Check out the new design

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಅಲ್ ಅಂಬಿಯಾ   ಶ್ಲೋಕ:
لَا يَسۡمَعُونَ حَسِيسَهَاۖ وَهُمۡ فِي مَا ٱشۡتَهَتۡ أَنفُسُهُمۡ خَٰلِدُونَ
102. Ma maqlaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waadhi waxay nafahooda rabaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
لَا يَحۡزُنُهُمُ ٱلۡفَزَعُ ٱلۡأَكۡبَرُ وَتَتَلَقَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ هَٰذَا يَوۡمُكُمُ ٱلَّذِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ
103. Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamada) ma murugo geliyo, malaa’igtuna waxay ku soo dhoweyn (salaan diirran iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَوۡمَ نَطۡوِي ٱلسَّمَآءَ كَطَيِّ ٱلسِّجِلِّ لِلۡكُتُبِۚ كَمَا بَدَأۡنَآ أَوَّلَ خَلۡقٖ نُّعِيدُهُۥۚ وَعۡدًا عَلَيۡنَآۚ إِنَّا كُنَّا فَٰعِلِينَ
104. Maalinka aan u duubeyno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sidaan u billownay abuuriddii hore baan ku soo celineynaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَلَقَدۡ كَتَبۡنَا فِي ٱلزَّبُورِ مِنۢ بَعۡدِ ٱلذِّكۡرِ أَنَّ ٱلۡأَرۡضَ يَرِثُهَا عِبَادِيَ ٱلصَّٰلِحُونَ
105. Waxaanu ku qornay Zabuurka30 kaddib (markaan horay ugu) xusnay Kitaabka31 in arlada (Jannada) ay dhaxli addoomahyaga wanaagsan.
30. Zabuur waa kitaabkii loo waxyooday Nabi Daawuud c.s.Waxaa sidoo kale la yidhi waxaa loola jeedaa Kutubta Alle oo dhan.
31. Waa Towraadda, waxaa sidoo kale lagu fasiray Looxa Maxfuudka.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِنَّ فِي هَٰذَا لَبَلَٰغٗا لِّقَوۡمٍ عَٰبِدِينَ
106. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا رَحۡمَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
107. Kuumana aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato uumanka oo idil.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قُلۡ إِنَّمَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ فَهَلۡ أَنتُم مُّسۡلِمُونَ
108. Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya (Allaah),ee ma u hoggaansameysaan Muslimiin ahaan?.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقُلۡ ءَاذَنتُكُمۡ عَلَىٰ سَوَآءٖۖ وَإِنۡ أَدۡرِيٓ أَقَرِيبٌ أَم بَعِيدٞ مَّا تُوعَدُونَ
109.Haddiise ay (ka) jeesadaan (Iimaanka), ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Mana ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.”
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ وَيَعۡلَمُ مَا تَكۡتُمُونَ
110. Hubaal Wuxuu (Alle) Og yahay hadalka kii kor loo qaado, wuxuuna Og yahay waxaad qarineysaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَإِنۡ أَدۡرِي لَعَلَّهُۥ فِتۡنَةٞ لَّكُمۡ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٖ
111. Aniguse ma ogi, waa intaasoo ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda cadaabka) iyo raaxo ku eg ilaa muddo.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَٰلَ رَبِّ ٱحۡكُم بِٱلۡحَقِّۗ وَرَبُّنَا ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلۡمُسۡتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ
112. (Nabigu isagoo baryaya Rabbigi) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Noogu kala garsoor xaq. Rabbigayona waa (Allaah) Raxmaanka ah ee laga kaalmaysto waxaad sheegeysaan32.
32. Waa beenahooda iyo gaalnimadooda iyagoo ku sheega inuu Alle leeyahay ilmo, iyo in Muxammad s.c.w. yahay saaxir, jinnoole, gabyaa, iyo in Qur’aanka yahay gabay, sheeko xariir, sixir, iwm.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಅಲ್ ಅಂಬಿಯಾ
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ