Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: መርየም   አንቀጽ:

Maryam

كٓهيعٓصٓ
1. Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad1.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذِكۡرُ رَحۡمَتِ رَبِّكَ عَبۡدَهُۥ زَكَرِيَّآ
2. (Kani waa) xusid Naxariista Rabbigaa (u naxariistay) addoonkiisii Zakariya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥ نِدَآءً خَفِيّٗا
3. Markuu u dhawaaqay Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (uu Alle ku baryey).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ إِنِّي وَهَنَ ٱلۡعَظۡمُ مِنِّي وَٱشۡتَعَلَ ٱلرَّأۡسُ شَيۡبٗا وَلَمۡ أَكُنۢ بِدُعَآئِكَ رَبِّ شَقِيّٗا
4. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, anigu way daciifeen lafahaygii filweyni darteed, madaxeyguna wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, mana ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiyow mid ku hungooba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنِّي خِفۡتُ ٱلۡمَوَٰلِيَ مِن وَرَآءِي وَكَانَتِ ٱمۡرَأَتِي عَاقِرٗا فَهَبۡ لِي مِن لَّدُنكَ وَلِيّٗا
5. Waxaana u cabsan xigtada2 iga dambeysa (inay xumaadaan), marwadeyduna waa ma dhaleys. Ee iga sii Xaggaaga wali (walad)3.
2. Qaraabada dhinaca aabbaha ah
3. Si uu u dhaxlo xilka diinta, cilmiga, iyo hoggaaminta ilmo Israa’iil.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَرِثُنِي وَيَرِثُ مِنۡ ءَالِ يَعۡقُوبَۖ وَٱجۡعَلۡهُ رَبِّ رَضِيّٗا
6. I dhaxla4, dhaxlana reer Yacquub oo ka yeel Rabbiyow midaad ka raalli tahay.
4. Iga dhaxla cilmiga diinta iyo Nabinnimada ee loola ma jeedo maalka, waayo anbiyadu lagama dhaxlo maal adduunyo, waxay ka tagaan oo maal ahna waa sadaqo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰزَكَرِيَّآ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ ٱسۡمُهُۥ يَحۡيَىٰ لَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ مِن قَبۡلُ سَمِيّٗا
7. (Waxaa lagu yidhi): “Zakariyow! Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu yahay Yaxyaa. Ma aanu u yeelin horey wax la magac ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَٰمٞ وَكَانَتِ ٱمۡرَأَتِي عَاقِرٗا وَقَدۡ بَلَغۡتُ مِنَ ٱلۡكِبَرِ عِتِيّٗا
8. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays,aniguna ka gaaray weynida gabow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٞ وَقَدۡ خَلَقۡتُكَ مِن قَبۡلُ وَلَمۡ تَكُ شَيۡـٔٗا
9. (Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu leeyahay5: Waa ii fududdahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkii horeba adigoon waxba ahayn.
5. Alle Subxaanahu watacaalaa uu u soo faray malaa’igta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ ٱجۡعَل لِّيٓ ءَايَةٗۖ قَالَ ءَايَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَٰثَ لَيَالٖ سَوِيّٗا
10. (Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaamad- daadu waa inaadan la hadli kareyn dadka saddex 'maalmood iyo' habeenno adigoo fayow.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ مِنَ ٱلۡمِحۡرَابِ فَأَوۡحَىٰٓ إِلَيۡهِمۡ أَن سَبِّحُواْ بُكۡرَةٗ وَعَشِيّٗا
11. Markaasuu uga soo baxay qolodiisii mixraabka, oo u tilmaamay inay (Alle) u tasbiixsadaan (ka hufaan ceeb iyo nuqsaan) oo xusaan subax iyo galabba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰيَحۡيَىٰ خُذِ ٱلۡكِتَٰبَ بِقُوَّةٖۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡحُكۡمَ صَبِيّٗا
12. (Waa' dambe, Alle Wuxuu yidhi): "Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Waxaanuna siinnay fahan iyo xikmad isagoo yar.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَحَنَانٗا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَوٰةٗۖ وَكَانَ تَقِيّٗا
13. iyo maxabbad Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho. Wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle oo ka dhowrsada xumaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبَرَّۢا بِوَٰلِدَيۡهِ وَلَمۡ يَكُن جَبَّارًا عَصِيّٗا
14. Baarri u ah labadiisa waalid, ma aheyn gar ma qaate aan wax maqlin 'caasi ah'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَسَلَٰمٌ عَلَيۡهِ يَوۡمَ وُلِدَ وَيَوۡمَ يَمُوتُ وَيَوۡمَ يُبۡعَثُ حَيّٗا
15. Nabad korkiisa ha ahaato maalintuu dhashay, iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَرۡيَمَ إِذِ ٱنتَبَذَتۡ مِنۡ أَهۡلِهَا مَكَانٗا شَرۡقِيّٗا
16. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (qisadii) Maryam, markay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka bari ah (bariga Qudus).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّخَذَتۡ مِن دُونِهِمۡ حِجَابٗا فَأَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرٗا سَوِيّٗا
17. Waxay yeelatay daah (ay iskaga asturto); Markaasaan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil) oo isaga soo dhigay qof Aadmi ah oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَتۡ إِنِّيٓ أَعُوذُ بِٱلرَّحۡمَٰنِ مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيّٗا
18. (Maryam) waxay tidhi: Anigu Waxaan kaa magan galay Naxariistaha (Alle, ee iga dheerow) haddaad tahay mid dhowrsada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنَّمَآ أَنَا۠ رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَٰمٗا زَكِيّٗا
19. (Malaggii) wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) siismada wiil daahir ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَتۡ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَٰمٞ وَلَمۡ يَمۡسَسۡنِي بَشَرٞ وَلَمۡ أَكُ بَغِيّٗا
20. (Maryam) waxay tidhi: “Sidee baan u yeelan wiil, anigoo uusan nin i taaban, aniguna ma ahi zaaniyad?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٞۖ وَلِنَجۡعَلَهُۥٓ ءَايَةٗ لِّلنَّاسِ وَرَحۡمَةٗ مِّنَّاۚ وَكَانَ أَمۡرٗا مَّقۡضِيّٗا
21. (Malaggii) wuxuu yidhi: “Waa sidaas', Rabbigaa Wuxuu leeyahay: "Waa ii fududdahay, waxaana uga yeeli calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo xukumay (gooyey)".
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ فَحَمَلَتۡهُ فَٱنتَبَذَتۡ بِهِۦ مَكَانٗا قَصِيّٗا
22. Markaasay uur qaadday, waxayna ula fogaatay meel dheer (Beytlaxam oo Qudus u jirta 10km).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَجَآءَهَا ٱلۡمَخَاضُ إِلَىٰ جِذۡعِ ٱلنَّخۡلَةِ قَالَتۡ يَٰلَيۡتَنِي مِتُّ قَبۡلَ هَٰذَا وَكُنتُ نَسۡيٗا مَّنسِيّٗا
23. Wuxuu keenay xanuunkii foosha geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi:“Alla haddaan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la halmaamo oo la waayo araggeeda”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَنَادَىٰهَا مِن تَحۡتِهَآ أَلَّا تَحۡزَنِي قَدۡ جَعَلَ رَبُّكِ تَحۡتَكِ سَرِيّٗا
24. Markaasuu uga dhawaaqay6 meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah.
6. Waxaa jira kala duwanaan xagga aragtida ah in odhaahdaa: “Wuxuuse uga dhawaaqay meel ka hooseysa ” uu yidhi ilmaha ay dhashay (Ciise) ama malag Jabriil.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُزِّيٓ إِلَيۡكِ بِجِذۡعِ ٱلنَّخۡلَةِ تُسَٰقِطۡ عَلَيۡكِ رُطَبٗا جَنِيّٗا
25. U soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil -
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكُلِي وَٱشۡرَبِي وَقَرِّي عَيۡنٗاۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ ٱلۡبَشَرِ أَحَدٗا فَقُولِيٓ إِنِّي نَذَرۡتُ لِلرَّحۡمَٰنِ صَوۡمٗا فَلَنۡ أُكَلِّمَ ٱلۡيَوۡمَ إِنسِيّٗا
26. Cun oo cab il qabowsona, haddaad aragto cid uun dadka ka mid ah, dheh: Waxaan anigu u nidray (Alle) Naxariistaha soon (af qabsi), marka lama hadlayo maanta cidna aadmi ah.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَتَتۡ بِهِۦ قَوۡمَهَا تَحۡمِلُهُۥۖ قَالُواْ يَٰمَرۡيَمُ لَقَدۡ جِئۡتِ شَيۡـٔٗا فَرِيّٗا
27. Waxay ula timid (Ciise) dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad la timid wax weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأُخۡتَ هَٰرُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ ٱمۡرَأَ سَوۡءٖ وَمَا كَانَتۡ أُمُّكِ بَغِيّٗا
28. Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, mana ahayn hooyadaa zaaniyad.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَشَارَتۡ إِلَيۡهِۖ قَالُواْ كَيۡفَ نُكَلِّمُ مَن كَانَ فِي ٱلۡمَهۡدِ صَبِيّٗا
29. Waxay u tilmaantay (wiilka) xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadleynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah"?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنِّي عَبۡدُ ٱللَّهِ ءَاتَىٰنِيَ ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلَنِي نَبِيّٗا
30. (Ciise) wuxuu yidhi: "Anigu waxaan ahay addoon Alle, wuxuu i siin Kitaab (Injiil) oo uu iga yeeli Nabi;”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَعَلَنِي مُبَارَكًا أَيۡنَ مَا كُنتُ وَأَوۡصَٰنِي بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ مَا دُمۡتُ حَيّٗا
31. Wuxuuna iga yeelay mid barakaysan meelaan joogaba, oo ii dardaarmay inaan oogo salaadda oo bixiyo Zakada intaan noolahay.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبَرَّۢا بِوَٰلِدَتِي وَلَمۡ يَجۡعَلۡنِي جَبَّارٗا شَقِيّٗا
32. Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, igamana dhigin gar ma qaate, khayr daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلسَّلَٰمُ عَلَيَّ يَوۡمَ وُلِدتُّ وَيَوۡمَ أَمُوتُ وَيَوۡمَ أُبۡعَثُ حَيّٗا
33. Nabadi ha ahaato korkayga maalintaan dhashay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta la i soo bixin anoo nool”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَۖ قَوۡلَ ٱلۡحَقِّ ٱلَّذِي فِيهِ يَمۡتَرُونَ
34. Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka shakisan yihiin (kana ay doodi).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا كَانَ لِلَّهِ أَن يَتَّخِذَ مِن وَلَدٖۖ سُبۡحَٰنَهُۥٓۚ إِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
35. Kuma habboona Alle inuu yeesho wiil (ilmo). Subxaanah (wuu ka hufan yahay nuqsaan). markuu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waana uu yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ ٱللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
36. (Ciise wuxuu yidhi): “Xaqiiqna Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isagoo Keliya, kan baa ah Jid Toosan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱخۡتَلَفَ ٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَيۡنِهِمۡۖ فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن مَّشۡهَدِ يَوۡمٍ عَظِيمٍ
37. Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdoo- da (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaalooba ka soo gaadhi kulan Maalin weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَسۡمِعۡ بِهِمۡ وَأَبۡصِرۡ يَوۡمَ يَأۡتُونَنَا لَٰكِنِ ٱلظَّٰلِمُونَ ٱلۡيَوۡمَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
38. Wax maqli ogaa oo arki ogaa Maalinta la keenayo Hortayada! Daalimiintu se maanta waxay ku sugan yihiin habow cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنذِرۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡحَسۡرَةِ إِذۡ قُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ وَهُمۡ فِي غَفۡلَةٖ وَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
39. Uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la gooyo, haddase dhoohnaan baa heysa, mana rumeeyaan (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا نَحۡنُ نَرِثُ ٱلۡأَرۡضَ وَمَنۡ عَلَيۡهَا وَإِلَيۡنَا يُرۡجَعُونَ
40. Waa Annaga (Allaah) kuwa dhaxli arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Xaggaygaana laydiin soo celin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ إِبۡرَٰهِيمَۚ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقٗا نَّبِيًّا
41. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (Qisadii) Ibraahiim. Wuxuu ahaa run badne, Nabi ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ يَٰٓأَبَتِ لِمَ تَعۡبُدُ مَا لَا يَسۡمَعُ وَلَا يُبۡصِرُ وَلَا يُغۡنِي عَنكَ شَيۡـٔٗا
42. (Xus) markuu ku yidhi aabbihiis: Aabbow! Maxaad u caabudi waxaan wax maqleyn, waxna arkeyn waxnana ku tari karin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَبَتِ إِنِّي قَدۡ جَآءَنِي مِنَ ٱلۡعِلۡمِ مَا لَمۡ يَأۡتِكَ فَٱتَّبِعۡنِيٓ أَهۡدِكَ صِرَٰطٗا سَوِيّٗا
43. Aabbow! Aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَبَتِ لَا تَعۡبُدِ ٱلشَّيۡطَٰنَۖ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ كَانَ لِلرَّحۡمَٰنِ عَصِيّٗا
44. Aabbow! Ha caabudin (adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَبَتِ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يَمَسَّكَ عَذَابٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ فَتَكُونَ لِلشَّيۡطَٰنِ وَلِيّٗا
45. Aabbow! Anigu waxaan ka cabsan inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka rafiiq (Naarta gudaheeda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنۡ ءَالِهَتِي يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُۖ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ لَأَرۡجُمَنَّكَۖ وَٱهۡجُرۡنِي مَلِيّٗا
46. Wuxuu (aabbihii) yidhi: “Ma waxaad nici ilaahyadayada, Ibraahiimow? Haddaad ka harin (waxakani), waan ku dhagaxyeyn. Ee iga dheerow in muddo ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ سَلَٰمٌ عَلَيۡكَۖ سَأَسۡتَغۡفِرُ لَكَ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ كَانَ بِي حَفِيّٗا
47. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi denbi Dhaaf Rabbigay. Hubaal, waa Mid ii Roonaan Badane.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَعۡتَزِلُكُمۡ وَمَا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَأَدۡعُواْ رَبِّي عَسَىٰٓ أَلَّآ أَكُونَ بِدُعَآءِ رَبِّي شَقِيّٗا
48. Waana idinka fogaan idinka iyo waxa aad caabuddaanba Alle sokadi. Waxaan baryi Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaan rajeyn inaanan noqon mid baryda Rabbigay ku hungooba”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا ٱعۡتَزَلَهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَۖ وَكُلّٗا جَعَلۡنَا نَبِيّٗا
49. Markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi Alle sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waxaan ka yeelnay Nabi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَوَهَبۡنَا لَهُم مِّن رَّحۡمَتِنَا وَجَعَلۡنَا لَهُمۡ لِسَانَ صِدۡقٍ عَلِيّٗا
50. Waxaana ka siinnay Naxariistayada (khayr iyo riziq badan), oo u yeelnay ammaan run ah oo sarreysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مُوسَىٰٓۚ إِنَّهُۥ كَانَ مُخۡلَصٗا وَكَانَ رَسُولٗا نَّبِيّٗا
51. Ku xus Ktiaabka (Qur’aanka) Muuse. Wuxuu ahaa daacad, Rasuul Nabi ah 7.
7. Rasuul waa midka Alle u xil saaro inuu hanuuniyo dadka oo gaarsiiyo Fartiintiisa, halka Nabi loola jeedo midka ka hela Waxyi xagga Alle aanse la amrin inuu dadka gaarsiiyo, anbiyada baana ka badan Rususha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَٰدَيۡنَٰهُ مِن جَانِبِ ٱلطُّورِ ٱلۡأَيۡمَنِ وَقَرَّبۡنَٰهُ نَجِيّٗا
52. Waxaan uga dhawaaqnay dhinaca Buurta ee midigta ah8, oo soo dhoweynay innagoo la faqeyna.
8. Buurta Siinaay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَوَهَبۡنَا لَهُۥ مِن رَّحۡمَتِنَآ أَخَاهُ هَٰرُونَ نَبِيّٗا
53. Waxaana ka siinnay Naxariistayada walaalkii Haaruun oo Nabi ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ إِسۡمَٰعِيلَۚ إِنَّهُۥ كَانَ صَادِقَ ٱلۡوَعۡدِ وَكَانَ رَسُولٗا نَّبِيّٗا
54. Ku xus Kitaabka (Qur’aanka) Ismaaciil. Wuxuu ahaa mid ka rumeeya ballanka uu galo, wuxuuna ahaa Rasuul Nabi ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَانَ يَأۡمُرُ أَهۡلَهُۥ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ وَكَانَ عِندَ رَبِّهِۦ مَرۡضِيّٗا
55. Wuxuu amri jiray ehelkiisa Salaadda iyo Sakada, wuxuuna ahaa mid Rabbigiis Raalli ka yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ إِدۡرِيسَۚ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقٗا نَّبِيّٗا
56. Kuna xus Kitaabka (Qur’aanka) Idriis. Wuxuu ahaa run badane Nabi ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَرَفَعۡنَٰهُ مَكَانًا عَلِيًّا
57. Waxaan kor ugu qaadnay meel sare.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِن ذُرِّيَّةِ ءَادَمَ وَمِمَّنۡ حَمَلۡنَا مَعَ نُوحٖ وَمِن ذُرِّيَّةِ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡرَٰٓءِيلَ وَمِمَّنۡ هَدَيۡنَا وَٱجۡتَبَيۡنَآۚ إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُ ٱلرَّحۡمَٰنِ خَرُّواْۤ سُجَّدٗاۤ وَبُكِيّٗا۩
58. Kuwaas waa kuwuu Alle u nicmeeyey oo Nabiyadii ah, durriyadii Aadam, iyo kuwaan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub) iyo kuwaan hanuuninnay oo aan doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhacaan dhulka sujuud iyo oohin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ فَخَلَفَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ خَلۡفٌ أَضَاعُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَٱتَّبَعُواْ ٱلشَّهَوَٰتِۖ فَسَوۡفَ يَلۡقَوۡنَ غَيًّا
59. Waxaase yimid iyaga ka dambow haraa (facyo dambe) ee dayacay salaadda oo raacay waxay naftu jecleysato (oo xun); marka waxay la kulmi hoog9.
9. Ghayyan waxaa lagu fasiray tog ku yaal Naarta, ama waxaa loola jeedaa wuxuu la kulmi “cidhibta xun ee camalkiisa”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَأُوْلَٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ وَلَا يُظۡلَمُونَ شَيۡـٔٗا
60. Kan tawbad keena, oo rumeeya (Xaqa), oo sama fala mooyee. Kuwaasu waxay geli Jannada, iyagoon waxba laga dulmineyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
جَنَّٰتِ عَدۡنٍ ٱلَّتِي وَعَدَ ٱلرَّحۡمَٰنُ عِبَادَهُۥ بِٱلۡغَيۡبِۚ إِنَّهُۥ كَانَ وَعۡدُهُۥ مَأۡتِيّٗا
61. Beero nagaya (Jannooyinka Cadni) oo uu Naxariistaha (Allaah) ugu yaboohay addoomahiisa Ghaybka (iyagoon arag). Yaboohiisu waa kii yimaada oo hirgala.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوًا إِلَّا سَلَٰمٗاۖ وَلَهُمۡ رِزۡقُهُمۡ فِيهَا بُكۡرَةٗ وَعَشِيّٗا
62. Kuma maqlayaan gudaheeda wax Hadal macno darro ah, waa uun Salaan (is nabaadin). Waxayna ku lahaan risiqooda subax iyo galabba (kala go' la'aan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تِلۡكَ ٱلۡجَنَّةُ ٱلَّتِي نُورِثُ مِنۡ عِبَادِنَا مَن كَانَ تَقِيّٗا
63. Taasu waa Jannada aan dhaxalsiinno addoomahayaga kooda ka dhowrsada xumaha (oo noo hoggaansan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا نَتَنَزَّلُ إِلَّا بِأَمۡرِ رَبِّكَۖ لَهُۥ مَا بَيۡنَ أَيۡدِينَا وَمَا خَلۡفَنَا وَمَا بَيۡنَ ذَٰلِكَۚ وَمَا كَانَ رَبُّكَ نَسِيّٗا
64. (Jabriil wuxuu yidhi) oo Annagu (malaa’igta ah) kuma soo degno waxaan ahayn Amarka Rabbigaa10. Isagaa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashaya- da ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba. Ma aha Rabbigaa mid wax halmaama.
10. Waa ka jawaabid doonista Nabiga s.c.w inuu Jabriil in badan soo siyaarto.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا فَٱعۡبُدۡهُ وَٱصۡطَبِرۡ لِعِبَٰدَتِهِۦۚ هَلۡ تَعۡلَمُ لَهُۥ سَمِيّٗا
65. Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ee caabud Isagoo Keliya oo u samir yeelo cibaadadii. Miyaad garan wax la mid ah oo la Magac iyo Tilmaan ah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَءِذَا مَا مِتُّ لَسَوۡفَ أُخۡرَجُ حَيًّا
66. Aadmigu (kan gaalka ahi) wuxuu yidhaahdaa: “Ma markaan dhinto, miyaa la I soo bixin anigoo nool?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَا يَذۡكُرُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقۡنَٰهُ مِن قَبۡلُ وَلَمۡ يَكُ شَيۡـٔٗا
67. Miyuusan Aadmigu xusuusnayn inaan abuurnay kal hore isagoon waxba ahayn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَوَرَبِّكَ لَنَحۡشُرَنَّهُمۡ وَٱلشَّيَٰطِينَ ثُمَّ لَنُحۡضِرَنَّهُمۡ حَوۡلَ جَهَنَّمَ جِثِيّٗا
68. Ee waa igu Rabbigaaye, waanu soo kulmin iyaga iyo shaydaammadaba, markaas waxaanu keeni hareeraha jahannama iyagoo jilba joogsan11.
11. Iyagoo kuf kufaya oo jilbahooda u dhacaya argagax darteed ama loo jiidayo Naarta iyagoo aan dooneyn oo jilbaha ku jooga oo dhulka ku jiidaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ لَنَنزِعَنَّ مِن كُلِّ شِيعَةٍ أَيُّهُمۡ أَشَدُّ عَلَى ٱلرَّحۡمَٰنِ عِتِيّٗا
69. Markaas waxaan ka soo siibi qolo walba kuwooda ugu dar-darnaa xagga Raxmaanka (Allaah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ لَنَحۡنُ أَعۡلَمُ بِٱلَّذِينَ هُمۡ أَوۡلَىٰ بِهَا صِلِيّٗا
70. Annagaana dhab u ogsoon kuwa u sii mudan Naarta geliddeeda oo ku gubtaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن مِّنكُمۡ إِلَّا وَارِدُهَاۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ حَتۡمٗا مَّقۡضِيّٗا
71. Ma jiro mid idinka mid ah oo aan dul mareyn (Naarta) korkeeda; kani waa Guddoon Rabbigaa waajib ah xukman.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ نُنَجِّي ٱلَّذِينَ ٱتَّقَواْ وَّنَذَرُ ٱلظَّٰلِمِينَ فِيهَا جِثِيّٗا
72. Markaas waxaanu badbaadin kuwii iska jiray (shirkiga iyo xumaha kale) oo uga tegi daalimiinta dhexdeeda iyagoo ku jilbo joogsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَيُّ ٱلۡفَرِيقَيۡنِ خَيۡرٞ مَّقَامٗا وَأَحۡسَنُ نَدِيّٗا
73. Marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, waxay kuwa gaalooba ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey, “Midkee baa labadaya qolo degmo wanaagsan oo joog fiican.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّن قَرۡنٍ هُمۡ أَحۡسَنُ أَثَٰثٗا وَرِءۡيٗا
74. Badanaa intaan halaagnay hortood fac, oo ka hanti, alaab iyo arag wanaagsanaa?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ مَن كَانَ فِي ٱلضَّلَٰلَةِ فَلۡيَمۡدُدۡ لَهُ ٱلرَّحۡمَٰنُ مَدًّاۚ حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوۡاْ مَا يُوعَدُونَ إِمَّا ٱلۡعَذَابَ وَإِمَّا ٱلسَّاعَةَ فَسَيَعۡلَمُونَ مَنۡ هُوَ شَرّٞ مَّكَانٗا وَأَضۡعَفُ جُندٗا
75. Dheh, "kii ku jira habow, ha u fidiyo Raxmaanku waxa uu heysto fidin (maalka iyo waqtiga), jeer markay arkaan waxaa loogu gooddiyey, oo cadaab (adduunka) ah ama Saacadda (Qiyaame), way ogaan kan xun degmo ahaan oo tabar yar ciidan ahaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَزِيدُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ٱهۡتَدَوۡاْ هُدٗىۗ وَٱلۡبَٰقِيَٰتُ ٱلصَّٰلِحَٰتُ خَيۡرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابٗا وَخَيۡرٞ مَّرَدًّا
76. Wuxuu Alle u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun. Camallada wanaagsan ee baaqiga ah baana khayr roon Rabbigaa agtiis oo leh aayo wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي كَفَرَ بِـَٔايَٰتِنَا وَقَالَ لَأُوتَيَنَّ مَالٗا وَوَلَدًا
77. Bal ka warran kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin (Aakhiro) maal iyo carruur12.”
12. Halka aan ka siin lahayn maal iyo carruur, Alle wuxuu ka qaadi doonaa waxaas uu ku heysto nolosha adduunka uu ku faano waqtiga dhimashadiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَطَّلَعَ ٱلۡغَيۡبَ أَمِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحۡمَٰنِ عَهۡدٗا
78. Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَلَّاۚ سَنَكۡتُبُ مَا يَقُولُ وَنَمُدُّ لَهُۥ مِنَ ٱلۡعَذَابِ مَدّٗا
79. Mayee’ waanu qori wuxuu sheegi, oo waan u fidin (kordhin) cadaabka fidin;
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَرِثُهُۥ مَا يَقُولُ وَيَأۡتِينَا فَرۡدٗا
80. Waxaanuna ka dhaxli wuxuu sheegi oo dhan wuxuuna noo iman isagoo keli ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لِّيَكُونُواْ لَهُمۡ عِزّٗا
81. Waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah) si ay u siiyaan ciso.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَلَّاۚ سَيَكۡفُرُونَ بِعِبَادَتِهِمۡ وَيَكُونُونَ عَلَيۡهِمۡ ضِدًّا
82. Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, wayna ka soo hor jeesan col ahaan (Qiyaamaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّآ أَرۡسَلۡنَا ٱلشَّيَٰطِينَ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ تَؤُزُّهُمۡ أَزّٗا
83. Miyaadan arag inaan ku soo dirno shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَا تَعۡجَلۡ عَلَيۡهِمۡۖ إِنَّمَا نَعُدُّ لَهُمۡ عَدّٗا
84. Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro13 (maalmo go’an).
13. Waxaan u tirinnaa neefahiisa uu neefsado, iyo maalmahiisa, ama camalladiisa xun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ نَحۡشُرُ ٱلۡمُتَّقِينَ إِلَى ٱلرَّحۡمَٰنِ وَفۡدٗا
85. Maalinta aan u soo gelbin dhowrsana- yaasha xagga Raxmaanka iyagoo wafdi ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَسُوقُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وِرۡدٗا
86. Oo aan u soo kaxeyn denbiilayaasha Jahannama iyagoo la asqoobay harraad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّا يَمۡلِكُونَ ٱلشَّفَٰعَةَ إِلَّا مَنِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحۡمَٰنِ عَهۡدٗا
87. Ma hantaan shafeeco, mid maahee ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan14.
14. Inuusan caabudin cid kale aan ahayn Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَلَدٗا
88. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxamaanku (Allaah) wuxuu yeeshay ilmo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّقَدۡ جِئۡتُمۡ شَيۡـًٔا إِدّٗا
89. Waxaad la timaaddeen wax daran oo baas.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَكَادُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ يَتَفَطَّرۡنَ مِنۡهُ وَتَنشَقُّ ٱلۡأَرۡضُ وَتَخِرُّ ٱلۡجِبَالُ هَدًّا
90. Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, dhulkuna la jeexmo, oo ay la hoobtaan buuruhu burbur.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَن دَعَوۡاْ لِلرَّحۡمَٰنِ وَلَدٗا
91. Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil (ilmo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا يَنۢبَغِي لِلرَّحۡمَٰنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا
92. Kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil (ilmo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن كُلُّ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ إِلَّآ ءَاتِي ٱلرَّحۡمَٰنِ عَبۡدٗا
93. Wax kastoo ku sugan samooyinka iyo arlada wuxuu u imaan (Allaah) Raxmaanka isagoo addoon ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّقَدۡ أَحۡصَىٰهُمۡ وَعَدَّهُمۡ عَدّٗا
94. Dhab ahaan wuu koobay oo tiriyey dhammaan tirin dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكُلُّهُمۡ ءَاتِيهِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَرۡدًا
95. Mid walbaa wuxuu Alle u iman Maalinta Qiyaame isagoo keli ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَيَجۡعَلُ لَهُمُ ٱلرَّحۡمَٰنُ وُدّٗا
96. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, Raxmaanku (Allaah) wuxuu u yeeli maxabbad (qalbiyada mu’miniinta)15.
15. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: Markuu Alle jeclaado addoon ka mid ah addoomahiisa, wuxuu u yeedhaa malag Jabriil oo u sheegaa in Alle Kor ahaaye jecel yahay hebel, ee adiguna jeclow. Markaas baa Jabriil jeclaadaa oo waxa cirka jooga u dhawaaqaa in Alle jecel yahay hebel, iyaguna sidaas darteed ay jeclaadaan, markaasay jeclaadaan waxa cirka jooga, dabeeto loo dhigaa aqbal iyo oggolaansho arlada dhexdeeda. (W.w. Al-Bukhaari).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنَّمَا يَسَّرۡنَٰهُ بِلِسَانِكَ لِتُبَشِّرَ بِهِ ٱلۡمُتَّقِينَ وَتُنذِرَ بِهِۦ قَوۡمٗا لُّدّٗا
97. Ee (Nabi Muxammadow) waxaan uun uga yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso dhowrsanayaasha, uguna digto qolo muran iyo been badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّن قَرۡنٍ هَلۡ تُحِسُّ مِنۡهُم مِّنۡ أَحَدٍ أَوۡ تَسۡمَعُ لَهُمۡ رِكۡزَۢا
98. Badanaa intaan halaagnay hortood fac, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: መርየም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት