ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប

លេខ​ទំព័រ:close

external-link copy
45 : 21

قُلۡ إِنَّمَآ أُنذِرُكُم بِٱلۡوَحۡيِۚ وَلَا يَسۡمَعُ ٱلصُّمُّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا مَا يُنذَرُونَ

45. Dheh waxaan uun idiinku digi Waxyiga (ka yimid Alle). Kuwase dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa marka loo digi. info
التفاسير: |

external-link copy
46 : 21

وَلَئِن مَّسَّتۡهُمۡ نَفۡحَةٞ مِّنۡ عَذَابِ رَبِّكَ لَيَقُولُنَّ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ

46.Hadduu taabto (kuwa xaqa beeniya) wax yar oo ka mid ah cadaabka Rabbigaa, waxay odhan: Hooggeennee! Waxaanu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal). info
التفاسير: |

external-link copy
47 : 21

وَنَضَعُ ٱلۡمَوَٰزِينَ ٱلۡقِسۡطَ لِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَلَا تُظۡلَمُ نَفۡسٞ شَيۡـٔٗاۖ وَإِن كَانَ مِثۡقَالَ حَبَّةٖ مِّنۡ خَرۡدَلٍ أَتَيۡنَا بِهَاۗ وَكَفَىٰ بِنَا حَٰسِبِينَ

47. Waxaanu dhigi miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, lagamana dulmiyo nafna waxba, haba ahaado wax le’eg iniinta sisinta [13] waanu keeni. Annagaana ku filan Xisaabiye ahaan. info

[13]. Ama wax ka yar ama wax ka weyn.

التفاسير: |

external-link copy
48 : 21

وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ٱلۡفُرۡقَانَ وَضِيَآءٗ وَذِكۡرٗا لِّلۡمُتَّقِينَ

48. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse iyo Haaruun Furqaanka [14], iyo iftiin iyo waano [15] ay leeyihiin kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarrada Alle). info

[14]. Kala sooce samaanta iyo xumaanta.
[15]. Kuwani waa seddex tilmaamood oo lagu sifeeyey isla Towraadda.

التفاسير: |

external-link copy
49 : 21

ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ وَهُم مِّنَ ٱلسَّاعَةِ مُشۡفِقُونَ

49. Kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba' [16], iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka cabsan. info

[16]. Waxaa loola jeedaa Iyagoo aan arag ama iyagoo keli ah aan cidna u jeedin.

التفاسير: |

external-link copy
50 : 21

وَهَٰذَا ذِكۡرٞ مُّبَارَكٌ أَنزَلۡنَٰهُۚ أَفَأَنتُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ

50.Kanina (Qur'aanku) waa waano barakaysan aanu soo dejinnay, ee miyaad diideysaan oo ka jeesinaysaan [17]? info

[17]. Idinkoo iska yeelaya inaydaan aqoon, inkiraya ama diidaya inaad qirtaan.

التفاسير: |

external-link copy
51 : 21

۞ وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَآ إِبۡرَٰهِيمَ رُشۡدَهُۥ مِن قَبۡلُ وَكُنَّا بِهِۦ عَٰلِمِينَ

51. Waxaanu dhab ahaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka [18], Waxaaanuna uga war qabnay si dhan. info

[18]. Ka hor Muuse, Alle wuxuu hanuunshay Ibraahiim tan iyo yaraantii.

التفاسير: |

external-link copy
52 : 21

إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا هَٰذِهِ ٱلتَّمَاثِيلُ ٱلَّتِيٓ أَنتُمۡ لَهَا عَٰكِفُونَ

52. Markuu ku yidhi aabbihii iyo qoladiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabudeysaan)?” info
التفاسير: |

external-link copy
53 : 21

قَالُواْ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا لَهَا عَٰبِدِينَ

53. Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.” info
التفاسير: |

external-link copy
54 : 21

قَالَ لَقَدۡ كُنتُمۡ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمۡ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ

54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “ Waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow cad?.” info
التفاسير: |

external-link copy
55 : 21

قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا بِٱلۡحَقِّ أَمۡ أَنتَ مِنَ ٱللَّٰعِبِينَ

55. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid xaq, mise adigu waad nagu ciyaari?.” info
التفاسير: |

external-link copy
56 : 21

قَالَ بَل رَّبُّكُمۡ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ ٱلَّذِي فَطَرَهُنَّ وَأَنَا۠ عَلَىٰ ذَٰلِكُم مِّنَ ٱلشَّٰهِدِينَ

56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan abuuray, aniguna waxaan ka mid ahay kuwa arrinkani ka marag kaci. info
التفاسير: |

external-link copy
57 : 21

وَتَٱللَّهِ لَأَكِيدَنَّ أَصۡنَٰمَكُم بَعۡدَ أَن تُوَلُّواْ مُدۡبِرِينَ

57. Tallaahi, Waxaan u degi qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) asnaamtiinna markaad jeedsataan idinkoo tegi [19]. info

[19]. Ibraahiim c.s. wuxuu ka yidhi hadalladaa qalbigiisa oo keliya inuu tab u degeyo baabbi’inta sanammadooda.

التفاسير: |