Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আল-আম্বীয়া   আয়াত:

Al-anbiyaa

ٱقۡتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمۡ وَهُمۡ فِي غَفۡلَةٖ مُّعۡرِضُونَ
1. (Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamo) baa ku soo dhow dadka halka ay dhoohnaan la sii jeedaan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
مَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٖ مِّن رَّبِّهِم مُّحۡدَثٍ إِلَّا ٱسۡتَمَعُوهُ وَهُمۡ يَلۡعَبُونَ
2. Ma jiro Xus (Waxyi) uga yimaada xagga Rabbbigood, waxayse dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
لَاهِيَةٗ قُلُوبُهُمۡۗ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّجۡوَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ هَلۡ هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡۖ أَفَتَأۡتُونَ ٱلسِّحۡرَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ
3. Qalbiyadoodu shuqloon tahay. Kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan faqooda (iyagoo leh): Kani (Muxammad) ma wax aan ahayn baa qof idinkoo kale ah? Ma waxaad aqabaleysaan sixir1 idinkoo arka?
1. Sixir waxay ku sheegayaan halkan waa Aayadaha Qur’aanka, Inkastoo ay arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin dhab ah.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
قَالَ رَبِّي يَعۡلَمُ ٱلۡقَوۡلَ فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
4. Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl (kasta oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arlada. Waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.”
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
بَلۡ قَالُوٓاْ أَضۡغَٰثُ أَحۡلَٰمِۭ بَلِ ٱفۡتَرَىٰهُ بَلۡ هُوَ شَاعِرٞ فَلۡيَأۡتِنَا بِـَٔايَةٖ كَمَآ أُرۡسِلَ ٱلۡأَوَّلُونَ
5. Waxayse yidhaahdeen: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray - mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
مَآ ءَامَنَتۡ قَبۡلَهُم مِّن قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَآۖ أَفَهُمۡ يُؤۡمِنُونَ
6. Ma ayna rumeynin hortaa magaalo aan halaag la doonnay (inkastoy arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyagaa rumeyn?.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِمۡۖ فَسۡـَٔلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلذِّكۡرِ إِن كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
7. Ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (Dhambaalka), ee weydiiya ehlu Kitaabka haddaydaan ogeyn.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَمَا جَعَلۡنَٰهُمۡ جَسَدٗا لَّا يَأۡكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَمَا كَانُواْ خَٰلِدِينَ
8. Uma aan yeelin (anbiyada) jirar aan cunin cunto2 (sida malaa’igta), mana aheyn kuwo aan dhiman oo ku waadha (arlada).
2. Sida malaa’igta, waxayse ahaayeen aadmi leh tilmaamaha dadka.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
ثُمَّ صَدَقۡنَٰهُمُ ٱلۡوَعۡدَ فَأَنجَيۡنَٰهُمۡ وَمَن نَّشَآءُ وَأَهۡلَكۡنَا ٱلۡمُسۡرِفِينَ
9. Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay waana badbaadinnay iyagii iyo ciddaan doonno, waxaana hallignay xad gudbayaashii.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
لَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ كِتَٰبٗا فِيهِ ذِكۡرُكُمۡۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
10. Waxaan idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan3 xuskiinna (iyo sharaftiinna) ee miyeydaan garasho lahayn?.
3. Kitaabka waa Qur’aanka, xuskiinna waxaa loola jeedaa la idinku sharfay ama la idinkula hadlay. Macno kale waa idiinku sugan waano.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আল-আম্বীয়া
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ