Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አንቢያ   አንቀጽ:
وَكَمۡ قَصَمۡنَا مِن قَرۡيَةٖ كَانَتۡ ظَالِمَةٗ وَأَنشَأۡنَا بَعۡدَهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ
11. Badanaa intaan halaagnay magaalo4 ay dadkeedu faleen dulmi (shirki iyo macaasi) oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale.
4. Macnaha waa dadkeedu ay ku adkeysteen xumaan falidda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّآ أَحَسُّواْ بَأۡسَنَآ إِذَا هُم مِّنۡهَا يَرۡكُضُونَ
12. Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا تَرۡكُضُواْ وَٱرۡجِعُوٓاْ إِلَىٰ مَآ أُتۡرِفۡتُمۡ فِيهِ وَمَسَٰكِنِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُسۡـَٔلُونَ
13. Ha cararina (haatan) ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna, si wax la idiin weydiiyo5.
5. Waxa idinku dhacay. Waxaa hadalkan loo yidhi ku digasho ahaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
14. Waxay yidhaahdeen: Hooggeenee! Waxaanu nahay daalimiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَا زَالَت تِّلۡكَ دَعۡوَىٰهُمۡ حَتَّىٰ جَعَلۡنَٰهُمۡ حَصِيدًا خَٰمِدِينَ
15. Ma ay deyn calaalcalkoodaas ilaa aan ka yeelnay wax la shafay oo baqtiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ
16. Uma aan abuurinna samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَوۡ أَرَدۡنَآ أَن نَّتَّخِذَ لَهۡوٗا لَّٱتَّخَذۡنَٰهُ مِن لَّدُنَّآ إِن كُنَّا فَٰعِلِينَ
17. Haddaan rabno inaan yeelanno wax aan isku maaweelinno6, waxaan ka yeelan lahayn waxa Agtannada ah, haddaan sidaas falayno.
6. Sida xaas ama carruur.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ نَقۡذِفُ بِٱلۡحَقِّ عَلَى ٱلۡبَٰطِلِ فَيَدۡمَغُهُۥ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٞۚ وَلَكُمُ ٱلۡوَيۡلُ مِمَّا تَصِفُونَ
18. Waxaanse Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa. Hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed7.
7. waa odhaahdooda baadilka ah in Alle leeyahay xaas iyo ilmo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَمَنۡ عِندَهُۥ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِهِۦ وَلَا يَسۡتَحۡسِرُونَ
19. Alle baa leh wax kasta oo ku sugan samooyinka iyo arlada; kuwa (Alle) agtiisa ahna ee u dhow (malaa’igta) iskama wey- neeyaan cibaadadiisa, kamana daalaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُسَبِّحُونَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ لَا يَفۡتُرُونَ
20.Waxay xurmo weyneeyaan oo hufaan habeen iyo maalinba, kamana noogaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمِ ٱتَّخَذُوٓاْ ءَالِهَةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ هُمۡ يُنشِرُونَ
21. Mise waxay yeesheen si ay u caabudaan ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَوۡ كَانَ فِيهِمَآ ءَالِهَةٌ إِلَّا ٱللَّهُ لَفَسَدَتَاۚ فَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلۡعَرۡشِ عَمَّا يَصِفُونَ
22. Hadday jiri lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Alle, way fasaadi lahaayeen. Wuu ka hufan yahay Alle Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay ku tilmaami.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا يُسۡـَٔلُ عَمَّا يَفۡعَلُ وَهُمۡ يُسۡـَٔلُونَ
23. (Alle) lama weydiiyo wuxuu Falo, iyagase (dadka) waa la weydiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمِ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةٗۖ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡۖ هَٰذَا ذِكۡرُ مَن مَّعِيَ وَذِكۡرُ مَن قَبۡلِيۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٱلۡحَقَّۖ فَهُم مُّعۡرِضُونَ
24. Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay8. Badankooduse ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan.
8. Dhammaan Rusushii hore waxay dadku ugu yeereen Towxiidka - caabudaadda Alle Keliya aan cid kale lala wadaajin cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አንቢያ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት