Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ અન્બિયા   આયત:
وَكَمۡ قَصَمۡنَا مِن قَرۡيَةٖ كَانَتۡ ظَالِمَةٗ وَأَنشَأۡنَا بَعۡدَهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ
11. Badanaa intaan halaagnay magaalo4 ay dadkeedu faleen dulmi (shirki iyo macaasi) oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale.
4. Macnaha waa dadkeedu ay ku adkeysteen xumaan falidda.
અરબી તફસીરો:
فَلَمَّآ أَحَسُّواْ بَأۡسَنَآ إِذَا هُم مِّنۡهَا يَرۡكُضُونَ
12. Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan.
અરબી તફસીરો:
لَا تَرۡكُضُواْ وَٱرۡجِعُوٓاْ إِلَىٰ مَآ أُتۡرِفۡتُمۡ فِيهِ وَمَسَٰكِنِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُسۡـَٔلُونَ
13. Ha cararina (haatan) ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna, si wax la idiin weydiiyo5.
5. Waxa idinku dhacay. Waxaa hadalkan loo yidhi ku digasho ahaan.
અરબી તફસીરો:
قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
14. Waxay yidhaahdeen: Hooggeenee! Waxaanu nahay daalimiin.
અરબી તફસીરો:
فَمَا زَالَت تِّلۡكَ دَعۡوَىٰهُمۡ حَتَّىٰ جَعَلۡنَٰهُمۡ حَصِيدًا خَٰمِدِينَ
15. Ma ay deyn calaalcalkoodaas ilaa aan ka yeelnay wax la shafay oo baqtiya.
અરબી તફસીરો:
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ
16. Uma aan abuurinna samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel.
અરબી તફસીરો:
لَوۡ أَرَدۡنَآ أَن نَّتَّخِذَ لَهۡوٗا لَّٱتَّخَذۡنَٰهُ مِن لَّدُنَّآ إِن كُنَّا فَٰعِلِينَ
17. Haddaan rabno inaan yeelanno wax aan isku maaweelinno6, waxaan ka yeelan lahayn waxa Agtannada ah, haddaan sidaas falayno.
6. Sida xaas ama carruur.
અરબી તફસીરો:
بَلۡ نَقۡذِفُ بِٱلۡحَقِّ عَلَى ٱلۡبَٰطِلِ فَيَدۡمَغُهُۥ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٞۚ وَلَكُمُ ٱلۡوَيۡلُ مِمَّا تَصِفُونَ
18. Waxaanse Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa. Hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed7.
7. waa odhaahdooda baadilka ah in Alle leeyahay xaas iyo ilmo.
અરબી તફસીરો:
وَلَهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَمَنۡ عِندَهُۥ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِهِۦ وَلَا يَسۡتَحۡسِرُونَ
19. Alle baa leh wax kasta oo ku sugan samooyinka iyo arlada; kuwa (Alle) agtiisa ahna ee u dhow (malaa’igta) iskama wey- neeyaan cibaadadiisa, kamana daalaan.
અરબી તફસીરો:
يُسَبِّحُونَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ لَا يَفۡتُرُونَ
20.Waxay xurmo weyneeyaan oo hufaan habeen iyo maalinba, kamana noogaan.
અરબી તફસીરો:
أَمِ ٱتَّخَذُوٓاْ ءَالِهَةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ هُمۡ يُنشِرُونَ
21. Mise waxay yeesheen si ay u caabudaan ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya?
અરબી તફસીરો:
لَوۡ كَانَ فِيهِمَآ ءَالِهَةٌ إِلَّا ٱللَّهُ لَفَسَدَتَاۚ فَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلۡعَرۡشِ عَمَّا يَصِفُونَ
22. Hadday jiri lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Alle, way fasaadi lahaayeen. Wuu ka hufan yahay Alle Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay ku tilmaami.
અરબી તફસીરો:
لَا يُسۡـَٔلُ عَمَّا يَفۡعَلُ وَهُمۡ يُسۡـَٔلُونَ
23. (Alle) lama weydiiyo wuxuu Falo, iyagase (dadka) waa la weydiin.
અરબી તફસીરો:
أَمِ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةٗۖ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡۖ هَٰذَا ذِكۡرُ مَن مَّعِيَ وَذِكۡرُ مَن قَبۡلِيۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٱلۡحَقَّۖ فَهُم مُّعۡرِضُونَ
24. Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay8. Badankooduse ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan.
8. Dhammaan Rusushii hore waxay dadku ugu yeereen Towxiidka - caabudaadda Alle Keliya aan cid kale lala wadaajin cibaadada.
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ અન્બિયા
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો