የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ ጣሃ   አንቀጽ:

Suurada Daa'ha

طه
1. Daa Haa1.
1. Xarfahan waa xuruuf ka mid ah alifbeetada afka Carabiga uu Qur’aanku ku soo degay, sidaas oo ay tahay ma jiro axad keeni kara xitaa Suuradda ugu kooban ee Qur’aanka Mucjisada weyn ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ لِتَشۡقَىٰٓ
2. Kuuguma aanu soo dejin (Nabiyow) Qur’aanka (inaad naftaada ku halaagto) murugo (inaysan rumayn Xaqa darteed).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا تَذۡكِرَةٗ لِّمَن يَخۡشَىٰ
3. Waase u waano ciddii ka baqda (Alle)2.
2. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “ Qofkuu Alle la doono khayr wuxuu fahansiiyaa diinta”. W.w. Al-Bukhaari.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَنزِيلٗا مِّمَّنۡ خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ وَٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلۡعُلَى
4.Waa soo dejinta (Alle) Kan abuuray arlada iyo samooyinka sare.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلرَّحۡمَٰنُ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ ٱسۡتَوَىٰ
5. Raxmaanku (Allaah) wuxuu kor ahaaday) Carshigiisa dushiisha (si u qalanta Weynidiisa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَمَا تَحۡتَ ٱلثَّرَىٰ
6. Isagaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن تَجۡهَرۡ بِٱلۡقَوۡلِ فَإِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلسِّرَّ وَأَخۡفَى
7. Haddaad kor codka ugu qaaddo hadalka, hubaal, Alle Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ لَهُ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰ
8. Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada Wanaagga iyo Quruxda Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
9. Ma ku soo gaadhay qisadii Muuse?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ رَءَا نَارٗا فَقَالَ لِأَهۡلِهِ ٱمۡكُثُوٓاْ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا لَّعَلِّيٓ ءَاتِيكُم مِّنۡهَا بِقَبَسٍ أَوۡ أَجِدُ عَلَى ٱلنَّارِ هُدٗى
10. Markuu arkay dab, oo ku yidhi reerkiisii: "Jooga halkan! Waxaan arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka cid ii i tusisa (waddada Masar)".
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِيَ يَٰمُوسَىٰٓ
11. Markuu yimid meeshuu ka ifiyey dabka, waa loo yeedhay: Muusow!
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّيٓ أَنَا۠ رَبُّكَ فَٱخۡلَعۡ نَعۡلَيۡكَ إِنَّكَ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوٗى
12. Anigu waxaan ahay Rabbigaa! Ee iska siib kabahaaga, waxaad joogtaa togga daahirka ah ee Duwaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَا ٱخۡتَرۡتُكَ فَٱسۡتَمِعۡ لِمَا يُوحَىٰٓ
13. Aniga (Alle ah) baana ku doortay (Muusow) ee dhegayso waxaa laguu Waxyoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّنِيٓ أَنَا ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعۡبُدۡنِي وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِذِكۡرِيٓ
14. Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Anigoo Keliya i caabud, una oog salaadda Xuskayga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ أَكَادُ أُخۡفِيهَا لِتُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا تَسۡعَىٰ
15. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa - waxaana u dhowahay inaan qariyo3 si naf walba loogu abaal mariyo waxay camal fashay.
3. Macnaha waxaa weeye in Alle subxaanahu watacaalaa uu ka qariyo cid walba ogaanshaha waqtiga Saacadda Qiyaame dhaceyso, oo Isaga uun baa Ogsoon Keliya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَا يَصُدَّنَّكَ عَنۡهَا مَن لَّا يُؤۡمِنُ بِهَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ فَتَرۡدَىٰ
16. “Yaanu kaa weecin xaggeeda4 mid aan Rumaysnayn oo raaca hawadiisa, markaas waad halaagsami.
4.Waa inaad isugu diyaariso iimaan iyo ca- mallo wanaagsan Saacaddaa (Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا تِلۡكَ بِيَمِينِكَ يَٰمُوسَىٰ
17. Waa maxay taasi ku jirta midigtaada Muusow (ogaal weydiin)?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ هِيَ عَصَايَ أَتَوَكَّؤُاْ عَلَيۡهَا وَأَهُشُّ بِهَا عَلَىٰ غَنَمِي وَلِيَ فِيهَا مَـَٔارِبُ أُخۡرَىٰ
18. Wuxuu yidhi: “Waa ushayda, waan cuskadaa, oo ugu lulaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, waxaana iigu jira dano kale.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَلۡقِهَا يَٰمُوسَىٰ
19. (Alle) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَلۡقَىٰهَا فَإِذَا هِيَ حَيَّةٞ تَسۡعَىٰ
20. Markaasuu tuuray, mise! Waa abeeso ordaysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ خُذۡهَا وَلَا تَخَفۡۖ سَنُعِيدُهَا سِيرَتَهَا ٱلۡأُولَىٰ
21. (Alle) wuxuu yidhi: “Qaado, hana cabsan, Waxaanu ku celin sideedii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱضۡمُمۡ يَدَكَ إِلَىٰ جَنَاحِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٍ ءَايَةً أُخۡرَىٰ
22. Ku qabo gacantaada dhinacaaga, waxay soo bixi iyadoo cad (ifeysa) iin la’aan, waa calaamad kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِنُرِيَكَ مِنۡ ءَايَٰتِنَا ٱلۡكُبۡرَى
23. “Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱذۡهَبۡ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
24. “U tag Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ ٱشۡرَحۡ لِي صَدۡرِي
25. (Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَسِّرۡ لِيٓ أَمۡرِي
26. “Ii fududeena arrinkayga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱحۡلُلۡ عُقۡدَةٗ مِّن لِّسَانِي
27. Ka fur guntintana carrabkayga,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَفۡقَهُواْ قَوۡلِي
28. “Si ay u fahmaan hadalkayga .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱجۡعَل لِّي وَزِيرٗا مِّنۡ أَهۡلِي
29. “Ii yeelna wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰرُونَ أَخِي
30. Haaruun, walaalkay,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱشۡدُدۡ بِهِۦٓ أَزۡرِي
31. “Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَشۡرِكۡهُ فِيٓ أَمۡرِي
32. Igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَيۡ نُسَبِّحَكَ كَثِيرٗا
33. Si aan kuu xurmo weyneenno oo tasbiixsanno in badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَذۡكُرَكَ كَثِيرًا
34. Aan kuu xusnona in badan,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّكَ كُنتَ بِنَا بَصِيرٗا
35. Waxaad Adigu tahay Mid mar walba na Arka".
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ قَدۡ أُوتِيتَ سُؤۡلَكَ يَٰمُوسَىٰ
36. (Alle) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow!
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَيۡكَ مَرَّةً أُخۡرَىٰٓ
37. Waxaanu kuu nicmeennay waqti kale (oo hore),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ أُمِّكَ مَا يُوحَىٰٓ
38. Markaan u waxyoonnay hooyadaa waxaan u waxyoonnay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَنِ ٱقۡذِفِيهِ فِي ٱلتَّابُوتِ فَٱقۡذِفِيهِ فِي ٱلۡيَمِّ فَلۡيُلۡقِهِ ٱلۡيَمُّ بِٱلسَّاحِلِ يَأۡخُذۡهُ عَدُوّٞ لِّي وَعَدُوّٞ لَّهُۥۚ وَأَلۡقَيۡتُ عَلَيۡكَ مَحَبَّةٗ مِّنِّي وَلِتُصۡنَعَ عَلَىٰ عَيۡنِيٓ
39.(Waxaan ku nidhi): Ku rid isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri xeebta, halkaas waxaa qaadan mid cadow ii ah, isagana cadow u ah! Waxaan yeelay dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah5, iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa Ilaalinteyda iyo Ogaanshaheyga),
5. Alle wuxuu jeclaanta Muuse geliyey quluubta dadka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ تَمۡشِيٓ أُخۡتُكَ فَتَقُولُ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ مَن يَكۡفُلُهُۥۖ فَرَجَعۡنَٰكَ إِلَىٰٓ أُمِّكَ كَيۡ تَقَرَّ عَيۡنُهَا وَلَا تَحۡزَنَۚ وَقَتَلۡتَ نَفۡسٗا فَنَجَّيۡنَٰكَ مِنَ ٱلۡغَمِّ وَفَتَنَّٰكَ فُتُونٗاۚ فَلَبِثۡتَ سِنِينَ فِيٓ أَهۡلِ مَدۡيَنَ ثُمَّ جِئۡتَ عَلَىٰ قَدَرٖ يَٰمُوسَىٰ
40. (Waxaan kuu galnay wanaag mar kale) markay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korin (nuujineysa)? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin6, waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, Waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Waxaadna halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow!.
6. Waa qibidigii Masriga ahaa ee dhintay kaddib markuu Muuse ku dhuftay Qibidigaa hal feedh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱصۡطَنَعۡتُكَ لِنَفۡسِي
41. Waxaan kuu doortay Nafteyda7.
7. Alle baa doortay Muuse oo ka yeelay mid xoog leh jidh iyo shakshi ahaanba si uu u qaado xilka gaarsiinta diinta ilmaha Israa’iil.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱذۡهَبۡ أَنتَ وَأَخُوكَ بِـَٔايَٰتِي وَلَا تَنِيَا فِي ذِكۡرِي
42. “La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, hana ka daalina Xuskayga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱذۡهَبَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
43. Aada xagga Fircoon, wuu xadgudbaye.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقُولَا لَهُۥ قَوۡلٗا لَّيِّنٗا لَّعَلَّهُۥ يَتَذَكَّرُ أَوۡ يَخۡشَىٰ
44. Kula hadlana hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama ka baqo (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَا رَبَّنَآ إِنَّنَا نَخَافُ أَن يَفۡرُطَ عَلَيۡنَآ أَوۡ أَن يَطۡغَىٰ
45.Waxay yidhaahdeen: “Rabbigayow! Waxaanu ka cabsan inuu ku degdego inuu na ciqaabo ama nagu xadgudbo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ لَا تَخَافَآۖ إِنَّنِي مَعَكُمَآ أَسۡمَعُ وَأَرَىٰ
46. (Alle) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, Anigaa idin la jira, waan maqli oo arkaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأۡتِيَاهُ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولَا رَبِّكَ فَأَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَلَا تُعَذِّبۡهُمۡۖ قَدۡ جِئۡنَٰكَ بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّكَۖ وَٱلسَّلَٰمُ عَلَىٰ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلۡهُدَىٰٓ
47. U taga (Fircoon) oo dhahaya: Waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil hana caddabin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Nabadna korkiisa ha ahaato8 kan raaca hunuunka (Alle, Islaamka oo ku dhaqma).
8. Ammaan iyo nabad uu ka ahaado cadaabka Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا قَدۡ أُوحِيَ إِلَيۡنَآ أَنَّ ٱلۡعَذَابَ عَلَىٰ مَن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
48. Waxaa naloo waxyooday in cadaab ku dhici qofkii (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَمَن رَّبُّكُمَا يَٰمُوسَىٰ
49. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبُّنَا ٱلَّذِيٓ أَعۡطَىٰ كُلَّ شَيۡءٍ خَلۡقَهُۥ ثُمَّ هَدَىٰ
50. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo u tilmaamay (yoolkeed).”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَمَا بَالُ ٱلۡقُرُونِ ٱلۡأُولَىٰ
51. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ka warran xaalka facyadii hore?.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ عِلۡمُهَا عِندَ رَبِّي فِي كِتَٰبٖۖ لَّا يَضِلُّ رَبِّي وَلَا يَنسَى
52. (Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal (Looxa Maxfuudka). Rabbigay ma gefo, waxnana ma halmaamo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مَهۡدٗا وَسَلَكَ لَكُمۡ فِيهَا سُبُلٗا وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّن نَّبَاتٖ شَتَّىٰ
53. Alle waa Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan); oo idiinka furay waddooyin dhexdeeda, idiinkana soo dejiya biyo (roob) xagga daruuraha, markaasaan ku soo saarnaa dhir noocyo kala duwan ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كُلُواْ وَٱرۡعَوۡاْ أَنۡعَٰمَكُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّأُوْلِي ٱلنُّهَىٰ
54. Cuna oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (muujin Awoodda Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) ciddii leh caqli fayow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ مِنۡهَا خَلَقۡنَٰكُمۡ وَفِيهَا نُعِيدُكُمۡ وَمِنۡهَا نُخۡرِجُكُمۡ تَارَةً أُخۡرَىٰ
55. Xaggeedaan (arlada) idinka abuurnay, gudaheeda baan idinku celin, xaggeedaana la idinka soo saari mar kale (geeri kaddib).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَرَيۡنَٰهُ ءَايَٰتِنَا كُلَّهَا فَكَذَّبَ وَأَبَىٰ
56. Waxaan dhab ahaan tusnay (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase beeniyey oo diiday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَجِئۡتَنَا لِتُخۡرِجَنَا مِنۡ أَرۡضِنَا بِسِحۡرِكَ يَٰمُوسَىٰ
57. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَنَأۡتِيَنَّكَ بِسِحۡرٖ مِّثۡلِهِۦ فَٱجۡعَلۡ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكَ مَوۡعِدٗا لَّا نُخۡلِفُهُۥ نَحۡنُ وَلَآ أَنتَ مَكَانٗا سُوٗى
58. Waxaanu kuula iman sixir la mid ah ee noo qabo ballan dhexdeenna aan ku kulanno, oo aanaan ka dib dhaceyn innaga iyo adiguba midna meel fagaare ah9.
9. Meel cayiman si loo ogaado, macno kale waa meel noo dhexeysa ee la isugu yimaado ama meel fagaare ah oo siman.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ مَوۡعِدُكُمۡ يَوۡمُ ٱلزِّينَةِ وَأَن يُحۡشَرَ ٱلنَّاسُ ضُحٗى
59. (Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, hana la soo kulmiyo Dadka barqadii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَوَلَّىٰ فِرۡعَوۡنُ فَجَمَعَ كَيۡدَهُۥ ثُمَّ أَتَىٰ
60. Markaasuu Fircoon tagey, isuna keenay tabihiisii, markaas yimid.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ لَهُم مُّوسَىٰ وَيۡلَكُمۡ لَا تَفۡتَرُواْ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا فَيُسۡحِتَكُم بِعَذَابٖۖ وَقَدۡ خَابَ مَنِ ٱفۡتَرَىٰ
61. Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): "Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Alle si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Waxaana hoogay qofkii ka been sheega (Alle)”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَنَٰزَعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّجۡوَىٰ
62. Markaasay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَٰنِ لَسَٰحِرَٰنِ يُرِيدَانِ أَن يُخۡرِجَاكُم مِّنۡ أَرۡضِكُم بِسِحۡرِهِمَا وَيَذۡهَبَا بِطَرِيقَتِكُمُ ٱلۡمُثۡلَىٰ
63. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa labo saaxir oo doonaya inay idiinkaga saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo ay bi'iyaan dariiqadiinna fiican (dhaqanka iyo caadadiinna).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَجۡمِعُواْ كَيۡدَكُمۡ ثُمَّ ٱئۡتُواْ صَفّٗاۚ وَقَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡيَوۡمَ مَنِ ٱسۡتَعۡلَىٰ
64. Ee isu geeya Tabtiinna oo imaada idinkoo saf saf ah; waxaa liibaani maanta ciddii gacan sarreysa ”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ يَٰمُوسَىٰٓ إِمَّآ أَن تُلۡقِيَ وَإِمَّآ أَن نَّكُونَ أَوَّلَ مَنۡ أَلۡقَىٰ
65. Waxay yidhaahdeen: “Muusow! Ama tuur (usha) ama aan innagu ahaanno kuwa hor tuura?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ بَلۡ أَلۡقُواْۖ فَإِذَا حِبَالُهُمۡ وَعِصِيُّهُمۡ يُخَيَّلُ إِلَيۡهِ مِن سِحۡرِهِمۡ أَنَّهَا تَسۡعَىٰ
66. Wuxuu yidhi: “Bal tuura idinka (marka hore)"! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَوۡجَسَ فِي نَفۡسِهِۦ خِيفَةٗ مُّوسَىٰ
67. Markaasuu Muuse ka dareemay naftiisii cabsi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡنَا لَا تَخَفۡ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡأَعۡلَىٰ
68. Waxaanu nidhi: Ha cabsan, waa adiga kan sarreyne.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَلۡقِ مَا فِي يَمِينِكَ تَلۡقَفۡ مَا صَنَعُوٓاْۖ إِنَّمَا صَنَعُواْ كَيۡدُ سَٰحِرٖۖ وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّاحِرُ حَيۡثُ أَتَىٰ
69. Tuurna waxa ku jira gacantaaada midig! Waxay liqi waxay sameeyeen, waxa ay sameeyeen waa uun tab sixirrow, mana liibaano sixirrow meeluu yimaadaba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سُجَّدٗا قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ هَٰرُونَ وَمُوسَىٰ
70. Saaxirintii waxay ula dhaceen dhulka sujuud10.Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeynay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”
10. Kaddib markay arkeen mucjisooyinka uu Alle siiyey Muuse iyo inay yihiin xaqiiq oo aysan ahayn moodsiin sixir.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَۖ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ فِي جُذُوعِ ٱلنَّخۡلِ وَلَتَعۡلَمُنَّ أَيُّنَآ أَشَدُّ عَذَابٗا وَأَبۡقَىٰ
71. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad rumeyseen ka hor inta aanan idiin idmin? Hubaal waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, waxaana idinku daldali jirridaha geedaha timrta, waadna ogaan midkaayagii (aniga ama Rabbiga Muuse) cadaab daran oo daa’ insan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَن نُّؤۡثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَآءَنَا مِنَ ٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلَّذِي فَطَرَنَاۖ فَٱقۡضِ مَآ أَنتَ قَاضٍۖ إِنَّمَا تَقۡضِي هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَآ
72. Waxay yidhaahdeen: “Kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray11. Ee go'aami waxaad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka.
11. Weedhan ‘ walladdii fadaranaa” waxaa sidoo kale lagu fasiray dhaar ahaan macnaha markaa waxaa weeye: Waxaan ku dhaarannay Kan na abuuraye.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّآ ءَامَنَّا بِرَبِّنَا لِيَغۡفِرَ لَنَا خَطَٰيَٰنَا وَمَآ أَكۡرَهۡتَنَا عَلَيۡهِ مِنَ ٱلسِّحۡرِۗ وَٱللَّهُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ
73. Waxaanu rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxaad nagu khasabtay ee (barashda) sixirka ah. Alle baana khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’insanaan badan12 (cadaab ahaan).
12. Ajar ahaan iyo ciqaab ahaanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ مَن يَأۡتِ رَبَّهُۥ مُجۡرِمٗا فَإِنَّ لَهُۥ جَهَنَّمَ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ
74. Qofkii u yimaada Rabbigiis isagoo gaal ah, abaalkiisu waa Jahannamo, uusan ku dhimaneyn, kuna noolaaneyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَن يَأۡتِهِۦ مُؤۡمِنٗا قَدۡ عَمِلَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلدَّرَجَٰتُ ٱلۡعُلَىٰ
75.Qofkii se u yimaada isagoo mu’min ah oo samo fashay, kuwaasi waxay leeyihiin derejooyinka sare (nolosha dambe-Aakhiro)
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
جَنَّٰتُ عَدۡنٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ مَن تَزَكَّىٰ
76. Beero (Jannooyin) ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oy ku dhex waari weligood: kaasi waa abaalka kan ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida)13.
13. Iska xala fadaro oo dhan, uu ugu daran yahay shirkiga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَسۡرِ بِعِبَادِي فَٱضۡرِبۡ لَهُمۡ طَرِيقٗا فِي ٱلۡبَحۡرِ يَبَسٗا لَّا تَخَٰفُ دَرَكٗا وَلَا تَخۡشَىٰ
77. Waxaan dhab ahaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo ku leh): "Guureysii addoomahayga oo uga yeel waddo badda dhexdeeda qallalan, ha ka cabsan haleel14 hana ka baqin hafitaan)".
14. Ku dhufashada badda usha, eeg Suuradda Ash-Shucaraa: Aayadda 63. Haleel macnaha inuu ku soo gaaro Fircoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَتۡبَعَهُمۡ فِرۡعَوۡنُ بِجُنُودِهِۦ فَغَشِيَهُم مِّنَ ٱلۡيَمِّ مَا غَشِيَهُمۡ
78. Markaas waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, waxaana halkaas kaga daboo- lay xagga badda waxaasi daboolay15.
15. Ma daboolin oo qaadin biyo oo keliya, balse waxaa daboolay oo wada qaatay waxaa daboolay uu Alle Keliya Ogsoon yahay sida argagax, xanuun, qoomamo, cadaab, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَضَلَّ فِرۡعَوۡنُ قَوۡمَهُۥ وَمَا هَدَىٰ
79. Wuxuu dhumiyey Fircoon qolodiisii, mana uu hanuunin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ قَدۡ أَنجَيۡنَٰكُم مِّنۡ عَدُوِّكُمۡ وَوَٰعَدۡنَٰكُمۡ جَانِبَ ٱلطُّورِ ٱلۡأَيۡمَنَ وَنَزَّلۡنَا عَلَيۡكُمُ ٱلۡمَنَّ وَٱلسَّلۡوَىٰ
80. Ilmahii Israa’iilow! Waxaan idinka samata bixinnay cadowgiinnii, waxaana idinkula gallay ballan dhinaca midig ee Buurta (Siinnay), oo idiin soo dejinnay Manna (kibis macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (shimbir hilib wanaagsan - Samaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كُلُواْ مِن طَيِّبَٰتِ مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ وَلَا تَطۡغَوۡاْ فِيهِ فَيَحِلَّ عَلَيۡكُمۡ غَضَبِيۖ وَمَن يَحۡلِلۡ عَلَيۡهِ غَضَبِي فَقَدۡ هَوَىٰ
81. Cuna waxyaalaha wanaagsan (ee xalaasha ah) oo aan idinku irsaaqnay, hana ku xadugudbina oo qooqina (dhulka, ha dulminina dadka hana is kibrinana), yeysan idinku dhicine Cadhadaydu. Kay ku dhacdo cadhadayduna hoog oo ba'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنِّي لَغَفَّارٞ لِّمَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا ثُمَّ ٱهۡتَدَىٰ
82. Aniguna waan u denbi Dhaaf Badanahay qofkii toobad keena oo (Xaqa) rumeeya oo sama fala, markaas ku sugnaada hanuunka oo toosnaada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَمَآ أَعۡجَلَكَ عَن قَوۡمِكَ يَٰمُوسَىٰ
83. (Alle wuxuu yidhi), “Maxaa kaa soo dedejiyey qoladaadii, Muusow?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ هُمۡ أُوْلَآءِ عَلَىٰٓ أَثَرِي وَعَجِلۡتُ إِلَيۡكَ رَبِّ لِتَرۡضَىٰ
84. Wuxuu yidhi: “Waa kuwaan ku soo jooga raadkayga, waana kuu soo deg-degay Rabbiyow si aad u raalli ahaato".
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَإِنَّا قَدۡ فَتَنَّا قَوۡمَكَ مِنۢ بَعۡدِكَ وَأَضَلَّهُمُ ٱلسَّامِرِيُّ
85.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaanu imtixaannay qolodaadii gadaashaa, waxaana lumiyey As-Saamiri.’
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَرَجَعَ مُوسَىٰٓ إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ غَضۡبَٰنَ أَسِفٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ أَلَمۡ يَعِدۡكُمۡ رَبُّكُمۡ وَعۡدًا حَسَنًاۚ أَفَطَالَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡعَهۡدُ أَمۡ أَرَدتُّمۡ أَن يَحِلَّ عَلَيۡكُمۡ غَضَبٞ مِّن رَّبِّكُمۡ فَأَخۡلَفۡتُم مَّوۡعِدِي
86. Markaasuu Muuse u noqday tolkiisii isagoo cadheysan oo walbahaarsan, Wuxuu yidhi: “Tolkayow! Ma wuusan Rabbigiin idiin sameyn ballan qaad wanaagsan16? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad doonteen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin, oo aad uga baxdeen ballankii aad ila gasheen?”
16. La jirka Nabigiin si uu idiinku soo qaado Kitaabka Towreedda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ مَآ أَخۡلَفۡنَا مَوۡعِدَكَ بِمَلۡكِنَا وَلَٰكِنَّا حُمِّلۡنَآ أَوۡزَارٗا مِّن زِينَةِ ٱلۡقَوۡمِ فَقَذَفۡنَٰهَا فَكَذَٰلِكَ أَلۡقَى ٱلسَّامِرِيُّ
87. Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, waxaase nala saaray culaysyo ka mid ah alaab reer (Fircoon) isku qurxin jireen17, markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaasuuna u tuuray As-Saamiri.
17. Waxaa horay loo amray inay soo qaataan waxyaalihii ay isku qurxin jireen dadkii Masar ee dahabka ahaa, markaasuu wuxuu amray Saamiri inay ku tuuraan dahabkaa dab si ay uga sameeyaan sanam leh muuqaal dibi oo kale, markaasay dabkii ku tuureen, Saamirina ku tuuray sidoo kale iyo carro uu ka soo qaaday raadka faraskii Jabriil oo uu arkay, markaasaa waxaa ka soo baxay sanam muuqaal dibi leh ay ilmihii Israa’iil qaarkood caabudeen. Saamiri wuxuu ahaa munaafiq ku dhex jiray ilmihii Israa’iil oo u horseeday sanam caabudka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخۡرَجَ لَهُمۡ عِجۡلٗا جَسَدٗا لَّهُۥ خُوَارٞ فَقَالُواْ هَٰذَآ إِلَٰهُكُمۡ وَإِلَٰهُ مُوسَىٰ فَنَسِيَ
88. Wuxuuna uga soo saaray (muuqaal) dibi oo cod leh. Waxayna yidhaahdeen: "Kan waa ilaahiinna iyo ilaaha Muuse, wuuse illoobay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَا يَرَوۡنَ أَلَّا يَرۡجِعُ إِلَيۡهِمۡ قَوۡلٗا وَلَا يَمۡلِكُ لَهُمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗا
89. Miyeynan arkayn in aanu u soo celin kareyn kelmadna (wax jawaab ah), oo aanu u haynin dhib iyo dheef midna?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ قَالَ لَهُمۡ هَٰرُونُ مِن قَبۡلُ يَٰقَوۡمِ إِنَّمَا فُتِنتُم بِهِۦۖ وَإِنَّ رَبَّكُمُ ٱلرَّحۡمَٰنُ فَٱتَّبِعُونِي وَأَطِيعُوٓاْ أَمۡرِي
90. Wuxuuna ku yidhi Haaruun kal hore (intaanu soo laaban Muuse):Tolkayow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, Rabbigiinna waa (Alle) Raxmaan- ka ee i soo raaca adeecana amarkayga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَن نَّبۡرَحَ عَلَيۡهِ عَٰكِفِينَ حَتَّىٰ يَرۡجِعَ إِلَيۡنَا مُوسَىٰ
91. Waxay yidhaahdeen: “Ma deyneyno caabudidda (dibiga) intuu nooga soo noqon Muuse.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَٰهَٰرُونُ مَا مَنَعَكَ إِذۡ رَأَيۡتَهُمۡ ضَلُّوٓاْ
92. (Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday markaad aragtay inay lumeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَّا تَتَّبِعَنِۖ أَفَعَصَيۡتَ أَمۡرِي
93. Inaad I soo raacdo (oo ka soo tagto)? Ma waxaad caasiday amarkaygii?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَبۡنَؤُمَّ لَا تَأۡخُذۡ بِلِحۡيَتِي وَلَا بِرَأۡسِيٓۖ إِنِّي خَشِيتُ أَن تَقُولَ فَرَّقۡتَ بَيۡنَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَلَمۡ تَرۡقُبۡ قَوۡلِي
94. (Haaruun) wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil, mana aadan dhowrin (ama sugin) qowlkeyga.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَمَا خَطۡبُكَ يَٰسَٰمِرِيُّ
95. (Muuse) wuxuu yidhi: “Muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ بَصُرۡتُ بِمَا لَمۡ يَبۡصُرُواْ بِهِۦ فَقَبَضۡتُ قَبۡضَةٗ مِّنۡ أَثَرِ ٱلرَّسُولِ فَنَبَذۡتُهَا وَكَذَٰلِكَ سَوَّلَتۡ لِي نَفۡسِي
96. Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Waxaana ka soo qaaatay sacab muggi (oo carro ah) raadkii Rasuulka18 (Faraskii Jabriil) oo aan ku tuuray (dabkii lagu riday alaabadii ay isku qurxin jireen reer Fircoon si aan uga sameeyo sawir dibi). Sidaasayna ii qurxisay nafteydu.
18. Raadka Rasuulka waxaa loola jeedaa Raadka qoobka faraskii uu watay Jabriil c.s. Waxaa kaloo lagu fasiray Raadka Rasuulka:Risaaladii Rasuulka oo ah sharciga uu la yimid Muuse, inuu Saamiri isaga tagay sharcigaas.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَٱذۡهَبۡ فَإِنَّ لَكَ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ أَن تَقُولَ لَا مِسَاسَۖ وَإِنَّ لَكَ مَوۡعِدٗا لَّن تُخۡلَفَهُۥۖ وَٱنظُرۡ إِلَىٰٓ إِلَٰهِكَ ٱلَّذِي ظَلۡتَ عَلَيۡهِ عَاكِفٗاۖ لَّنُحَرِّقَنَّهُۥ ثُمَّ لَنَنسِفَنَّهُۥ فِي ٱلۡيَمِّ نَسۡفًا
97. (Muuse) wuxuu yidhi: Tag oo naga fagow! Waxaa kuu sugnaaday noloshan inaad tidhaahdo: "Taabasho ma jirto (waa lay gooyey si dhan)"19, waxaa kaloo leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabka Aakhiro). Eegna ilaah ku sheeggaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. Waanu gubi (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku firdhinno oo waxba aanu ka hari doonin.’
19. “ Ha i taabaannina” waa ciqaab ahaan adduunka, waayo waxaa la amray inay dadku u gooyaan si dhan oo waxba ku darsan. Aakhirona waxaa sugaya Naar olol badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَآ إِلَٰهُكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ وَسِعَ كُلَّ شَيۡءٍ عِلۡمٗا
98. Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuuna ku koobay wax walba Cilmi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَٰلِكَ نَقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ مَا قَدۡ سَبَقَۚ وَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ مِن لَّدُنَّا ذِكۡرٗا
99. Sidaasaan (Muxammadow) kuugu soo tebinnaa warar ka mid ah wixii horey u dhacay. Waxaanuna xaqiiq kaa siinnay Xaggayaga waano (Qur’aankan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّنۡ أَعۡرَضَ عَنۡهُ فَإِنَّهُۥ يَحۡمِلُ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وِزۡرًا
100. Qofkii ka jeesta wuxuu xambaaran Maalinta Qiyaame culaab culus (denbi).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خَٰلِدِينَ فِيهِۖ وَسَآءَ لَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ حِمۡلٗا
101. Iyagoo ku dhex waari (cadaabka). Xumaa maalinta Qiyaamaha culaabka ay qaadi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِۚ وَنَحۡشُرُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ يَوۡمَئِذٖ زُرۡقٗا
102. Maaalinta buunka la afuufi20 (afuufka labaad), oo aan isu soo kulmin denbiila- yaasha Maalintaa iyagoo indho cawlan21.
20. Afuufka labaad ee Buunka, waana afuufka dadka ay ka soo bixi doonaan qubuurahooda iyagoo nool.
21. Cabsi darteed, ama macnaha waa iyagoo indha la’ waxba aan arkayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَتَخَٰفَتُونَ بَيۡنَهُمۡ إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا عَشۡرٗا
103. Iyagoo Hoos u wada hadlaya oo isku leh: Ma aydaan joogin waxaan aheyn toban (maalmood adduunka).”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
نَّحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَقُولُونَ إِذۡ يَقُولُ أَمۡثَلُهُمۡ طَرِيقَةً إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا يَوۡمٗا
104. Annagaa ka ogsoon waxay leeyihiin, marka kooda ugu jid wanaagsani odhan, “Ma aydaan joogin (adduunka) maalin mooyee.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡجِبَالِ فَقُلۡ يَنسِفُهَا رَبِّي نَسۡفٗا
105. Waxay wax kaa weydiin buuraha, dheh: Rabbigay baa baabbi’in baabbi'in isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَيَذَرُهَا قَاعٗا صَفۡصَفٗا
106. Wuxuu ka yeeli (arladana) ban siman.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّا تَرَىٰ فِيهَا عِوَجٗا وَلَآ أَمۡتٗا
107. Aad ku dhex arkeyn meel hoosaysa ama sarreysa.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَئِذٖ يَتَّبِعُونَ ٱلدَّاعِيَ لَا عِوَجَ لَهُۥۖ وَخَشَعَتِ ٱلۡأَصۡوَاتُ لِلرَّحۡمَٰنِ فَلَا تَسۡمَعُ إِلَّا هَمۡسٗا
108. Maalintaas waxay iyagu (qof walbaa) raaci (dhawaaqa) dhawaaqaha isagoon leexleexasho lahayn. Waxayna ahaan codadka oo dhan kuwo kushuucsan Raxmaanka (Alle) horti, mana maqleysid waxaan aheyn shanqarta (socodkooda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَئِذٖ لَّا تَنفَعُ ٱلشَّفَٰعَةُ إِلَّا مَنۡ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَرَضِيَ لَهُۥ قَوۡلٗا
109. Maalintaas shafeeco wax ma tarto, mid maahee uu Raxmaanku (Alle) u idmo oo uu ka raalli yahay hadalkiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَلَا يُحِيطُونَ بِهِۦ عِلۡمٗا
110. Wuxuu (Alle) og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadhaashooda ah, Mase ku koobi karaan (waxa uu Og yahay) Cilmi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَعَنَتِ ٱلۡوُجُوهُ لِلۡحَيِّ ٱلۡقَيُّومِۖ وَقَدۡ خَابَ مَنۡ حَمَلَ ظُلۡمٗا
111. Waxay dhammaan wejiyaduna u khushuuci (Allaah), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha iyo Maamulaha waxa uunka jira oo dhan. Waxaana khasaaray kii geystay dulmi22.
22. Qofkii gef ka galay Alle ee yidhi wiil buu leeyahay ama ilmo ama ku tilmaamay sifad xun ama gef ka galay mid ka mid ah uumankiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَلَا يَخَافُ ظُلۡمٗا وَلَا هَضۡمٗا
112. Qofka se samo fala oo mu’min ah, ma ka cabsanayo dulmi loo geysto iyo wax loo dhimo midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَٰهُ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا وَصَرَّفۡنَا فِيهِ مِنَ ٱلۡوَعِيدِ لَعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ أَوۡ يُحۡدِثُ لَهُمۡ ذِكۡرٗا
113. Sidaasaan kugu soo dejinnay Qur’aan af Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniiniha iyo gooddiyada, bal inay iska jiraan oo ka dhowrsadaan (shirkiga iyo xumaha kale), ama uu ku dhaliyo waantow (ama u noqdo wax lagu xusuusto).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡحَقُّۗ وَلَا تَعۡجَلۡ بِٱلۡقُرۡءَانِ مِن قَبۡلِ أَن يُقۡضَىٰٓ إِلَيۡكَ وَحۡيُهُۥۖ وَقُل رَّبِّ زِدۡنِي عِلۡمٗا
114. Ee waxaa Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uumanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ عَهِدۡنَآ إِلَىٰٓ ءَادَمَ مِن قَبۡلُ فَنَسِيَ وَلَمۡ نَجِدۡ لَهُۥ عَزۡمٗا
115. Waxaana dhab ahaan la galnay ballan Aadam mar hore23, wuuse illoobay, kamana aanu helin go’aan adag.
23. Waxaa axdigaa lagu xusay Suuradda 2 Al-Baqara : Aayadda 35, wuxuuna Allaah halkan ku xusay inaan laga helin Aadam go’aan adag si uu uga hortago fidnada shaydaanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰ
116. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda (salaan ahaan) Aadam, wayna sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقُلۡنَا يَٰٓـَٔادَمُ إِنَّ هَٰذَا عَدُوّٞ لَّكَ وَلِزَوۡجِكَ فَلَا يُخۡرِجَنَّكُمَا مِنَ ٱلۡجَنَّةِ فَتَشۡقَىٰٓ
117. Waxaanu nidhi: Aadamow! Kani (Ibliis) waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibtoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعۡرَىٰ
118. Waxaa kuu sugnaaday halkaan inaadan ku gaajoon kuna arradin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّكَ لَا تَظۡمَؤُاْ فِيهَا وَلَا تَضۡحَىٰ
119. Oo aad ku harraadeyn, qorrax kulkeedna kugu dhaceyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَوَسۡوَسَ إِلَيۡهِ ٱلشَّيۡطَٰنُ قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ هَلۡ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ ٱلۡخُلۡدِ وَمُلۡكٖ لَّا يَبۡلَىٰ
120. Markaasuu shaydaan si hoose wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan dhammaaneyn?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَكَلَا مِنۡهَا فَبَدَتۡ لَهُمَا سَوۡءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخۡصِفَانِ عَلَيۡهِمَا مِن وَرَقِ ٱلۡجَنَّةِۚ وَعَصَىٰٓ ءَادَمُ رَبَّهُۥ فَغَوَىٰ
121. Markaasay (Aadam iyo Xawwaa) wax ka cuneen (geedkii), saa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) korkooda caleemihii Jannada. Wuxuuna Aadam ku caasiyey Rabbigi oo wuu habaabay24.
24. Eeg sharaxa Suuradda 9 Al-Acraaf: Aayadda 19.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ ٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَتَابَ عَلَيۡهِ وَهَدَىٰ
122. Waxaase doortay Rabbigiis wuuna ka toobad aqbalay oo hanuuniyey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ٱهۡبِطَا مِنۡهَا جَمِيعَۢاۖ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوّٞۖ فَإِمَّا يَأۡتِيَنَّكُم مِّنِّي هُدٗى فَمَنِ ٱتَّبَعَ هُدَايَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشۡقَىٰ
123. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, iyagoo qaarkiinba cadow u yahay qaar kale. Hadduu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, qofkii raaca hanuunkayga ma ku lumayo (adduunkan), mana ku dar xumaanayo (Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَنۡ أَعۡرَضَ عَن ذِكۡرِي فَإِنَّ لَهُۥ مَعِيشَةٗ ضَنكٗا وَنَحۡشُرُهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَعۡمَىٰ
124. Qofkii se ka jeesta Xuskayga (Qur’aankan) wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, waxaana la soo kulmin (la soo bixin) Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرۡتَنِيٓ أَعۡمَىٰ وَقَدۡ كُنتُ بَصِيرٗا
125. Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad ii soo kulmisay (ii keentay Qiyaamada) anoo indha la’ anoo (hadda ka hor) wax arki jiray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ كَذَٰلِكَ أَتَتۡكَ ءَايَٰتُنَا فَنَسِيتَهَاۖ وَكَذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمَ تُنسَىٰ
126. (Alle) wuxuu odhan: Sidaasoo kale waxaa kuu yimid Aayadahayaga, waadse iska illowday (oo ka dan la’aatay), sidaas darteed Maanta, waxaa lagaaga tegi oo lagugu illoobi (Naarta).”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَنۡ أَسۡرَفَ وَلَمۡ يُؤۡمِنۢ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦۚ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَشَدُّ وَأَبۡقَىٰٓ
127. Sidaasaan ku abaal marinaa ciddii xadgudubta oo aan rumeyn Aayadaha Rabbigii, cadaabka Aakhiro ayaana sii daran oo joogto daa'in ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَمۡ يَهۡدِ لَهُمۡ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ يَمۡشُونَ فِي مَسَٰكِنِهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّأُوْلِي ٱلنُّهَىٰ
128. Miyaanay u caddaan intaan ummado hallignay iyaga hortood oo ay ku dul soc- daan guryahoodii? Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh caqliga fayow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَكَانَ لِزَامٗا وَأَجَلٞ مُّسَمّٗى
129. Haddayna jirin Kelmed hore oo ka soo fushay Rabbigaa, in dib loogu dhigo abaal marintooda maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani waxaa ku waajibi laheyd25 (cadaab ku dhacda intay joogaan adduunka).
25. Alle wuxuu ku ciqaabi lahaa adduunkan sida uu u galayba dadkii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ قَبۡلَ طُلُوعِ ٱلشَّمۡسِ وَقَبۡلَ غُرُوبِهَاۖ وَمِنۡ ءَانَآيِٕ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡ وَأَطۡرَافَ ٱلنَّهَارِ لَعَلَّكَ تَرۡضَىٰ
130. Ee u samir waxay leeyihiin, oo ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda, oo (tuko) qaar ka mid ah saacadaha habeenka iyo dacallada maalinta si aad u raali noqoto.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّنۡهُمۡ زَهۡرَةَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا لِنَفۡتِنَهُمۡ فِيهِۚ وَرِزۡقُ رَبِّكَ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰ
131. Hana u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaarkood (gaalada) ee quruxda nolosha adduunka ah si aan ugu imtixaanno, risiqa Rabbigaa (Jannada gudaheeda) baana ka khayr badan (waxaa adduunka lagu siiyey) oo ka daa’in san.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأۡمُرۡ أَهۡلَكَ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱصۡطَبِرۡ عَلَيۡهَاۖ لَا نَسۡـَٔلُكَ رِزۡقٗاۖ نَّحۡنُ نَرۡزُقُكَۗ وَٱلۡعَٰقِبَةُ لِلتَّقۡوَىٰ
132. Ku amarna salaadda ehelkaaga, oo u samir yeelo gudashada (salaadaha) kuma weydiisaneyno risiq; Annagaa ku irsaaqi. Cidhibta wanaagsan (ee Jannada) waxaa leh kuwa Alle ka cabsada ee iska jira (Cadaabkiisa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ لَوۡلَا يَأۡتِينَا بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّهِۦٓۚ أَوَلَمۡ تَأۡتِهِم بَيِّنَةُ مَا فِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ
133. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Muxuu (Muxammad) noogu keeni waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigii ah?” Miyaanay u imaan maraggii (ku sugnaa) Kutubtii hore (ee ku saabsanaa imaanshaha Nabiga).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ أَنَّآ أَهۡلَكۡنَٰهُم بِعَذَابٖ مِّن قَبۡلِهِۦ لَقَالُواْ رَبَّنَا لَوۡلَآ أَرۡسَلۡتَ إِلَيۡنَا رَسُولٗا فَنَتَّبِعَ ءَايَٰتِكَ مِن قَبۡلِ أَن نَّذِلَّ وَنَخۡزَىٰ
134. Haddaan ku halaagi laheyn cadaab isaga ka hor26, waxay odhan lahaayeen: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weydey Rasuul si aan u raacno Aayadahaa- ga, ka hor dullowga iyo dufowgannaga.
26. Waa Nabi Muxammad s.c.w. . waxaa sidoo kale lagu fasiray weedha : Isaga hortiis” in loola jeedo Qur’aanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ كُلّٞ مُّتَرَبِّصٞ فَتَرَبَّصُواْۖ فَسَتَعۡلَمُونَ مَنۡ أَصۡحَٰبُ ٱلصِّرَٰطِ ٱلسَّوِيِّ وَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ
135. Dheh: Mid walba oo naga mid ah wax buu sugayaaye, ee suga27. Waadna ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan Jidka Toosan iyo kuwa hanuunsan.
27. Waxa ka soo baxa arrinkan oo uu ku dhammaado.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ ጣሃ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት