Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 安比亚仪   段:
قُلۡ إِنَّمَآ أُنذِرُكُم بِٱلۡوَحۡيِۚ وَلَا يَسۡمَعُ ٱلصُّمُّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا مَا يُنذَرُونَ
45. Dheh waxaan uun idiinku digi Waxyiga (ka yimid Alle). Kuwase dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa marka loo digi.
阿拉伯语经注:
وَلَئِن مَّسَّتۡهُمۡ نَفۡحَةٞ مِّنۡ عَذَابِ رَبِّكَ لَيَقُولُنَّ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
46.Hadduu taabto (kuwa xaqa beeniya) wax yar oo ka mid ah cadaabka Rabbigaa, waxay odhan: Hooggeennee! Waxaanu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).
阿拉伯语经注:
وَنَضَعُ ٱلۡمَوَٰزِينَ ٱلۡقِسۡطَ لِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَلَا تُظۡلَمُ نَفۡسٞ شَيۡـٔٗاۖ وَإِن كَانَ مِثۡقَالَ حَبَّةٖ مِّنۡ خَرۡدَلٍ أَتَيۡنَا بِهَاۗ وَكَفَىٰ بِنَا حَٰسِبِينَ
47. Waxaanu dhiginna miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, lagamana dulmiyo nafna waxba, haba ahaado wax le’eg iniinta sisinta (ama wax ka yar ama wax ka weyn) waanu keeni. Annagaana ku filan Xisaabiye ahaan.
阿拉伯语经注:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ٱلۡفُرۡقَانَ وَضِيَآءٗ وَذِكۡرٗا لِّلۡمُتَّقِينَ
48. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse iyo Haaruun Furqaanka (kala sooce samaanta iyo xumaanta), iyo iftiin iyo waano12 ay leeyihiin kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarrada Alle).
12. Kuwani waa seddex tilmaamood oo lagu sifeeyey isla Towraadda.
阿拉伯语经注:
ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ وَهُم مِّنَ ٱلسَّاعَةِ مُشۡفِقُونَ
49. Kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba)13, iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka cabsan.
13. Waxaa loola jeedaa Iyagoo aan arag ama iyagoo keli ah aan cidna u jeedin.
阿拉伯语经注:
وَهَٰذَا ذِكۡرٞ مُّبَارَكٌ أَنزَلۡنَٰهُۚ أَفَأَنتُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ
50.Kanina (Qur'aanku) waa waano barakaysan aanu soo dejinnay, ee miyaad diideysaan oo ka jeesinaysaan?14.
14. Idinkoo iska yeelaya inaydaan aqoon, inkiraya ama diidaya inaad qirtaan.
阿拉伯语经注:
۞ وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَآ إِبۡرَٰهِيمَ رُشۡدَهُۥ مِن قَبۡلُ وَكُنَّا بِهِۦ عَٰلِمِينَ
51. Waxaanu dhab ahaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka15, Waxaaanuna uga war qabnay si dhan.
15. Ka hor Muuse, Alle wuxuu hanuunshay Ibraahiim tan iyo yaraantii.
阿拉伯语经注:
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا هَٰذِهِ ٱلتَّمَاثِيلُ ٱلَّتِيٓ أَنتُمۡ لَهَا عَٰكِفُونَ
52. Markuu ku yidhi aabbihii iyo qoladiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabudeysaan)?”
阿拉伯语经注:
قَالُواْ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا لَهَا عَٰبِدِينَ
53. Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”
阿拉伯语经注:
قَالَ لَقَدۡ كُنتُمۡ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمۡ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “ Waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow cad?.”
阿拉伯语经注:
قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا بِٱلۡحَقِّ أَمۡ أَنتَ مِنَ ٱللَّٰعِبِينَ
55. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid xaq, mise adigu waad nagu ciyaari?.”
阿拉伯语经注:
قَالَ بَل رَّبُّكُمۡ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ ٱلَّذِي فَطَرَهُنَّ وَأَنَا۠ عَلَىٰ ذَٰلِكُم مِّنَ ٱلشَّٰهِدِينَ
56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan abuuray, aniguna waxaan ka mid ahay kuwa arrinkani ka marag kaci.
阿拉伯语经注:
وَتَٱللَّهِ لَأَكِيدَنَّ أَصۡنَٰمَكُم بَعۡدَ أَن تُوَلُّواْ مُدۡبِرِينَ
57. Tallaahi, Waxaan u degi qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) asnaamtiinna markaad jeedsataan idinkoo tegi16.
16. Ibraahiim c.s. wuxuu ka yidhi hadalladaa qalbigiisa oo keliya inuu tab u degeyo baabbi’inta sanammadooda.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 安比亚仪
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭