Check out the new design

ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب * - لیست ترجمه ها

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ترجمهٔ معانی سوره: حجر   آیه:

Al-xajar

الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ وَقُرۡءَانٖ مُّبِينٖ
1. Alif Laam Raa1.
Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ay cad yihiin (Aayadahiisu).
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 : Aayadda 1.
تفسیرهای عربی:
رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ كَانُواْ مُسۡلِمِينَ
2. Wax badan bay kuwa gaalooba jecleysan doonaan (Aakhirada) inay ahaayeen Muslimiin2.
2. Waxay sidaas jecleysan Maalinta Qiyaamaha ama waqtiga dhimashadooda.
تفسیرهای عربی:
ذَرۡهُمۡ يَأۡكُلُواْ وَيَتَمَتَّعُواْ وَيُلۡهِهِمُ ٱلۡأَمَلُۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
3. Iska daa wax ha iska cunaane hana iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso. wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
تفسیرهای عربی:
وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٞ مَّعۡلُومٞ
4. Ma jirto magaalo aan halaagnay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran.
تفسیرهای عربی:
مَّا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ
5. Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, mana dib dhigi karaan.
تفسیرهای عربی:
وَقَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِي نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ إِنَّكَ لَمَجۡنُونٞ
6. Waxayna (ku) yidhaahdeen (Nabiga): Kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyeyow3! Adigu waxaad tahay jinnoole.
3. Waxay sidaas gaaladu ugu yidhaahdeen Nabi Muxammad s,c,w, ku digasho iyo jeesjees ahaan.
تفسیرهای عربی:
لَّوۡمَا تَأۡتِينَا بِٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
7. Maxaad noogu keeni weyday malaa’ig haddaad run sheegeyso?
تفسیرهای عربی:
مَا نُنَزِّلُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَمَا كَانُوٓاْ إِذٗا مُّنظَرِينَ
8. Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq4 aheyn, lamana sugo oo siiyo (gaalada) fursad markaas (ay ku toobad keenaan) .
4. Macnaha waxaan la soo dirnaa fartiin ama sida laga qaadanayo hal dhaca Aayadda cadaabka loogu goodiyey gaalada.
تفسیرهای عربی:
إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا ٱلذِّكۡرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ
9. Annaga (Allaah ah) baa soo dejinnay Waanada (Qur’aanka) Annagaana ilaalin5.
5. Aayaddan waxay muujineysa meeqaanka Qur’aanka iyo xifdintiisa.
تفسیرهای عربی:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي شِيَعِ ٱلۡأَوَّلِينَ
10. Waxaana soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood.
تفسیرهای عربی:
وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
11. Ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.
تفسیرهای عربی:
كَذَٰلِكَ نَسۡلُكُهُۥ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
12. Sidaasaan u gelinnaa (diiddada Xaqa) quluubta denbiilayaasha.
تفسیرهای عربی:
لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَقَدۡ خَلَتۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ
13. Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray (Qur’aanka), dhab ahaanna waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay6.
6. Hannaaka iyo hab raaca Alle waxaa halkan loola jeedaa halaagidda dadka beeniya Rususha Alle.
تفسیرهای عربی:
وَلَوۡ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّواْ فِيهِ يَعۡرُجُونَ
14. Haddaanna uga furno albaab samada oo ay kor ugu cir tagaan;
تفسیرهای عربی:
لَقَالُوٓاْ إِنَّمَا سُكِّرَتۡ أَبۡصَٰرُنَا بَلۡ نَحۡنُ قَوۡمٞ مَّسۡحُورُونَ
15. Waxay odhan lahaayeen: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray.
تفسیرهای عربی:
 
ترجمهٔ معانی سوره: حجر
فهرست سوره ها شماره صفحه
 
ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب - لیست ترجمه ها

ترجمه‌ى عبدالله حسن یعقوب.

بستن