ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប

Al-anbiyaa

external-link copy
1 : 21

ٱقۡتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمۡ وَهُمۡ فِي غَفۡلَةٖ مُّعۡرِضُونَ

1. (Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamo) baa ku soo dhow dadka halka ay dhoohnaan la sii jeedaan. info
التفاسير: |

external-link copy
2 : 21

مَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٖ مِّن رَّبِّهِم مُّحۡدَثٍ إِلَّا ٱسۡتَمَعُوهُ وَهُمۡ يَلۡعَبُونَ

2. Ma jiro Xus (Waxyi) uga yimaada xagga Rabbbigood, waxayse dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya. info
التفاسير: |

external-link copy
3 : 21

لَاهِيَةٗ قُلُوبُهُمۡۗ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّجۡوَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ هَلۡ هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡۖ أَفَتَأۡتُونَ ٱلسِّحۡرَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ

3. Qalbiyadoodu shuqloon tahay. Kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan faqooda (iyagoo leh): Kani (Muxammad) ma wax aan ahayn baa qof idinkoo kale ah? Ma waxaad aqabaleysaan sixir [1] idinkoo arka? info

[1]. Sixir waxay ku sheegayaan halkan waa Aayadaha Qur’aanka, Inkastoo ay arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin dhab ah.

التفاسير: |

external-link copy
4 : 21

قَالَ رَبِّي يَعۡلَمُ ٱلۡقَوۡلَ فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

4. Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl (kasta oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arlada. Waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.” info
التفاسير: |

external-link copy
5 : 21

بَلۡ قَالُوٓاْ أَضۡغَٰثُ أَحۡلَٰمِۭ بَلِ ٱفۡتَرَىٰهُ بَلۡ هُوَ شَاعِرٞ فَلۡيَأۡتِنَا بِـَٔايَةٖ كَمَآ أُرۡسِلَ ٱلۡأَوَّلُونَ

5. Waxayse yidhaahdeen: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray - mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore. info
التفاسير: |

external-link copy
6 : 21

مَآ ءَامَنَتۡ قَبۡلَهُم مِّن قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَآۖ أَفَهُمۡ يُؤۡمِنُونَ

6. Ma ayna rumeynin hortaa magaalo aan halaag la doonnay (inkastoy arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyagaa rumeyn?. info
التفاسير: |

external-link copy
7 : 21

وَمَآ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِمۡۖ فَسۡـَٔلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلذِّكۡرِ إِن كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ

7. Ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (Dhambaalka), ee weydiiya ehlu Kitaabka haddaydaan ogeyn. info
التفاسير: |

external-link copy
8 : 21

وَمَا جَعَلۡنَٰهُمۡ جَسَدٗا لَّا يَأۡكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَمَا كَانُواْ خَٰلِدِينَ

8. Uma aan yeelin (anbiyada) jirar aan cunin cunto [2] 'sida malaa’igta', mana aheyn kuwo aan dhiman oo ku waadha (arlada). info

[2]. Sida malaa’igta, waxayse ahaayeen aadmi leh tilmaamaha dadka.

التفاسير: |

external-link copy
9 : 21

ثُمَّ صَدَقۡنَٰهُمُ ٱلۡوَعۡدَ فَأَنجَيۡنَٰهُمۡ وَمَن نَّشَآءُ وَأَهۡلَكۡنَا ٱلۡمُسۡرِفِينَ

9. Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay waana badbaadinnay iyagii iyo ciddaan doonno, waxaana hallignay xad gudbayaashii. info
التفاسير: |

external-link copy
10 : 21

لَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ كِتَٰبٗا فِيهِ ذِكۡرُكُمۡۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

10. Waxaan idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan [3] xuskiinna (iyo sharaftiinna) ee miyeydaan garasho lahayn?. info

[3]. Kitaabka waa Qur’aanka, xuskiinna waxaa loola jeedaa la idinku sharfay ama la idinkula hadlay. Macno kale waa idiinku sugan waano.

التفاسير: |