Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 安比亚仪   段:
لَا يَسۡمَعُونَ حَسِيسَهَاۖ وَهُمۡ فِي مَا ٱشۡتَهَتۡ أَنفُسُهُمۡ خَٰلِدُونَ
102. Ma maqlaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waadhi waxay nafahooda rabaan.
阿拉伯语经注:
لَا يَحۡزُنُهُمُ ٱلۡفَزَعُ ٱلۡأَكۡبَرُ وَتَتَلَقَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ هَٰذَا يَوۡمُكُمُ ٱلَّذِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ
103. Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamada) ma murugo geliyo, malaa’igtuna waxay ku soo dhoweyn (salaan diirran iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay.
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ نَطۡوِي ٱلسَّمَآءَ كَطَيِّ ٱلسِّجِلِّ لِلۡكُتُبِۚ كَمَا بَدَأۡنَآ أَوَّلَ خَلۡقٖ نُّعِيدُهُۥۚ وَعۡدًا عَلَيۡنَآۚ إِنَّا كُنَّا فَٰعِلِينَ
104. Maalinka aan u duubeyno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sidaan u billownay abuuriddii hore baan ku soo celineynaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali.
阿拉伯语经注:
وَلَقَدۡ كَتَبۡنَا فِي ٱلزَّبُورِ مِنۢ بَعۡدِ ٱلذِّكۡرِ أَنَّ ٱلۡأَرۡضَ يَرِثُهَا عِبَادِيَ ٱلصَّٰلِحُونَ
105. Waxaanu ku qornay Zabuurka31 kaddib (markaan horay ugu) xusnay Kitaabka32 in arlada (Jannada) ay dhaxli addoomahyaga wanaagsan.
31. Zabuur waa kitaabkii loo waxyooday Nabi Daawuud c.s.Waxaa sidoo kale la yidhi waxaa loola jeedaa Kutubta Alle oo dhan.
32. Waa Towraadda, waxaa sidoo kale lagu fasiray Looxa Maxfuudka.
阿拉伯语经注:
إِنَّ فِي هَٰذَا لَبَلَٰغٗا لِّقَوۡمٍ عَٰبِدِينَ
106. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda.
阿拉伯语经注:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا رَحۡمَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
107. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato uumanka oo idil.
阿拉伯语经注:
قُلۡ إِنَّمَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ فَهَلۡ أَنتُم مُّسۡلِمُونَ
108. Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya 'Allaah', ee ma u hoggaansameysaan Muslimiin ahaan?.
阿拉伯语经注:
فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقُلۡ ءَاذَنتُكُمۡ عَلَىٰ سَوَآءٖۖ وَإِنۡ أَدۡرِيٓ أَقَرِيبٌ أَم بَعِيدٞ مَّا تُوعَدُونَ
109.Haddiise ay (ka) jeesadaan (Iimaanka), ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Mana ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.”
阿拉伯语经注:
إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ وَيَعۡلَمُ مَا تَكۡتُمُونَ
110. Hubaal Wuxuu (Alle) Og yahay hadalka kii kor loo qaado, wuxuuna Og yahay waxaad qarineysaan.
阿拉伯语经注:
وَإِنۡ أَدۡرِي لَعَلَّهُۥ فِتۡنَةٞ لَّكُمۡ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٖ
111. Aniguse ma ogi, waa intaasoo ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda cadaabka) iyo raaxo ku eg ilaa muddo.
阿拉伯语经注:
قَٰلَ رَبِّ ٱحۡكُم بِٱلۡحَقِّۗ وَرَبُّنَا ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلۡمُسۡتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ
112. (Nabigu isagoo baryaya Rabbigi) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Noogu kala garsoor xaq. Rabbigayona waa (Allaah) Raxmaanka ah ee laga kaalmaysto waxaad sheegeysaan33.
33. Waa beenahooda iyo gaalnimadooda iyagoo ku sheega inuu Alle leeyahay ilmo, iyo in Muxammad s.c.w. yahay saaxir, jinnoole, gabyaa, iyo in Qur’aanka yahay gabay, sheeko xariir, sixir, iwm.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 安比亚仪
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭