Check out the new design

పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ * - అనువాదాల విషయసూచిక

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: అత్-తౌబహ్   వచనం:
وَٱلسَّٰبِقُونَ ٱلۡأَوَّلُونَ مِنَ ٱلۡمُهَٰجِرِينَ وَٱلۡأَنصَارِ وَٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُم بِإِحۡسَٰنٖ رَّضِيَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ وَرَضُواْ عَنۡهُ وَأَعَدَّ لَهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي تَحۡتَهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
100. Kuwase u hormaray (Iimaanka iyo camallada san), ee horreeyey oo ka mid ah Muhaajiriinta [30] iyo Ansaarta [31] iyo kuwa ku raacay wanaagga. Alle raalli buu ka yahay, iyana raalli bay ka yihiin. Wuxuu u diyaariyey beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku dhex waari weligood. Kaas baa ah Guusha Weyn.
30. Muhaajiriin waxaa loola jeedaa halkan asxaabtii Nabiga s.c.w. ee ka soo haajiray Makkah oo degay Madiinah arrinka islaamka darteed.
31. Ansaarta waa kuwii degganaa Madiina ee aqbalay islaamka oo u gargaaray Nabiga s.c.w.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَمِمَّنۡ حَوۡلَكُم مِّنَ ٱلۡأَعۡرَابِ مُنَٰفِقُونَۖ وَمِنۡ أَهۡلِ ٱلۡمَدِينَةِ مَرَدُواْ عَلَى ٱلنِّفَاقِ لَا تَعۡلَمُهُمۡۖ نَحۡنُ نَعۡلَمُهُمۡۚ سَنُعَذِّبُهُم مَّرَّتَيۡنِ ثُمَّ يُرَدُّونَ إِلَىٰ عَذَابٍ عَظِيمٖ
101. Waxaa ka mid ah kuwaa hareerihiinna ah ee ka mid ah kuwa reer miyiga ah munaafiqiin, reer Madiinana ( sidoo kale) waxaa ka mid ah kuwo ku madax adag nifaaqa, adigu ma ogid, Annagaase og. Waxaanu cadaabi labo jeer (adduunka iyo qabrigaba), markaasaa loo celin xagga Cadaab daran (Aakhirada).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَءَاخَرُونَ ٱعۡتَرَفُواْ بِذُنُوبِهِمۡ خَلَطُواْ عَمَلٗا صَٰلِحٗا وَءَاخَرَ سَيِّئًا عَسَى ٱللَّهُ أَن يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
102.Kuwo kalena way qirteen denbiyadoo- da (ka haritaankooda jihaadka), waxay isku dareen camal wanaagsan (jihaad hore ay ka qayb galeen) iyo mid kale oo xun [32]. Waa intaasoo Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
32. Waxay Aayaddan tilmaameysaa inay horay uga qayb qaateen Jihaadka ha yeeshee ay ka hareen duullaankii Tabuuk, oo ay leeyihiin camallo fiican iyo mid xunba.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
خُذۡ مِنۡ أَمۡوَٰلِهِمۡ صَدَقَةٗ تُطَهِّرُهُمۡ وَتُزَكِّيهِم بِهَا وَصَلِّ عَلَيۡهِمۡۖ إِنَّ صَلَوٰتَكَ سَكَنٞ لَّهُمۡۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
103. Ka qaad (Nabi Muxammadow) maalkooda Sadaqo aad ku hufeyso oo ku daahirineyso, una ducee. Hubaal ducadaadu waa waxay ku xasilaan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
أَلَمۡ يَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ هُوَ يَقۡبَلُ ٱلتَّوۡبَةَ عَنۡ عِبَادِهِۦ وَيَأۡخُذُ ٱلصَّدَقَٰتِ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ
104. Miyeyna ogayn in Alle ka aqbalo tawbada addoomahiisa oo qaato sadaqooyinka iyo in Alle yahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَقُلِ ٱعۡمَلُواْ فَسَيَرَى ٱللَّهُ عَمَلَكُمۡ وَرَسُولُهُۥ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَۖ وَسَتُرَدُّونَ إِلَىٰ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
105. Dheh: camal fasha; marka Alle wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba. Waxaana dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiin sheegi waxaad fasheen oo dhan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَءَاخَرُونَ مُرۡجَوۡنَ لِأَمۡرِ ٱللَّهِ إِمَّا يُعَذِّبُهُمۡ وَإِمَّا يَتُوبُ عَلَيۡهِمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ
106. Kuwo kale (oo ka haray jihaadka) waxaa dib loogu dhigay (arrinkooda) inay sugaan Amarka Alle, hadduu cadaabayo ama hadduu ka aqbalayo tawbada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
 
భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: అత్-తౌబహ్
సూరాల విషయసూచిక పేజీ నెంబరు
 
పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ - అనువాదాల విషయసూచిక

దానిని అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖూబ్ అనువదించారు.

మూసివేయటం