Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 安比亚仪   段:
وَإِذَا رَءَاكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِي يَذۡكُرُ ءَالِهَتَكُمۡ وَهُم بِذِكۡرِ ٱلرَّحۡمَٰنِ هُمۡ كَٰفِرُونَ
36. Markay ku arkaan kuwa gaaloobay, kaama dhigtaan waxaan ahayn jeesjees (waxayna yidhaahdaan):” Ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay ku gaaloobaan xusidda Raxmaanka.
阿拉伯语经注:
خُلِقَ ٱلۡإِنسَٰنُ مِنۡ عَجَلٖۚ سَأُوْرِيكُمۡ ءَايَٰتِي فَلَا تَسۡتَعۡجِلُونِ
37. Waxaa laga abuuray aadmiga degdeg, waxaan idin tusi calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo.
阿拉伯语经注:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
38. Waxay odhan: Waa goorma gooddigani (cadaabka) haddaad run sheegaysaan?”
阿拉伯语经注:
لَوۡ يَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ حِينَ لَا يَكُفُّونَ عَن وُجُوهِهِمُ ٱلنَّارَ وَلَا عَن ظُهُورِهِمۡ وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
39. Hadday kuwa gaalooba ogaan lahaayeen markaan laga celinayn wejiyadooda Naarta iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaareyn (ma degdegsadeen Cadaabka).
阿拉伯语经注:
بَلۡ تَأۡتِيهِم بَغۡتَةٗ فَتَبۡهَتُهُمۡ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ رَدَّهَا وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
40. Waxayse ugu iman Saacadda Qiyaame kedis, way jahawareerin, ma karayaan celinteeda, lamana siiyo fursad (tawbad keen ama cudur daarasho).
阿拉伯语经注:
وَلَقَدِ ٱسۡتُهۡزِئَ بِرُسُلٖ مِّن قَبۡلِكَ فَحَاقَ بِٱلَّذِينَ سَخِرُواْ مِنۡهُم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
41. Waxaa lagu digtay Rusul (badan) oo kaa horreeyey, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ku jeesjeesay (oo gaalada ahaa) wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen.
阿拉伯语经注:
قُلۡ مَن يَكۡلَؤُكُم بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ مِنَ ٱلرَّحۡمَٰنِۚ بَلۡ هُمۡ عَن ذِكۡرِ رَبِّهِم مُّعۡرِضُونَ
42. Dheh: “Yaa idinka ilaalin kara habeen iyo maalinba (Cadaabka) Naxariistaha (Allaah)? Waxayse iyagu ka jeesadaan xusidda Rabbigood.
阿拉伯语经注:
أَمۡ لَهُمۡ ءَالِهَةٞ تَمۡنَعُهُم مِّن دُونِنَاۚ لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَ أَنفُسِهِمۡ وَلَا هُم مِّنَّا يُصۡحَبُونَ
43. Mise ma waxay leeyihiin ilaahyo ka celin kara Ciqaabkayaga? Ma leh awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga magan geliyo.
阿拉伯语经注:
بَلۡ مَتَّعۡنَا هَٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ طَالَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡعُمُرُۗ أَفَلَا يَرَوۡنَ أَنَّا نَأۡتِي ٱلۡأَرۡضَ نَنقُصُهَا مِنۡ أَطۡرَافِهَآۚ أَفَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
44. Mayee, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba jeer uu la dheeraaday cimriga (markaasay wax is bideen)11. Miyaanay arag inaan ku nimaanno arlada innagoo ka soo nusqaamin cirifyadiisa (waa tilmaan guusha iyo fiditaanka Islaamka)? Ee ma iyagaa adag?.
11. Eeg sharaxa aan ku xusnay Suuradda 13: Aayadda 41.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 安比亚仪
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭