Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጣሃ   አንቀጽ:
فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡحَقُّۗ وَلَا تَعۡجَلۡ بِٱلۡقُرۡءَانِ مِن قَبۡلِ أَن يُقۡضَىٰٓ إِلَيۡكَ وَحۡيُهُۥۖ وَقُل رَّبِّ زِدۡنِي عِلۡمٗا
114. Ee waxaa Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uumanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ عَهِدۡنَآ إِلَىٰٓ ءَادَمَ مِن قَبۡلُ فَنَسِيَ وَلَمۡ نَجِدۡ لَهُۥ عَزۡمٗا
115. Waxaan dhab ahaan la galnay ballan Aadam mar hore24, wuuse illoobay, kamana aanu helin go’aan adag.
24. Waxaa axdigaa lagu xusay Suuradda 2 Al-Baqara : Aayadda 35, wuxuuna Allaah halkan ku xusay inaan laga helin Aadam go’aan adag si uu uga hortago fidnada shaydaanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰ
116. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda (salaan ahaan) Aadam, wayna sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقُلۡنَا يَٰٓـَٔادَمُ إِنَّ هَٰذَا عَدُوّٞ لَّكَ وَلِزَوۡجِكَ فَلَا يُخۡرِجَنَّكُمَا مِنَ ٱلۡجَنَّةِ فَتَشۡقَىٰٓ
117. Waxaanu nidhi: Aadamow! Kani (Ibliis) waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibtoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعۡرَىٰ
118. Waxaa kuu sugnaaday halkaan inaadan ku gaajoon kuna arradin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّكَ لَا تَظۡمَؤُاْ فِيهَا وَلَا تَضۡحَىٰ
119. Oo aad ku harraadeyn, qorrax kulkeedna kugu dhaceyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَوَسۡوَسَ إِلَيۡهِ ٱلشَّيۡطَٰنُ قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ هَلۡ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ ٱلۡخُلۡدِ وَمُلۡكٖ لَّا يَبۡلَىٰ
120. Markaasuu shaydaan si hoose wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan dhammaaneyn?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَكَلَا مِنۡهَا فَبَدَتۡ لَهُمَا سَوۡءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخۡصِفَانِ عَلَيۡهِمَا مِن وَرَقِ ٱلۡجَنَّةِۚ وَعَصَىٰٓ ءَادَمُ رَبَّهُۥ فَغَوَىٰ
121. Markaasay (Aadam iyo Xawwaa) wax ka cuneen (geedkii), saa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) korkooda caleemihii Jannada. Wuxuu Aadam ku caasiyey Rabbigi oo wuu habaabay25.
25. Eeg sharaxa Suuradda 9 Al-Acraaf: Aayadda 19.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ ٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَتَابَ عَلَيۡهِ وَهَدَىٰ
122. Markaas waxaa doortay Rabbigiis wuuna ka tawbad aqbalay oo hanuuniyey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ٱهۡبِطَا مِنۡهَا جَمِيعَۢاۖ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوّٞۖ فَإِمَّا يَأۡتِيَنَّكُم مِّنِّي هُدٗى فَمَنِ ٱتَّبَعَ هُدَايَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشۡقَىٰ
123. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, iyagoo qaarkiinba cadow u yahay qaar kale. Hadduu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, qofkii raaca hanuunkayga ma ku lumayo (adduunkan), mana ku dar xumaanayo (Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَنۡ أَعۡرَضَ عَن ذِكۡرِي فَإِنَّ لَهُۥ مَعِيشَةٗ ضَنكٗا وَنَحۡشُرُهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَعۡمَىٰ
124. Qofkii se ka jeesta Xuskayga (Qur’aankan) wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, waxaana la soo kulmin Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرۡتَنِيٓ أَعۡمَىٰ وَقَدۡ كُنتُ بَصِيرٗا
125. Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad ii soo kulmisay (ii keentay Qiyaamada) anoo indha la’ anoo (hadda ka hor) wax arki jiray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጣሃ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት