Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አንቢያ   አንቀጽ:
وَٱلَّتِيٓ أَحۡصَنَتۡ فَرۡجَهَا فَنَفَخۡنَا فِيهَا مِن رُّوحِنَا وَجَعَلۡنَٰهَا وَٱبۡنَهَآ ءَايَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
91. (Xus) tii xafidday jirkeeda (Maryam), oo aan ka afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (ku afuufidda ilmo uurkeeda) Ruuxayaga (Jabriil), Waxaana uga yeelnay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَأَنَا۠ رَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُونِ
92. Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah28, Oo Anigu (Alle ah) waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda ( Anigoo keliya).
28. Ummah waxaa loola jeedaa diin :hab nololeed ay jamaaco dhan wada qaataan oo raacaan, ama dhaqan iyo hannaan wanaagsan ay ummadi raacdo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَقَطَّعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡۖ كُلٌّ إِلَيۡنَا رَٰجِعُونَ
93. Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda29. Xaggayagay dhammaan u soo wada noqon.
29. Iyagoo noqday dariiqooyin iyo kooxo kala duwan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَلَا كُفۡرَانَ لِسَعۡيِهِۦ وَإِنَّا لَهُۥ كَٰتِبُونَ
94. Ee qofkii fala camallo wanaagsan isagoo mu’min ah, lama duudsiyo ajarka camalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَحَرَٰمٌ عَلَىٰ قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَآ أَنَّهُمۡ لَا يَرۡجِعُونَ
95. Waxaa ka reebban magaalo aan halaagnay inay dib u soo noqoto30.
30. Uma soo laaban karaan adduunkan, mana u tawbad keeni karaan Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
حَتَّىٰٓ إِذَا فُتِحَتۡ يَأۡجُوجُ وَمَأۡجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٖ يَنسِلُونَ
96. Ilaa laga soo furo (moos xirkii) Yuug iyo Yamaayuug, waxayna ka soo dhaadhici taag walba si degdeg ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱقۡتَرَبَ ٱلۡوَعۡدُ ٱلۡحَقُّ فَإِذَا هِيَ شَٰخِصَةٌ أَبۡصَٰرُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَٰوَيۡلَنَا قَدۡ كُنَّا فِي غَفۡلَةٖ مِّنۡ هَٰذَا بَلۡ كُنَّا ظَٰلِمِينَ
97. Markuu soo dhowaado Yabooha Xaqa ah (ee Qiyaamada la gaadho) mise indhaha kuwii gaaloobay way dhaygagi (iyagoo leh): Hoogeennee! Waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani; waxaanuna aheyn daalimiin (gar diidayaal).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنتُمۡ لَهَا وَٰرِدُونَ
98. Hubaal, Idinka iyo waxaad caabud- daan Alle sokadi, waxaad ahaan shidaalka Naarta, xaggeedaad ku arooreysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَوۡ كَانَ هَٰٓؤُلَآءِ ءَالِهَةٗ مَّا وَرَدُوهَاۖ وَكُلّٞ فِيهَا خَٰلِدُونَ
99. Hadday kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen (Naarta), dhammaanna way ku waadhi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَهُمۡ فِيهَا زَفِيرٞ وَهُمۡ فِيهَا لَا يَسۡمَعُونَ
100. Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ سَبَقَتۡ لَهُم مِّنَّا ٱلۡحُسۡنَىٰٓ أُوْلَٰٓئِكَ عَنۡهَا مُبۡعَدُونَ
101. Hubaal, kuwa (Nabi Ciise, hooyadi Maryam, iyo addoomaha Alle ee kale ee wanaagsan) ay u hor martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda (Naarta) waa laga fogeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አንቢያ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት