Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጣሃ   አንቀጽ:
قَالُواْ يَٰمُوسَىٰٓ إِمَّآ أَن تُلۡقِيَ وَإِمَّآ أَن نَّكُونَ أَوَّلَ مَنۡ أَلۡقَىٰ
65. Waxay yidhaahdeen: “Muusow! Ama tuur (usha) ama aan innagu ahaanno kuwa hor tuura?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ بَلۡ أَلۡقُواْۖ فَإِذَا حِبَالُهُمۡ وَعِصِيُّهُمۡ يُخَيَّلُ إِلَيۡهِ مِن سِحۡرِهِمۡ أَنَّهَا تَسۡعَىٰ
66. Wuxuu yidhi: “Bal tuura idinka (marka hore)"! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَوۡجَسَ فِي نَفۡسِهِۦ خِيفَةٗ مُّوسَىٰ
67. Markaasuu Muuse ka dareemay naftiisii cabsi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡنَا لَا تَخَفۡ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡأَعۡلَىٰ
68. Waxaanu nidhi: Ha cabsan, waa adiga kan sarreyne.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَلۡقِ مَا فِي يَمِينِكَ تَلۡقَفۡ مَا صَنَعُوٓاْۖ إِنَّمَا صَنَعُواْ كَيۡدُ سَٰحِرٖۖ وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّاحِرُ حَيۡثُ أَتَىٰ
69. Tuurna waxa ku jira gacantaaada midig! Waxay liqi waxay sameeyeen, waxa ay sameeyeen waa uun tab sixirrow, mana liibaano sixirrow meeluu yimaadaba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سُجَّدٗا قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ هَٰرُونَ وَمُوسَىٰ
70. Saaxirintii waxay ula dhaceen dhulka sujuud10.Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeynay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”
10. Kaddib markay arkeen mucjisooyinka uu Alle siiyey Muuse iyo inay yihiin xaqiiq oo aysan ahayn moodsiin sixir.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَۖ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ فِي جُذُوعِ ٱلنَّخۡلِ وَلَتَعۡلَمُنَّ أَيُّنَآ أَشَدُّ عَذَابٗا وَأَبۡقَىٰ
71. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad rumeyseen ka hor inta aanan idiin idmin? Hubaal waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, waxaana idinku daldali jirridaha geedaha timrta, waadna ogaan midkaayagii (aniga ama Rabbiga Muuse) cadaab daran oo daa’ insan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَن نُّؤۡثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَآءَنَا مِنَ ٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلَّذِي فَطَرَنَاۖ فَٱقۡضِ مَآ أَنتَ قَاضٍۖ إِنَّمَا تَقۡضِي هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَآ
72. Waxay yidhaahdeen: “Kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray11. Ee go'aami waxaad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka.
11. Weedhan ‘ walladdii fadaranaa” waxaa sidoo kale lagu fasiray dhaar ahaan macnaha markaa waxaa weeye: Waxaan ku dhaarannay Kan na abuuraye.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّآ ءَامَنَّا بِرَبِّنَا لِيَغۡفِرَ لَنَا خَطَٰيَٰنَا وَمَآ أَكۡرَهۡتَنَا عَلَيۡهِ مِنَ ٱلسِّحۡرِۗ وَٱللَّهُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ
73. Waxaanu xaqiiq rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxaad nagu khasabtay ee (barashda) sixirka ah. Alle baana khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’insanaan badan12 (cadaab ahaan).
12. Ajar ahaan iyo ciqaab ahaanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ مَن يَأۡتِ رَبَّهُۥ مُجۡرِمٗا فَإِنَّ لَهُۥ جَهَنَّمَ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ
74. Qofkii u yimaada Rabbigiis isagoo denbiile ah, abaalkiisu waa Jahannamo, uusan ku dhimaneyn, kuna noolaaneyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَن يَأۡتِهِۦ مُؤۡمِنٗا قَدۡ عَمِلَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلدَّرَجَٰتُ ٱلۡعُلَىٰ
75.Qofkii se u yimaada isagoo mu’min ah oo samo fashay, kuwaasi waxay leeyihiin derejooyinka sare (nolosha dambe-Aakhiro)
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
جَنَّٰتُ عَدۡنٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ مَن تَزَكَّىٰ
76. Beero (Jannooyin) ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oo ay ku dhex waari weligood: kaasi waa abaalka kan ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida)13.
13. Iska xala fadaro oo dhan, uu ugu daran yahay shirkiga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጣሃ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት