Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: તો-હા   આયત:

Daa'ha

طه
1. Daa Haa1.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.
અરબી તફસીરો:
مَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ لِتَشۡقَىٰٓ
2. Kuuguma aanu soo dejin (Nabiyow) Qur’aanka (inaad naftaada ku halaagto) murugo (inaysan rumayn Xaqa darteed).
અરબી તફસીરો:
إِلَّا تَذۡكِرَةٗ لِّمَن يَخۡشَىٰ
3. Waase u waano ciddii ka baqda (Alle)2.
2. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “ Qofkuu Alle la doono khayr wuxuu fahansiiyaa diinta”. W.w. Al-Bukhaari.
અરબી તફસીરો:
تَنزِيلٗا مِّمَّنۡ خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ وَٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلۡعُلَى
4.Waa soo dejinta (Alle) ee abuuray arlada iyo samooyinka sare.
અરબી તફસીરો:
ٱلرَّحۡمَٰنُ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ ٱسۡتَوَىٰ
5. Raxmaanku (Allaah) wuxuu kor ahaaday) Carshigiisa dushiisha (si u qalanta Weynidiisa).
અરબી તફસીરો:
لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَمَا تَحۡتَ ٱلثَّرَىٰ
6. Isagaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska.
અરબી તફસીરો:
وَإِن تَجۡهَرۡ بِٱلۡقَوۡلِ فَإِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلسِّرَّ وَأَخۡفَى
7. Haddaad kor codka ugu qaaddo hadalka, hubaal, Alle Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan.
અરબી તફસીરો:
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ لَهُ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰ
8. Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada Wanaagga iyo Quruxda Badan.
અરબી તફસીરો:
وَهَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
9. Ma ku soo gaadhay qisadii Muuse?
અરબી તફસીરો:
إِذۡ رَءَا نَارٗا فَقَالَ لِأَهۡلِهِ ٱمۡكُثُوٓاْ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا لَّعَلِّيٓ ءَاتِيكُم مِّنۡهَا بِقَبَسٍ أَوۡ أَجِدُ عَلَى ٱلنَّارِ هُدٗى
10. Markuu arkay dab, oo ku yidhi reerkiisii: "Jooga halkan! Waxaan arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka cid ii i tusisa (waddada Masar)".
અરબી તફસીરો:
فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِيَ يَٰمُوسَىٰٓ
11. Markuu yimid meeshuu ka ifiyey dabka, waa loo yeedhay: Muusow!
અરબી તફસીરો:
إِنِّيٓ أَنَا۠ رَبُّكَ فَٱخۡلَعۡ نَعۡلَيۡكَ إِنَّكَ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوٗى
12. Anigu waxaan ahay Rabbigaa! Ee iska siib kabahaaga, waxaad joogtaa togga daahirka ah ee Duwaa.
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: તો-હા
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો