Check out the new design

قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ. * - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: ئەنبىيا   ئايەت:
وَإِذَا رَءَاكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِي يَذۡكُرُ ءَالِهَتَكُمۡ وَهُم بِذِكۡرِ ٱلرَّحۡمَٰنِ هُمۡ كَٰفِرُونَ
36. Markay ku arkaan kuwa gaaloobay, kaama dhigtaan waxaan ahayn jeesjees (waxayna yidhaahdaan):” Ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay ku gaaloobaan xusidda Raxmaanka (Allaah).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
خُلِقَ ٱلۡإِنسَٰنُ مِنۡ عَجَلٖۚ سَأُوْرِيكُمۡ ءَايَٰتِي فَلَا تَسۡتَعۡجِلُونِ
37. Waxaa laga abuuray aadmiga degdeg, waxaan idin tusi calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
38. Waxay odhan: Waa goorma gooddigani (cadaabka) haddaad run sheegaysaan?”
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
لَوۡ يَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ حِينَ لَا يَكُفُّونَ عَن وُجُوهِهِمُ ٱلنَّارَ وَلَا عَن ظُهُورِهِمۡ وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
39. Hadday kuwa gaalooba ogaan lahaayeen markaan laga celinayn wejiyadooda Naarta iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaareyn (ma degdegsadeen Cadaabka).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
بَلۡ تَأۡتِيهِم بَغۡتَةٗ فَتَبۡهَتُهُمۡ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ رَدَّهَا وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
40. Waxayse ugu iman Saacadda Qiyaame kedis, wayna jahawareerin, mana karayaan celinteeda, lamana siiyo fursad (toobad keen ama cudur daarasho).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَلَقَدِ ٱسۡتُهۡزِئَ بِرُسُلٖ مِّن قَبۡلِكَ فَحَاقَ بِٱلَّذِينَ سَخِرُواْ مِنۡهُم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
41. Waxaa lagu digtay Rusul (badan) oo kaa horreeyey, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ku jeesjeesay (oo gaalada ahaa) wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
قُلۡ مَن يَكۡلَؤُكُم بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ مِنَ ٱلرَّحۡمَٰنِۚ بَلۡ هُمۡ عَن ذِكۡرِ رَبِّهِم مُّعۡرِضُونَ
42. Dheh: “Yaa idinka ilaalin kara habeen iyo maalinba (Cadaabka) Naxariistaha (Allaah)? Waxayse iyagu ka jeesadaan xusidda Rabbigood.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
أَمۡ لَهُمۡ ءَالِهَةٞ تَمۡنَعُهُم مِّن دُونِنَاۚ لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَ أَنفُسِهِمۡ وَلَا هُم مِّنَّا يُصۡحَبُونَ
43. Mise ma waxay leeyihiin ilaahyo ka celin kara Ciqaabkayaga? Ma leh awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga magan geliyo.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
بَلۡ مَتَّعۡنَا هَٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ طَالَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡعُمُرُۗ أَفَلَا يَرَوۡنَ أَنَّا نَأۡتِي ٱلۡأَرۡضَ نَنقُصُهَا مِنۡ أَطۡرَافِهَآۚ أَفَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
44. Mayee, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba jeer uu la dheeraaday cimriga (markaasay wax is bideen)11. Miyaanay arag inaan ku nimaanno arlada innagoo ka soo nusqaamin cirifyadiisa (waa tilmaan guusha iyo fiditaanka Islaamka)? Ee ma iyagaa adag?.
11. Eeg sharaxa aan ku xusnay Suuradda 13: Aayadda 41.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
 
مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: ئەنبىيا
سۈرە مۇندەرىجىسى بەت نومۇرى
 
قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ. - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ تەرجىمە قىلغان.

تاقاش