Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አንቢያ   አንቀጽ:
قُلۡ إِنَّمَآ أُنذِرُكُم بِٱلۡوَحۡيِۚ وَلَا يَسۡمَعُ ٱلصُّمُّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا مَا يُنذَرُونَ
45. Dheh waxaan uun idiinku digi Waxyiga (ka yimid Alle). Kuwase dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa marka loo digi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَئِن مَّسَّتۡهُمۡ نَفۡحَةٞ مِّنۡ عَذَابِ رَبِّكَ لَيَقُولُنَّ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
46.Hadduu taabto (kuwa xaqa beeniya) wax yar oo ka mid ah cadaabka Rabbigaa, waxay odhan: Hooggeennee! Waxaanu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَضَعُ ٱلۡمَوَٰزِينَ ٱلۡقِسۡطَ لِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَلَا تُظۡلَمُ نَفۡسٞ شَيۡـٔٗاۖ وَإِن كَانَ مِثۡقَالَ حَبَّةٖ مِّنۡ خَرۡدَلٍ أَتَيۡنَا بِهَاۗ وَكَفَىٰ بِنَا حَٰسِبِينَ
47. Waxaanu dhiginna miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, lagamana dulmiyo nafna waxba, haba ahaado wax le’eg iniinta sisinta (ama wax ka yar ama wax ka weyn) waanu keeni. Annagaana ku filan Xisaabiye ahaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ٱلۡفُرۡقَانَ وَضِيَآءٗ وَذِكۡرٗا لِّلۡمُتَّقِينَ
48. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse iyo Haaruun Furqaanka (kala sooce samaanta iyo xumaanta), iyo iftiin iyo waano12 ay leeyihiin kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarrada Alle).
12. Kuwani waa seddex tilmaamood oo lagu sifeeyey isla Towraadda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ وَهُم مِّنَ ٱلسَّاعَةِ مُشۡفِقُونَ
49. Kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba)13, iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka cabsan.
13. Waxaa loola jeedaa Iyagoo aan arag ama iyagoo keli ah aan cidna u jeedin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهَٰذَا ذِكۡرٞ مُّبَارَكٌ أَنزَلۡنَٰهُۚ أَفَأَنتُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ
50.Kanina (Qur'aanku) waa waano barakaysan aanu soo dejinnay, ee miyaad diideysaan oo ka jeesinaysaan?14.
14. Idinkoo iska yeelaya inaydaan aqoon, inkiraya ama diidaya inaad qirtaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَآ إِبۡرَٰهِيمَ رُشۡدَهُۥ مِن قَبۡلُ وَكُنَّا بِهِۦ عَٰلِمِينَ
51. Waxaanu dhab ahaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka15, Waxaaanuna uga war qabnay si dhan.
15. Ka hor Muuse, Alle wuxuu hanuunshay Ibraahiim tan iyo yaraantii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا هَٰذِهِ ٱلتَّمَاثِيلُ ٱلَّتِيٓ أَنتُمۡ لَهَا عَٰكِفُونَ
52. Markuu ku yidhi aabbihii iyo qoladiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabudeysaan)?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا لَهَا عَٰبِدِينَ
53. Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ لَقَدۡ كُنتُمۡ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمۡ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “ Waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow cad?.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا بِٱلۡحَقِّ أَمۡ أَنتَ مِنَ ٱللَّٰعِبِينَ
55. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid xaq, mise adigu waad nagu ciyaari?.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ بَل رَّبُّكُمۡ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ ٱلَّذِي فَطَرَهُنَّ وَأَنَا۠ عَلَىٰ ذَٰلِكُم مِّنَ ٱلشَّٰهِدِينَ
56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan abuuray, aniguna waxaan ka mid ahay kuwa arrinkani ka marag kaci.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَٱللَّهِ لَأَكِيدَنَّ أَصۡنَٰمَكُم بَعۡدَ أَن تُوَلُّواْ مُدۡبِرِينَ
57. Tallaahi, Waxaan u degi qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) asnaamtiinna markaad jeedsataan idinkoo tegi16.
16. Ibraahiim c.s. wuxuu ka yidhi hadalladaa qalbigiisa oo keliya inuu tab u degeyo baabbi’inta sanammadooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አንቢያ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት