للإطلاع على الموقع بحلته الجديدة

ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: طه   آية:
قَالُواْ يَٰمُوسَىٰٓ إِمَّآ أَن تُلۡقِيَ وَإِمَّآ أَن نَّكُونَ أَوَّلَ مَنۡ أَلۡقَىٰ
65. Waxay yidhaahdeen: “Muusow! Ama tuur (usha) ama aan innagu ahaanno kuwa hor tuura?”
التفاسير العربية:
قَالَ بَلۡ أَلۡقُواْۖ فَإِذَا حِبَالُهُمۡ وَعِصِيُّهُمۡ يُخَيَّلُ إِلَيۡهِ مِن سِحۡرِهِمۡ أَنَّهَا تَسۡعَىٰ
66. Wuxuu yidhi: “Bal tuura idinka (marka hore)"! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordi.
التفاسير العربية:
فَأَوۡجَسَ فِي نَفۡسِهِۦ خِيفَةٗ مُّوسَىٰ
67. Markaasuu Muuse ka dareemay naftiisii cabsi.
التفاسير العربية:
قُلۡنَا لَا تَخَفۡ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡأَعۡلَىٰ
68. Waxaanu nidhi: Ha cabsan, waa adiga kan sarreyne.
التفاسير العربية:
وَأَلۡقِ مَا فِي يَمِينِكَ تَلۡقَفۡ مَا صَنَعُوٓاْۖ إِنَّمَا صَنَعُواْ كَيۡدُ سَٰحِرٖۖ وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّاحِرُ حَيۡثُ أَتَىٰ
69. Tuurna waxa ku jira gacantaaada midig! Waxay liqi waxay sameeyeen, waxa ay sameeyeen waa uun tab sixirrow, mana liibaano sixirrow meeluu yimaadaba.
التفاسير العربية:
فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سُجَّدٗا قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ هَٰرُونَ وَمُوسَىٰ
70. Saaxirintii waxay ula dhaceen dhulka sujuud10.Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeynay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”
10. Kaddib markay arkeen mucjisooyinka uu Alle siiyey Muuse iyo inay yihiin xaqiiq oo aysan ahayn moodsiin sixir.
التفاسير العربية:
قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَۖ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ فِي جُذُوعِ ٱلنَّخۡلِ وَلَتَعۡلَمُنَّ أَيُّنَآ أَشَدُّ عَذَابٗا وَأَبۡقَىٰ
71. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad rumeyseen ka hor inta aanan idiin idmin? Hubaal waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, waxaana idinku daldali jirridaha geedaha timrta, waadna ogaan midkaayagii (aniga ama Rabbiga Muuse) cadaab daran oo daa’ insan.
التفاسير العربية:
قَالُواْ لَن نُّؤۡثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَآءَنَا مِنَ ٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلَّذِي فَطَرَنَاۖ فَٱقۡضِ مَآ أَنتَ قَاضٍۖ إِنَّمَا تَقۡضِي هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَآ
72. Waxay yidhaahdeen: “Kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray11. Ee go'aami waxaad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka.
11. Weedhan ‘ walladdii fadaranaa” waxaa sidoo kale lagu fasiray dhaar ahaan macnaha markaa waxaa weeye: Waxaan ku dhaarannay Kan na abuuraye.”
التفاسير العربية:
إِنَّآ ءَامَنَّا بِرَبِّنَا لِيَغۡفِرَ لَنَا خَطَٰيَٰنَا وَمَآ أَكۡرَهۡتَنَا عَلَيۡهِ مِنَ ٱلسِّحۡرِۗ وَٱللَّهُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ
73. Waxaanu xaqiiq rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxaad nagu khasabtay ee (barashda) sixirka ah. Alle baana khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’insanaan badan12 (cadaab ahaan).
12. Ajar ahaan iyo ciqaab ahaanba.
التفاسير العربية:
إِنَّهُۥ مَن يَأۡتِ رَبَّهُۥ مُجۡرِمٗا فَإِنَّ لَهُۥ جَهَنَّمَ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ
74. Qofkii u yimaada Rabbigiis isagoo denbiile ah, abaalkiisu waa Jahannamo, uusan ku dhimaneyn, kuna noolaaneyn.
التفاسير العربية:
وَمَن يَأۡتِهِۦ مُؤۡمِنٗا قَدۡ عَمِلَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلدَّرَجَٰتُ ٱلۡعُلَىٰ
75.Qofkii se u yimaada isagoo mu’min ah oo samo fashay, kuwaasi waxay leeyihiin derejooyinka sare (nolosha dambe-Aakhiro)
التفاسير العربية:
جَنَّٰتُ عَدۡنٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ مَن تَزَكَّىٰ
76. Beero (Jannooyin) ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oo ay ku dhex waari weligood: kaasi waa abaalka kan ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida)13.
13. Iska xala fadaro oo dhan, uu ugu daran yahay shirkiga.
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: طه
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب - فهرس التراجم

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق