Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አንቢያ   አንቀጽ:

Al-anbiyaa

ٱقۡتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمۡ وَهُمۡ فِي غَفۡلَةٖ مُّعۡرِضُونَ
1. (Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamo) baa ku soo dhow dadka halka ay dhoohnaan la sii jeedaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٖ مِّن رَّبِّهِم مُّحۡدَثٍ إِلَّا ٱسۡتَمَعُوهُ وَهُمۡ يَلۡعَبُونَ
2. Ma jiro Xus (Waxyi) uga yimaada xagga Rabbbigood, waxayse dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَاهِيَةٗ قُلُوبُهُمۡۗ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّجۡوَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ هَلۡ هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡۖ أَفَتَأۡتُونَ ٱلسِّحۡرَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ
3. Qalbiyadoodu shuqloon tahay. Kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan faqooda (iyagoo leh): Kani (Muxammad) ma wax aan ahayn baa qof idinkoo kale ah? Ma waxaad aqabaleysaan sixir1 idinkoo arka?
1. Sixir waxay ku sheegayaan halkan waa Aayadaha Qur’aanka, Inkastoo ay arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin dhab ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّي يَعۡلَمُ ٱلۡقَوۡلَ فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
4. Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl (kasta oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arlada. Waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ قَالُوٓاْ أَضۡغَٰثُ أَحۡلَٰمِۭ بَلِ ٱفۡتَرَىٰهُ بَلۡ هُوَ شَاعِرٞ فَلۡيَأۡتِنَا بِـَٔايَةٖ كَمَآ أُرۡسِلَ ٱلۡأَوَّلُونَ
5. Waxayse yidhaahdeen: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray - mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَآ ءَامَنَتۡ قَبۡلَهُم مِّن قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَآۖ أَفَهُمۡ يُؤۡمِنُونَ
6. Ma ayna rumeynin hortaa magaalo aan halaag la doonnay (inkastoy arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyagaa rumeyn?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِمۡۖ فَسۡـَٔلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلذِّكۡرِ إِن كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
7. Ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (Dhambaalka), ee weydiiya ehlu Kitaabka haddaydaan ogeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا جَعَلۡنَٰهُمۡ جَسَدٗا لَّا يَأۡكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَمَا كَانُواْ خَٰلِدِينَ
8. Uma aan yeelin (anbiyada) jirar aan cunin cunto2 (sida malaa’igta), mana aheyn kuwo aan dhiman oo ku waadha (arlada).
2. Sida malaa’igta, waxayse ahaayeen aadmi leh tilmaamaha dadka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ صَدَقۡنَٰهُمُ ٱلۡوَعۡدَ فَأَنجَيۡنَٰهُمۡ وَمَن نَّشَآءُ وَأَهۡلَكۡنَا ٱلۡمُسۡرِفِينَ
9. Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay waana badbaadinnay iyagii iyo ciddaan doonno, waxaana hallignay xad gudbayaashii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ كِتَٰبٗا فِيهِ ذِكۡرُكُمۡۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
10. Waxaan idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan3 xuskiinna (iyo sharaftiinna) ee miyeydaan garasho lahayn?.
3. Kitaabka waa Qur’aanka, xuskiinna waxaa loola jeedaa la idinku sharfay ama la idinkula hadlay. Macno kale waa idiinku sugan waano.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አንቢያ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት