Check out the new design

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಮರ್ಯಮ್   ಶ್ಲೋಕ:

Maryam

كٓهيعٓصٓ
1. Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad1.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ذِكۡرُ رَحۡمَتِ رَبِّكَ عَبۡدَهُۥ زَكَرِيَّآ
2. (Kani waa) xusid Naxariista Rabbigaa (u naxariistay) addoonkiisii Zakariya.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥ نِدَآءً خَفِيّٗا
3. Markuu u dhawaaqay Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (uu Alle ku baryey).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَ رَبِّ إِنِّي وَهَنَ ٱلۡعَظۡمُ مِنِّي وَٱشۡتَعَلَ ٱلرَّأۡسُ شَيۡبٗا وَلَمۡ أَكُنۢ بِدُعَآئِكَ رَبِّ شَقِيّٗا
4. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, anigu way daciifeen lafahaygii filweyni darteed, madaxeyguna wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, mana ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiyow mid ku hungooba.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَإِنِّي خِفۡتُ ٱلۡمَوَٰلِيَ مِن وَرَآءِي وَكَانَتِ ٱمۡرَأَتِي عَاقِرٗا فَهَبۡ لِي مِن لَّدُنكَ وَلِيّٗا
5. Waxaana u cabsan xigtada2 iga dambeysa (inay xumaadaan), marwadeyduna waa ma dhaleys. Ee iga sii Xaggaaga wali (walad)3.
2. Qaraabada dhinaca aabbaha ah
3. Si uu u dhaxlo xilka diinta, cilmiga, iyo hoggaaminta ilmo Israa’iil.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَرِثُنِي وَيَرِثُ مِنۡ ءَالِ يَعۡقُوبَۖ وَٱجۡعَلۡهُ رَبِّ رَضِيّٗا
6. I dhaxla4, dhaxlana reer Yacquub oo ka yeel Rabbiyow midaad ka raalli tahay.
4. Iga dhaxla cilmiga diinta iyo Nabinnimada ee loola ma jeedo maalka, waayo anbiyadu lagama dhaxlo maal adduunyo, waxay ka tagaan oo maal ahna waa sadaqo.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَٰزَكَرِيَّآ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ ٱسۡمُهُۥ يَحۡيَىٰ لَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ مِن قَبۡلُ سَمِيّٗا
7. (Waxaa lagu yidhi): “Zakariyow! Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu yahay Yaxyaa. Ma aanu u yeelin horey wax la magac ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَٰمٞ وَكَانَتِ ٱمۡرَأَتِي عَاقِرٗا وَقَدۡ بَلَغۡتُ مِنَ ٱلۡكِبَرِ عِتِيّٗا
8. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays,aniguna ka gaaray weynida gabow.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٞ وَقَدۡ خَلَقۡتُكَ مِن قَبۡلُ وَلَمۡ تَكُ شَيۡـٔٗا
9. (Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu leeyahay5: Waa ii fududdahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkii horeba adigoon waxba ahayn.
5. Alle Subxaanahu watacaalaa uu u soo faray malaa’igta.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَ رَبِّ ٱجۡعَل لِّيٓ ءَايَةٗۖ قَالَ ءَايَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَٰثَ لَيَالٖ سَوِيّٗا
10. (Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaamad- daadu waa inaadan la hadli kareyn dadka saddex 'maalmood iyo' habeenno adigoo fayow.”
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ مِنَ ٱلۡمِحۡرَابِ فَأَوۡحَىٰٓ إِلَيۡهِمۡ أَن سَبِّحُواْ بُكۡرَةٗ وَعَشِيّٗا
11. Markaasuu uga soo baxay qolodiisii mixraabka, oo u tilmaamay inay (Alle) u tasbiixsadaan (ka hufaan ceeb iyo nuqsaan) oo xusaan subax iyo galabba.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَٰيَحۡيَىٰ خُذِ ٱلۡكِتَٰبَ بِقُوَّةٖۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡحُكۡمَ صَبِيّٗا
12. (Waa' dambe, Alle Wuxuu yidhi): "Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Waxaanuna siinnay fahan iyo xikmad isagoo yar.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَحَنَانٗا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَوٰةٗۖ وَكَانَ تَقِيّٗا
13. iyo maxabbad Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho. Wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle oo ka dhowrsada xumaha.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَبَرَّۢا بِوَٰلِدَيۡهِ وَلَمۡ يَكُن جَبَّارًا عَصِيّٗا
14. Baarri u ah labadiisa waalid, ma aheyn gar ma qaate aan wax maqlin 'caasi ah'.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَسَلَٰمٌ عَلَيۡهِ يَوۡمَ وُلِدَ وَيَوۡمَ يَمُوتُ وَيَوۡمَ يُبۡعَثُ حَيّٗا
15. Nabad korkiisa ha ahaato maalintuu dhashay, iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَرۡيَمَ إِذِ ٱنتَبَذَتۡ مِنۡ أَهۡلِهَا مَكَانٗا شَرۡقِيّٗا
16. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (qisadii) Maryam, markay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka bari ah (bariga Qudus).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَٱتَّخَذَتۡ مِن دُونِهِمۡ حِجَابٗا فَأَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرٗا سَوِيّٗا
17. Waxay yeelatay daah (ay iskaga asturto); Markaasaan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil) oo isaga soo dhigay qof Aadmi ah oo dhan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَتۡ إِنِّيٓ أَعُوذُ بِٱلرَّحۡمَٰنِ مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيّٗا
18. (Maryam) waxay tidhi: Anigu Waxaan kaa magan galay Naxariistaha (Alle, ee iga dheerow) haddaad tahay mid dhowrsada.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَ إِنَّمَآ أَنَا۠ رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَٰمٗا زَكِيّٗا
19. (Malaggii) wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) siismada wiil daahir ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَتۡ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَٰمٞ وَلَمۡ يَمۡسَسۡنِي بَشَرٞ وَلَمۡ أَكُ بَغِيّٗا
20. (Maryam) waxay tidhi: “Sidee baan u yeelan wiil, anigoo uusan nin i taaban, aniguna ma ahi zaaniyad?.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٞۖ وَلِنَجۡعَلَهُۥٓ ءَايَةٗ لِّلنَّاسِ وَرَحۡمَةٗ مِّنَّاۚ وَكَانَ أَمۡرٗا مَّقۡضِيّٗا
21. (Malaggii) wuxuu yidhi: “Waa sidaas', Rabbigaa Wuxuu leeyahay: "Waa ii fududdahay, waxaana uga yeeli calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo xukumay (gooyey)".
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
۞ فَحَمَلَتۡهُ فَٱنتَبَذَتۡ بِهِۦ مَكَانٗا قَصِيّٗا
22. Markaasay uur qaadday, waxayna ula fogaatay meel dheer (Beytlaxam oo Qudus u jirta 10km).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَأَجَآءَهَا ٱلۡمَخَاضُ إِلَىٰ جِذۡعِ ٱلنَّخۡلَةِ قَالَتۡ يَٰلَيۡتَنِي مِتُّ قَبۡلَ هَٰذَا وَكُنتُ نَسۡيٗا مَّنسِيّٗا
23. Wuxuu keenay xanuunkii foosha geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi:“Alla haddaan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la halmaamo oo la waayo araggeeda”.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَنَادَىٰهَا مِن تَحۡتِهَآ أَلَّا تَحۡزَنِي قَدۡ جَعَلَ رَبُّكِ تَحۡتَكِ سَرِيّٗا
24. Markaasuu uga dhawaaqay6 meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah.
6. Waxaa jira kala duwanaan xagga aragtida ah in odhaahdaa: “Wuxuuse uga dhawaaqay meel ka hooseysa ” uu yidhi ilmaha ay dhashay (Ciise) ama malag Jabriil.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَهُزِّيٓ إِلَيۡكِ بِجِذۡعِ ٱلنَّخۡلَةِ تُسَٰقِطۡ عَلَيۡكِ رُطَبٗا جَنِيّٗا
25. U soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil -
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَكُلِي وَٱشۡرَبِي وَقَرِّي عَيۡنٗاۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ ٱلۡبَشَرِ أَحَدٗا فَقُولِيٓ إِنِّي نَذَرۡتُ لِلرَّحۡمَٰنِ صَوۡمٗا فَلَنۡ أُكَلِّمَ ٱلۡيَوۡمَ إِنسِيّٗا
26. Cun oo cab il qabowsona, haddaad aragto cid uun dadka ka mid ah, dheh: Waxaan anigu u nidray (Alle) Naxariistaha soon (af qabsi), marka lama hadlayo maanta cidna aadmi ah.”
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَأَتَتۡ بِهِۦ قَوۡمَهَا تَحۡمِلُهُۥۖ قَالُواْ يَٰمَرۡيَمُ لَقَدۡ جِئۡتِ شَيۡـٔٗا فَرِيّٗا
27. Waxay ula timid (Ciise) dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad la timid wax weyn.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَٰٓأُخۡتَ هَٰرُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ ٱمۡرَأَ سَوۡءٖ وَمَا كَانَتۡ أُمُّكِ بَغِيّٗا
28. Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, mana ahayn hooyadaa zaaniyad.”
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَأَشَارَتۡ إِلَيۡهِۖ قَالُواْ كَيۡفَ نُكَلِّمُ مَن كَانَ فِي ٱلۡمَهۡدِ صَبِيّٗا
29. Waxay u tilmaantay (wiilka) xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadleynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah"?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَ إِنِّي عَبۡدُ ٱللَّهِ ءَاتَىٰنِيَ ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلَنِي نَبِيّٗا
30. (Ciise) wuxuu yidhi: "Anigu waxaan ahay addoon Alle, wuxuu i siin Kitaab (Injiil) oo uu iga yeeli Nabi;”
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَجَعَلَنِي مُبَارَكًا أَيۡنَ مَا كُنتُ وَأَوۡصَٰنِي بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ مَا دُمۡتُ حَيّٗا
31. Wuxuuna iga yeelay mid barakaysan meelaan joogaba, oo ii dardaarmay inaan oogo salaadda oo bixiyo Zakada intaan noolahay.”
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَبَرَّۢا بِوَٰلِدَتِي وَلَمۡ يَجۡعَلۡنِي جَبَّارٗا شَقِيّٗا
32. Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, igamana dhigin gar ma qaate, khayr daran.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱلسَّلَٰمُ عَلَيَّ يَوۡمَ وُلِدتُّ وَيَوۡمَ أَمُوتُ وَيَوۡمَ أُبۡعَثُ حَيّٗا
33. Nabadi ha ahaato korkayga maalintaan dhashay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta la i soo bixin anoo nool”.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ذَٰلِكَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَۖ قَوۡلَ ٱلۡحَقِّ ٱلَّذِي فِيهِ يَمۡتَرُونَ
34. Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka shakisan yihiin (kana ay doodi).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
مَا كَانَ لِلَّهِ أَن يَتَّخِذَ مِن وَلَدٖۖ سُبۡحَٰنَهُۥٓۚ إِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
35. Kuma habboona Alle inuu yeesho wiil (ilmo). Subxaanah (wuu ka hufan yahay nuqsaan). markuu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waana uu yahay.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَإِنَّ ٱللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
36. (Ciise wuxuu yidhi): “Xaqiiqna Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isagoo Keliya, kan baa ah Jid Toosan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَٱخۡتَلَفَ ٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَيۡنِهِمۡۖ فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن مَّشۡهَدِ يَوۡمٍ عَظِيمٍ
37. Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdoo- da (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaalooba ka soo gaadhi kulan Maalin weyn.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
أَسۡمِعۡ بِهِمۡ وَأَبۡصِرۡ يَوۡمَ يَأۡتُونَنَا لَٰكِنِ ٱلظَّٰلِمُونَ ٱلۡيَوۡمَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
38. Wax maqli ogaa oo arki ogaa Maalinta la keenayo Hortayada! Daalimiintu se maanta waxay ku sugan yihiin habow cad.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَأَنذِرۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡحَسۡرَةِ إِذۡ قُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ وَهُمۡ فِي غَفۡلَةٖ وَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
39. Uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la gooyo, haddase dhoohnaan baa heysa, mana rumeeyaan (Xaqa).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِنَّا نَحۡنُ نَرِثُ ٱلۡأَرۡضَ وَمَنۡ عَلَيۡهَا وَإِلَيۡنَا يُرۡجَعُونَ
40. Waa Annaga (Allaah) kuwa dhaxli arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Xaggaygaana laydiin soo celin.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ إِبۡرَٰهِيمَۚ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقٗا نَّبِيًّا
41. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (Qisadii) Ibraahiim. Wuxuu ahaa run badne, Nabi ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ يَٰٓأَبَتِ لِمَ تَعۡبُدُ مَا لَا يَسۡمَعُ وَلَا يُبۡصِرُ وَلَا يُغۡنِي عَنكَ شَيۡـٔٗا
42. (Xus) markuu ku yidhi aabbihiis: Aabbow! Maxaad u caabudi waxaan wax maqleyn, waxna arkeyn waxnana ku tari karin.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَٰٓأَبَتِ إِنِّي قَدۡ جَآءَنِي مِنَ ٱلۡعِلۡمِ مَا لَمۡ يَأۡتِكَ فَٱتَّبِعۡنِيٓ أَهۡدِكَ صِرَٰطٗا سَوِيّٗا
43. Aabbow! Aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan (Islaamka).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَٰٓأَبَتِ لَا تَعۡبُدِ ٱلشَّيۡطَٰنَۖ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ كَانَ لِلرَّحۡمَٰنِ عَصِيّٗا
44. Aabbow! Ha caabudin (adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَٰٓأَبَتِ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يَمَسَّكَ عَذَابٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ فَتَكُونَ لِلشَّيۡطَٰنِ وَلِيّٗا
45. Aabbow! Anigu waxaan ka cabsan inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka rafiiq (Naarta gudaheeda).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنۡ ءَالِهَتِي يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُۖ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ لَأَرۡجُمَنَّكَۖ وَٱهۡجُرۡنِي مَلِيّٗا
46. Wuxuu (aabbihii) yidhi: “Ma waxaad nici ilaahyadayada, Ibraahiimow? Haddaad ka harin (waxakani), waan ku dhagaxyeyn. Ee iga dheerow in muddo ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قَالَ سَلَٰمٌ عَلَيۡكَۖ سَأَسۡتَغۡفِرُ لَكَ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ كَانَ بِي حَفِيّٗا
47. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi denbi Dhaaf Rabbigay. Hubaal, waa Mid ii Roonaan Badane.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَأَعۡتَزِلُكُمۡ وَمَا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَأَدۡعُواْ رَبِّي عَسَىٰٓ أَلَّآ أَكُونَ بِدُعَآءِ رَبِّي شَقِيّٗا
48. Waana idinka fogaan idinka iyo waxa aad caabuddaanba Alle sokadi. Waxaan baryi Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaan rajeyn inaanan noqon mid baryda Rabbigay ku hungooba”.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَلَمَّا ٱعۡتَزَلَهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَۖ وَكُلّٗا جَعَلۡنَا نَبِيّٗا
49. Markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi Alle sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waxaan ka yeelnay Nabi.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَوَهَبۡنَا لَهُم مِّن رَّحۡمَتِنَا وَجَعَلۡنَا لَهُمۡ لِسَانَ صِدۡقٍ عَلِيّٗا
50. Waxaana ka siinnay Naxariistayada (khayr iyo riziq badan), oo u yeelnay ammaan run ah oo sarreysa.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مُوسَىٰٓۚ إِنَّهُۥ كَانَ مُخۡلَصٗا وَكَانَ رَسُولٗا نَّبِيّٗا
51. Ku xus Ktiaabka (Qur’aanka) Muuse. Wuxuu ahaa daacad, Rasuul Nabi ah 7.
7. Rasuul waa midka Alle u xil saaro inuu hanuuniyo dadka oo gaarsiiyo Fartiintiisa, halka Nabi loola jeedo midka ka hela Waxyi xagga Alle aanse la amrin inuu dadka gaarsiiyo, anbiyada baana ka badan Rususha.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَنَٰدَيۡنَٰهُ مِن جَانِبِ ٱلطُّورِ ٱلۡأَيۡمَنِ وَقَرَّبۡنَٰهُ نَجِيّٗا
52. Waxaan uga dhawaaqnay dhinaca Buurta ee midigta ah8, oo soo dhoweynay innagoo la faqeyna.
8. Buurta Siinaay.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَوَهَبۡنَا لَهُۥ مِن رَّحۡمَتِنَآ أَخَاهُ هَٰرُونَ نَبِيّٗا
53. Waxaana ka siinnay Naxariistayada walaalkii Haaruun oo Nabi ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ إِسۡمَٰعِيلَۚ إِنَّهُۥ كَانَ صَادِقَ ٱلۡوَعۡدِ وَكَانَ رَسُولٗا نَّبِيّٗا
54. Ku xus Kitaabka (Qur’aanka) Ismaaciil. Wuxuu ahaa mid ka rumeeya ballanka uu galo, wuxuuna ahaa Rasuul Nabi ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَكَانَ يَأۡمُرُ أَهۡلَهُۥ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ وَكَانَ عِندَ رَبِّهِۦ مَرۡضِيّٗا
55. Wuxuu amri jiray ehelkiisa Salaadda iyo Sakada, wuxuuna ahaa mid Rabbigiis Raalli ka yahay.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ إِدۡرِيسَۚ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقٗا نَّبِيّٗا
56. Kuna xus Kitaabka (Qur’aanka) Idriis. Wuxuu ahaa run badane Nabi ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَرَفَعۡنَٰهُ مَكَانًا عَلِيًّا
57. Waxaan kor ugu qaadnay meel sare.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِن ذُرِّيَّةِ ءَادَمَ وَمِمَّنۡ حَمَلۡنَا مَعَ نُوحٖ وَمِن ذُرِّيَّةِ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡرَٰٓءِيلَ وَمِمَّنۡ هَدَيۡنَا وَٱجۡتَبَيۡنَآۚ إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُ ٱلرَّحۡمَٰنِ خَرُّواْۤ سُجَّدٗاۤ وَبُكِيّٗا۩
58. Kuwaas waa kuwuu Alle u nicmeeyey oo Nabiyadii ah, durriyadii Aadam, iyo kuwaan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub) iyo kuwaan hanuuninnay oo aan doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhacaan dhulka sujuud iyo oohin.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
۞ فَخَلَفَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ خَلۡفٌ أَضَاعُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَٱتَّبَعُواْ ٱلشَّهَوَٰتِۖ فَسَوۡفَ يَلۡقَوۡنَ غَيًّا
59. Waxaase yimid iyaga ka dambow haraa (facyo dambe) ee dayacay salaadda oo raacay waxay naftu jecleysato (oo xun); marka waxay la kulmi hoog9.
9. Ghayyan waxaa lagu fasiray tog ku yaal Naarta, ama waxaa loola jeedaa wuxuu la kulmi “cidhibta xun ee camalkiisa”
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَأُوْلَٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ وَلَا يُظۡلَمُونَ شَيۡـٔٗا
60. Kan tawbad keena, oo rumeeya (Xaqa), oo sama fala mooyee. Kuwaasu waxay geli Jannada, iyagoon waxba laga dulmineyn.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
جَنَّٰتِ عَدۡنٍ ٱلَّتِي وَعَدَ ٱلرَّحۡمَٰنُ عِبَادَهُۥ بِٱلۡغَيۡبِۚ إِنَّهُۥ كَانَ وَعۡدُهُۥ مَأۡتِيّٗا
61. Beero nagaya (Jannooyinka Cadni) oo uu Naxariistaha (Allaah) ugu yaboohay addoomahiisa Ghaybka (iyagoon arag). Yaboohiisu waa kii yimaada oo hirgala.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
لَّا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوًا إِلَّا سَلَٰمٗاۖ وَلَهُمۡ رِزۡقُهُمۡ فِيهَا بُكۡرَةٗ وَعَشِيّٗا
62. Kuma maqlayaan gudaheeda wax Hadal macno darro ah, waa uun Salaan (is nabaadin). Waxayna ku lahaan risiqooda subax iyo galabba (kala go' la'aan).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
تِلۡكَ ٱلۡجَنَّةُ ٱلَّتِي نُورِثُ مِنۡ عِبَادِنَا مَن كَانَ تَقِيّٗا
63. Taasu waa Jannada aan dhaxalsiinno addoomahayaga kooda ka dhowrsada xumaha (oo noo hoggaansan).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَمَا نَتَنَزَّلُ إِلَّا بِأَمۡرِ رَبِّكَۖ لَهُۥ مَا بَيۡنَ أَيۡدِينَا وَمَا خَلۡفَنَا وَمَا بَيۡنَ ذَٰلِكَۚ وَمَا كَانَ رَبُّكَ نَسِيّٗا
64. (Jabriil wuxuu yidhi) oo Annagu (malaa’igta ah) kuma soo degno waxaan ahayn Amarka Rabbigaa10. Isagaa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashaya- da ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba. Ma aha Rabbigaa mid wax halmaama.
10. Waa ka jawaabid doonista Nabiga s.c.w inuu Jabriil in badan soo siyaarto.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا فَٱعۡبُدۡهُ وَٱصۡطَبِرۡ لِعِبَٰدَتِهِۦۚ هَلۡ تَعۡلَمُ لَهُۥ سَمِيّٗا
65. Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ee caabud Isagoo Keliya oo u samir yeelo cibaadadii. Miyaad garan wax la mid ah oo la Magac iyo Tilmaan ah?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَيَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَءِذَا مَا مِتُّ لَسَوۡفَ أُخۡرَجُ حَيًّا
66. Aadmigu (kan gaalka ahi) wuxuu yidhaahdaa: “Ma markaan dhinto, miyaa la I soo bixin anigoo nool?”
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
أَوَلَا يَذۡكُرُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقۡنَٰهُ مِن قَبۡلُ وَلَمۡ يَكُ شَيۡـٔٗا
67. Miyuusan Aadmigu xusuusnayn inaan abuurnay kal hore isagoon waxba ahayn?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَوَرَبِّكَ لَنَحۡشُرَنَّهُمۡ وَٱلشَّيَٰطِينَ ثُمَّ لَنُحۡضِرَنَّهُمۡ حَوۡلَ جَهَنَّمَ جِثِيّٗا
68. Ee waa igu Rabbigaaye, waanu soo kulmin iyaga iyo shaydaammadaba, markaas waxaanu keeni hareeraha jahannama iyagoo jilba joogsan11.
11. Iyagoo kuf kufaya oo jilbahooda u dhacaya argagax darteed ama loo jiidayo Naarta iyagoo aan dooneyn oo jilbaha ku jooga oo dhulka ku jiidaya.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ثُمَّ لَنَنزِعَنَّ مِن كُلِّ شِيعَةٍ أَيُّهُمۡ أَشَدُّ عَلَى ٱلرَّحۡمَٰنِ عِتِيّٗا
69. Markaas waxaan ka soo siibi qolo walba kuwooda ugu dar-darnaa xagga Raxmaanka (Allaah).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ثُمَّ لَنَحۡنُ أَعۡلَمُ بِٱلَّذِينَ هُمۡ أَوۡلَىٰ بِهَا صِلِيّٗا
70. Annagaana dhab u ogsoon kuwa u sii mudan Naarta geliddeeda oo ku gubtaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَإِن مِّنكُمۡ إِلَّا وَارِدُهَاۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ حَتۡمٗا مَّقۡضِيّٗا
71. Ma jiro mid idinka mid ah oo aan dul mareyn (Naarta) korkeeda; kani waa Guddoon Rabbigaa waajib ah xukman.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ثُمَّ نُنَجِّي ٱلَّذِينَ ٱتَّقَواْ وَّنَذَرُ ٱلظَّٰلِمِينَ فِيهَا جِثِيّٗا
72. Markaas waxaanu badbaadin kuwii iska jiray (shirkiga iyo xumaha kale) oo uga tegi daalimiinta dhexdeeda iyagoo ku jilbo joogsan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَيُّ ٱلۡفَرِيقَيۡنِ خَيۡرٞ مَّقَامٗا وَأَحۡسَنُ نَدِيّٗا
73. Marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, waxay kuwa gaalooba ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey, “Midkee baa labadaya qolo degmo wanaagsan oo joog fiican.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّن قَرۡنٍ هُمۡ أَحۡسَنُ أَثَٰثٗا وَرِءۡيٗا
74. Badanaa intaan halaagnay hortood fac, oo ka hanti, alaab iyo arag wanaagsanaa?.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
قُلۡ مَن كَانَ فِي ٱلضَّلَٰلَةِ فَلۡيَمۡدُدۡ لَهُ ٱلرَّحۡمَٰنُ مَدًّاۚ حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوۡاْ مَا يُوعَدُونَ إِمَّا ٱلۡعَذَابَ وَإِمَّا ٱلسَّاعَةَ فَسَيَعۡلَمُونَ مَنۡ هُوَ شَرّٞ مَّكَانٗا وَأَضۡعَفُ جُندٗا
75. Dheh, "kii ku jira habow, ha u fidiyo Raxmaanku waxa uu heysto fidin (maalka iyo waqtiga), jeer markay arkaan waxaa loogu gooddiyey, oo cadaab (adduunka) ah ama Saacadda (Qiyaame), way ogaan kan xun degmo ahaan oo tabar yar ciidan ahaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَيَزِيدُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ٱهۡتَدَوۡاْ هُدٗىۗ وَٱلۡبَٰقِيَٰتُ ٱلصَّٰلِحَٰتُ خَيۡرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابٗا وَخَيۡرٞ مَّرَدًّا
76. Wuxuu Alle u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun. Camallada wanaagsan ee baaqiga ah baana khayr roon Rabbigaa agtiis oo leh aayo wanaagsan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي كَفَرَ بِـَٔايَٰتِنَا وَقَالَ لَأُوتَيَنَّ مَالٗا وَوَلَدًا
77. Bal ka warran kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin (Aakhiro) maal iyo carruur12.”
12. Halka aan ka siin lahayn maal iyo carruur, Alle wuxuu ka qaadi doonaa waxaas uu ku heysto nolosha adduunka uu ku faano waqtiga dhimashadiisa.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
أَطَّلَعَ ٱلۡغَيۡبَ أَمِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحۡمَٰنِ عَهۡدٗا
78. Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
كَلَّاۚ سَنَكۡتُبُ مَا يَقُولُ وَنَمُدُّ لَهُۥ مِنَ ٱلۡعَذَابِ مَدّٗا
79. Mayee’ waanu qori wuxuu sheegi, oo waan u fidin (kordhin) cadaabka fidin;
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَنَرِثُهُۥ مَا يَقُولُ وَيَأۡتِينَا فَرۡدٗا
80. Waxaanuna ka dhaxli wuxuu sheegi oo dhan wuxuuna noo iman isagoo keli ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لِّيَكُونُواْ لَهُمۡ عِزّٗا
81. Waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah) si ay u siiyaan ciso.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
كَلَّاۚ سَيَكۡفُرُونَ بِعِبَادَتِهِمۡ وَيَكُونُونَ عَلَيۡهِمۡ ضِدًّا
82. Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, wayna ka soo hor jeesan col ahaan (Qiyaamaha).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّآ أَرۡسَلۡنَا ٱلشَّيَٰطِينَ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ تَؤُزُّهُمۡ أَزّٗا
83. Miyaadan arag inaan ku soo dirno shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَلَا تَعۡجَلۡ عَلَيۡهِمۡۖ إِنَّمَا نَعُدُّ لَهُمۡ عَدّٗا
84. Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro13 (maalmo go’an).
13. Waxaan u tirinnaa neefahiisa uu neefsado, iyo maalmahiisa, ama camalladiisa xun.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَوۡمَ نَحۡشُرُ ٱلۡمُتَّقِينَ إِلَى ٱلرَّحۡمَٰنِ وَفۡدٗا
85. Maalinta aan u soo gelbin dhowrsana- yaasha xagga Raxmaanka iyagoo wafdi ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَنَسُوقُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وِرۡدٗا
86. Oo aan u soo kaxeyn denbiilayaasha Jahannama iyagoo la asqoobay harraad.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
لَّا يَمۡلِكُونَ ٱلشَّفَٰعَةَ إِلَّا مَنِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحۡمَٰنِ عَهۡدٗا
87. Ma hantaan shafeeco, mid maahee ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan14.
14. Inuusan caabudin cid kale aan ahayn Alle.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَلَدٗا
88. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxamaanku (Allaah) wuxuu yeeshay ilmo.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
لَّقَدۡ جِئۡتُمۡ شَيۡـًٔا إِدّٗا
89. Waxaad la timaaddeen wax daran oo baas.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
تَكَادُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ يَتَفَطَّرۡنَ مِنۡهُ وَتَنشَقُّ ٱلۡأَرۡضُ وَتَخِرُّ ٱلۡجِبَالُ هَدًّا
90. Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, dhulkuna la jeexmo, oo ay la hoobtaan buuruhu burbur.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
أَن دَعَوۡاْ لِلرَّحۡمَٰنِ وَلَدٗا
91. Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil (ilmo).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَمَا يَنۢبَغِي لِلرَّحۡمَٰنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا
92. Kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil (ilmo).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِن كُلُّ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ إِلَّآ ءَاتِي ٱلرَّحۡمَٰنِ عَبۡدٗا
93. Wax kastoo ku sugan samooyinka iyo arlada wuxuu u imaan (Allaah) Raxmaanka isagoo addoon ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
لَّقَدۡ أَحۡصَىٰهُمۡ وَعَدَّهُمۡ عَدّٗا
94. Dhab ahaan wuu koobay oo tiriyey dhammaan tirin dhan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَكُلُّهُمۡ ءَاتِيهِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَرۡدًا
95. Mid walbaa wuxuu Alle u iman Maalinta Qiyaame isagoo keli ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَيَجۡعَلُ لَهُمُ ٱلرَّحۡمَٰنُ وُدّٗا
96. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, Raxmaanku (Allaah) wuxuu u yeeli maxabbad (qalbiyada mu’miniinta)15.
15. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: Markuu Alle jeclaado addoon ka mid ah addoomahiisa, wuxuu u yeedhaa malag Jabriil oo u sheegaa in Alle Kor ahaaye jecel yahay hebel, ee adiguna jeclow. Markaas baa Jabriil jeclaadaa oo waxa cirka jooga u dhawaaqaa in Alle jecel yahay hebel, iyaguna sidaas darteed ay jeclaadaan, markaasay jeclaadaan waxa cirka jooga, dabeeto loo dhigaa aqbal iyo oggolaansho arlada dhexdeeda. (W.w. Al-Bukhaari).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَإِنَّمَا يَسَّرۡنَٰهُ بِلِسَانِكَ لِتُبَشِّرَ بِهِ ٱلۡمُتَّقِينَ وَتُنذِرَ بِهِۦ قَوۡمٗا لُّدّٗا
97. Ee (Nabi Muxammadow) waxaan uun uga yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso dhowrsanayaasha, uguna digto qolo muran iyo been badan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّن قَرۡنٍ هَلۡ تُحِسُّ مِنۡهُم مِّنۡ أَحَدٍ أَوۡ تَسۡمَعُ لَهُمۡ رِكۡزَۢا
98. Badanaa intaan halaagnay hortood fac, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah?.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಮರ್ಯಮ್
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ