Check out the new design

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಅಲ್ ಅಂಬಿಯಾ   ಶ್ಲೋಕ:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ مِن رَّسُولٍ إِلَّا نُوحِيٓ إِلَيۡهِ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعۡبُدُونِ
25. Ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna aan u waxyoon (Annagoo leh), "Ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga (Allaah) ahayn, ee i caabuda (Anigoo keliya).”
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَلَدٗاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۚ بَلۡ عِبَادٞ مُّكۡرَمُونَ
26. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka hufan yahay, waase addoomo (malaa’igta) la sharfay9.
9. Kuwaa ay ku andoocadaan inay yihiin ilaah sida ruuxul qudus, ama ilmahii Alle sida Ciise, malaa’igta, iwm waa addoommo la sharfay.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
لَا يَسۡبِقُونَهُۥ بِٱلۡقَوۡلِ وَهُم بِأَمۡرِهِۦ يَعۡمَلُونَ
27. Kagama hormaraan hadal, iyaguna amarkiisa uun bay ku camal falaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَلَا يَشۡفَعُونَ إِلَّا لِمَنِ ٱرۡتَضَىٰ وَهُم مِّنۡ خَشۡيَتِهِۦ مُشۡفِقُونَ
28. Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, umana shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee iyaguna cabsidiisay la digtoon yihiin oo baqaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
۞ وَمَن يَقُلۡ مِنۡهُمۡ إِنِّيٓ إِلَٰهٞ مِّن دُونِهِۦ فَذَٰلِكَ نَجۡزِيهِ جَهَنَّمَۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلظَّٰلِمِينَ
29. Mid kastoo ka mid ah (uunka Alle sida Ibliis ama qeyrki) ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Jahannama. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa daalimiinta.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
أَوَلَمۡ يَرَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ كَانَتَا رَتۡقٗا فَفَتَقۡنَٰهُمَاۖ وَجَعَلۡنَا مِنَ ٱلۡمَآءِ كُلَّ شَيۡءٍ حَيٍّۚ أَفَلَا يُؤۡمِنُونَ
30. Miyaanay kuwa gaaloobay arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, Waxaana ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay rumayneyn10.
10. Halka ay dalbi lahaayeen si gaalnimo iyo jeesjees leh in loo soo dedejiyo oo la tuso Cadaabka.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَجَعَلۡنَا فِي ٱلۡأَرۡضِ رَوَٰسِيَ أَن تَمِيدَ بِهِمۡ وَجَعَلۡنَا فِيهَا فِجَاجٗا سُبُلٗا لَّعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ
31. Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, waxaana yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَجَعَلۡنَا ٱلسَّمَآءَ سَقۡفٗا مَّحۡفُوظٗاۖ وَهُمۡ عَنۡ ءَايَٰتِهَا مُعۡرِضُونَ
32. Waxaanu ka yeelnay samada saqaf ilaashan, iyaguna calaamadaheeda way ka jeesadaan .
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ فِي فَلَكٖ يَسۡبَحُونَ
33. (Alle) waa Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَمَا جَعَلۡنَا لِبَشَرٖ مِّن قَبۡلِكَ ٱلۡخُلۡدَۖ أَفَإِيْن مِّتَّ فَهُمُ ٱلۡخَٰلِدُونَ
34. Kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey (Nabiyow) mid waadha. Ee haddaad adigu dhimato ma iyagaa waadhi?.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۗ وَنَبۡلُوكُم بِٱلشَّرِّ وَٱلۡخَيۡرِ فِتۡنَةٗۖ وَإِلَيۡنَا تُرۡجَعُونَ
35. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, waxaanu idinku imtixaani shar iyo khayrba kala saar darteed, Xaggayagaana la idiin soo celin.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಅಲ್ ಅಂಬಿಯಾ
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ