Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: તો-હા   આયત:
فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡحَقُّۗ وَلَا تَعۡجَلۡ بِٱلۡقُرۡءَانِ مِن قَبۡلِ أَن يُقۡضَىٰٓ إِلَيۡكَ وَحۡيُهُۥۖ وَقُل رَّبِّ زِدۡنِي عِلۡمٗا
114. Ee waxaa Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uumanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”
અરબી તફસીરો:
وَلَقَدۡ عَهِدۡنَآ إِلَىٰٓ ءَادَمَ مِن قَبۡلُ فَنَسِيَ وَلَمۡ نَجِدۡ لَهُۥ عَزۡمٗا
115. Waxaana dhab ahaan la galnay ballan Aadam mar hore23, wuuse illoobay, kamana aanu helin go’aan adag.
23. Waxaa axdigaa lagu xusay Suuradda 2 Al-Baqara : Aayadda 35, wuxuuna Allaah halkan ku xusay inaan laga helin Aadam go’aan adag si uu uga hortago fidnada shaydaanka.
અરબી તફસીરો:
وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰ
116. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda (salaan ahaan) Aadam, wayna sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday.
અરબી તફસીરો:
فَقُلۡنَا يَٰٓـَٔادَمُ إِنَّ هَٰذَا عَدُوّٞ لَّكَ وَلِزَوۡجِكَ فَلَا يُخۡرِجَنَّكُمَا مِنَ ٱلۡجَنَّةِ فَتَشۡقَىٰٓ
117. Waxaanu nidhi: Aadamow! Kani (Ibliis) waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibtoon.
અરબી તફસીરો:
إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعۡرَىٰ
118. Waxaa kuu sugnaaday halkaan inaadan ku gaajoon kuna arradin.
અરબી તફસીરો:
وَأَنَّكَ لَا تَظۡمَؤُاْ فِيهَا وَلَا تَضۡحَىٰ
119. Oo aad ku harraadeyn, qorrax kulkeedna kugu dhaceyn.
અરબી તફસીરો:
فَوَسۡوَسَ إِلَيۡهِ ٱلشَّيۡطَٰنُ قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ هَلۡ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ ٱلۡخُلۡدِ وَمُلۡكٖ لَّا يَبۡلَىٰ
120. Markaasuu shaydaan si hoose wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan dhammaaneyn?”
અરબી તફસીરો:
فَأَكَلَا مِنۡهَا فَبَدَتۡ لَهُمَا سَوۡءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخۡصِفَانِ عَلَيۡهِمَا مِن وَرَقِ ٱلۡجَنَّةِۚ وَعَصَىٰٓ ءَادَمُ رَبَّهُۥ فَغَوَىٰ
121. Markaasay (Aadam iyo Xawwaa) wax ka cuneen (geedkii), saa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) korkooda caleemihii Jannada. Wuxuuna Aadam ku caasiyey Rabbigi oo wuu habaabay24.
24. Eeg sharaxa Suuradda 9 Al-Acraaf: Aayadda 19.
અરબી તફસીરો:
ثُمَّ ٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَتَابَ عَلَيۡهِ وَهَدَىٰ
122. Waxaase doortay Rabbigiis wuuna ka toobad aqbalay oo hanuuniyey.
અરબી તફસીરો:
قَالَ ٱهۡبِطَا مِنۡهَا جَمِيعَۢاۖ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوّٞۖ فَإِمَّا يَأۡتِيَنَّكُم مِّنِّي هُدٗى فَمَنِ ٱتَّبَعَ هُدَايَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشۡقَىٰ
123. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, iyagoo qaarkiinba cadow u yahay qaar kale. Hadduu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, qofkii raaca hanuunkayga ma ku lumayo (adduunkan), mana ku dar xumaanayo (Aakhirada).
અરબી તફસીરો:
وَمَنۡ أَعۡرَضَ عَن ذِكۡرِي فَإِنَّ لَهُۥ مَعِيشَةٗ ضَنكٗا وَنَحۡشُرُهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَعۡمَىٰ
124. Qofkii se ka jeesta Xuskayga (Qur’aankan) wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, waxaana la soo kulmin (la soo bixin) Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la'.
અરબી તફસીરો:
قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرۡتَنِيٓ أَعۡمَىٰ وَقَدۡ كُنتُ بَصِيرٗا
125. Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad ii soo kulmisay (ii keentay Qiyaamada) anoo indha la’ anoo (hadda ka hor) wax arki jiray.
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: તો-હા
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો