Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጣሃ   አንቀጽ:
فَأَخۡرَجَ لَهُمۡ عِجۡلٗا جَسَدٗا لَّهُۥ خُوَارٞ فَقَالُواْ هَٰذَآ إِلَٰهُكُمۡ وَإِلَٰهُ مُوسَىٰ فَنَسِيَ
88. Wuxuuna uga soo saaray (muuqaal) dibi oo cod leh. Waxayna yidhaahdeen: "Kan waa ilaahiinna iyo ilaaha Muuse, wuuse illoobay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَا يَرَوۡنَ أَلَّا يَرۡجِعُ إِلَيۡهِمۡ قَوۡلٗا وَلَا يَمۡلِكُ لَهُمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗا
89. Miyeynan arkayn in aanu u soo celin kareyn kelmadna (wax jawaab ah), oo aanu u haynin dhib iyo dheef midna?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ قَالَ لَهُمۡ هَٰرُونُ مِن قَبۡلُ يَٰقَوۡمِ إِنَّمَا فُتِنتُم بِهِۦۖ وَإِنَّ رَبَّكُمُ ٱلرَّحۡمَٰنُ فَٱتَّبِعُونِي وَأَطِيعُوٓاْ أَمۡرِي
90. Wuxuuna ku yidhi Haaruun kal hore (intaanu soo laaban Muuse):Tolkayow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, Rabbigiinna waa Raxmaanka ee i soo raaca, adeecana amarkayga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَن نَّبۡرَحَ عَلَيۡهِ عَٰكِفِينَ حَتَّىٰ يَرۡجِعَ إِلَيۡنَا مُوسَىٰ
91. Waxay yidhaahdeen: “Ma deyneyno caabudidda (dibiga) intuu nooga soo noqon Muuse.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَٰهَٰرُونُ مَا مَنَعَكَ إِذۡ رَأَيۡتَهُمۡ ضَلُّوٓاْ
92. (Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday markaad aragtay inay lumeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَّا تَتَّبِعَنِۖ أَفَعَصَيۡتَ أَمۡرِي
93. Inaad I soo raacdo (oo ka soo tagto)? Ma waxaad caasiday amarkaygii?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَبۡنَؤُمَّ لَا تَأۡخُذۡ بِلِحۡيَتِي وَلَا بِرَأۡسِيٓۖ إِنِّي خَشِيتُ أَن تَقُولَ فَرَّقۡتَ بَيۡنَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَلَمۡ تَرۡقُبۡ قَوۡلِي
94. (Haaruun) wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil, mana aadan dhowrin (sugin) qowlkeyga.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَمَا خَطۡبُكَ يَٰسَٰمِرِيُّ
95. (Muuse) wuxuu yidhi: “Muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ بَصُرۡتُ بِمَا لَمۡ يَبۡصُرُواْ بِهِۦ فَقَبَضۡتُ قَبۡضَةٗ مِّنۡ أَثَرِ ٱلرَّسُولِ فَنَبَذۡتُهَا وَكَذَٰلِكَ سَوَّلَتۡ لِي نَفۡسِي
96. Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Waxaana ka soo qaaatay sacab muggi (oo carro ah) raadkii Rasuulka18 (Faraskii Jabriil) oo aan ku tuuray19. Sidaasayna ii qurxisay nafteydu.
18. Raadka Rasuulka waxaa loola jeedaa Raadka qoobka faraskii uu watay Jabriil c.s. Waxaa kaloo lagu fasiray Raadka Rasuulka:Risaaladii Rasuulka oo ah sharciga uu la yimid Muuse, inuu Saamiri isaga tagay sharcigaas.
19. Dabkii lagu riday alaabadii ay isku qurxin jireen reer Fircoon si aan uga sameeyo sawir dibi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَٱذۡهَبۡ فَإِنَّ لَكَ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ أَن تَقُولَ لَا مِسَاسَۖ وَإِنَّ لَكَ مَوۡعِدٗا لَّن تُخۡلَفَهُۥۖ وَٱنظُرۡ إِلَىٰٓ إِلَٰهِكَ ٱلَّذِي ظَلۡتَ عَلَيۡهِ عَاكِفٗاۖ لَّنُحَرِّقَنَّهُۥ ثُمَّ لَنَنسِفَنَّهُۥ فِي ٱلۡيَمِّ نَسۡفًا
97. (Muuse) wuxuu yidhi: Tag oo naga fagow! Waxaa kuu sugnaaday noloshan inaad tidhaahdo: "Taabasho ma jirto"20, waxaa kaloo leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabka Aakhiro). Eegna ilaah ku sheeggaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. Waanu gubi (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku firdhinno oo waxba aanu ka hari doonin.’
20. “ Ha i taabaannina” waa ciqaab ahaan adduunka, waayo waxaa la amray inay dadku u gooyaan si dhan oo waxba ku darsan. Aakhirona waxaa sugaya Naar olol badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَآ إِلَٰهُكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ وَسِعَ كُلَّ شَيۡءٍ عِلۡمٗا
98. Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuu ku koobay wax walba Cilmi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጣሃ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት