల విషయసూచిక

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

మూసివేయటం