قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ.

Al-xajar

external-link copy
1 : 15

الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ وَقُرۡءَانٖ مُّبِينٖ

1. Alif Laam Raa [1].
Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ay cad yihiin (Aayadahiisu).
info

[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 : Aayadda 1.

التفاسير: |

external-link copy
2 : 15

رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ كَانُواْ مُسۡلِمِينَ

2. Wax badan bay kuwa gaalooba jecleysan doonaan (Aakhirada) inay ahaayeen Muslimiin [2]. info

[2]. Waxay sidaas jecleysan Maalinta Qiyaamaha ama waqtiga dhimashadooda.

التفاسير: |

external-link copy
3 : 15

ذَرۡهُمۡ يَأۡكُلُواْ وَيَتَمَتَّعُواْ وَيُلۡهِهِمُ ٱلۡأَمَلُۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ

3. Iska daa wax ha iska cunaane hana iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca). info
التفاسير: |

external-link copy
4 : 15

وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٞ مَّعۡلُومٞ

4. Ma jirto magaalo aan halaagnay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran. info
التفاسير: |

external-link copy
5 : 15

مَّا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ

5. Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, kamana dib marto. info
التفاسير: |

external-link copy
6 : 15

وَقَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِي نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ إِنَّكَ لَمَجۡنُونٞ

6. Waxay (ku) yidhaahdeen (Nabiga): Kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyeyow [3]! Adigu waxaad tahay jinnoole. info

[3]. Waxay sidaas gaaladu ugu yidhaahdeen Nabi Muxammad s,c,w, ku digasho iyo jeesjees ahaan.

التفاسير: |

external-link copy
7 : 15

لَّوۡمَا تَأۡتِينَا بِٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ

7. Maxaad noogu keeni weyday malaa’ig haddaad run sheegeyso? info
التفاسير: |

external-link copy
8 : 15

مَا نُنَزِّلُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَمَا كَانُوٓاْ إِذٗا مُّنظَرِينَ

8. Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq [4] aheyn, lamana sugo oo siiyo (gaalada) fursad markaas (ay ku tawbad keenaan) . info

[4]. Macnaha waxaan la soo dirnaa fartiin ama sida laga qaadanayo hal dhaca Aayadda cadaabka loogu goodiyey gaalada.

التفاسير: |

external-link copy
9 : 15

إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا ٱلذِّكۡرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ

9. Xaqiiq, Annagaa soo dejinnay Waanada (Qur’aanka) Annagaana xaqiiq ilaalin [5]. info

[5]. Aayaddan waxay muujineysa meeqaanka Qur’aanka iyo xifdintiisa.

التفاسير: |

external-link copy
10 : 15

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي شِيَعِ ٱلۡأَوَّلِينَ

10. Waxaana dhab ahaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood. info
التفاسير: |

external-link copy
11 : 15

وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ

11. Ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin. info
التفاسير: |

external-link copy
12 : 15

كَذَٰلِكَ نَسۡلُكُهُۥ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

12. Sidaasaan u gelinnaa (diiddada Xaqa) quluubta denbiilayaasha. info
التفاسير: |

external-link copy
13 : 15

لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَقَدۡ خَلَتۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ

13. Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray (Qur’aanka), dhab ahaanna waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay [6]. info

[6]. Hannaaka iyo hab raaca Alle waxaa halkan loola jeedaa halaagidda dadka beeniya Rususha Alle.

التفاسير: |

external-link copy
14 : 15

وَلَوۡ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّواْ فِيهِ يَعۡرُجُونَ

14. Haddaan uga furno albaab samada oo ay ahaadaan kuwo kor u kora; info
التفاسير: |

external-link copy
15 : 15

لَقَالُوٓاْ إِنَّمَا سُكِّرَتۡ أَبۡصَٰرُنَا بَلۡ نَحۡنُ قَوۡمٞ مَّسۡحُورُونَ

15. Waxay (gaaladu) odhan lahaayeen: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray. info
التفاسير: |