للإطلاع على الموقع بحلته الجديدة

ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: طه   آية:
قَالَ عِلۡمُهَا عِندَ رَبِّي فِي كِتَٰبٖۖ لَّا يَضِلُّ رَبِّي وَلَا يَنسَى
52. (Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal (Looxa Maxfuudka). Rabbigay ma gefo, waxnana ma halmaamo.
التفاسير العربية:
ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مَهۡدٗا وَسَلَكَ لَكُمۡ فِيهَا سُبُلٗا وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّن نَّبَاتٖ شَتَّىٰ
53. Waa Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan); oo idiinka furay waddooyin dhexdeeda, idiinkana soo dejiya biyo (roob) xagga daruuraha, markaasaan ku soo saarnaa dhir noocyo kala duwan ah.
التفاسير العربية:
كُلُواْ وَٱرۡعَوۡاْ أَنۡعَٰمَكُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّأُوْلِي ٱلنُّهَىٰ
54. Cuna oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (muujin Awoodda Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) ciddii leh caqli fayow.
التفاسير العربية:
۞ مِنۡهَا خَلَقۡنَٰكُمۡ وَفِيهَا نُعِيدُكُمۡ وَمِنۡهَا نُخۡرِجُكُمۡ تَارَةً أُخۡرَىٰ
55. Xaggeedaan (arlada) idinka abuurnay, gudaheeda baan idinku celin, xaggeedaana la idinka soo saari mar kale (geeri kaddib).
التفاسير العربية:
وَلَقَدۡ أَرَيۡنَٰهُ ءَايَٰتِنَا كُلَّهَا فَكَذَّبَ وَأَبَىٰ
56. Waxaan dhab ahaan tusnay (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase beeniyey oo diiday.
التفاسير العربية:
قَالَ أَجِئۡتَنَا لِتُخۡرِجَنَا مِنۡ أَرۡضِنَا بِسِحۡرِكَ يَٰمُوسَىٰ
57. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow?.
التفاسير العربية:
فَلَنَأۡتِيَنَّكَ بِسِحۡرٖ مِّثۡلِهِۦ فَٱجۡعَلۡ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكَ مَوۡعِدٗا لَّا نُخۡلِفُهُۥ نَحۡنُ وَلَآ أَنتَ مَكَانٗا سُوٗى
58. Waxaanu kuula iman sixir la mid ah ee noo qabo ballan dhexdeenna aan ku kulanno, oo aanaan ka dib dhaceyn innaga iyo adiguba midna meel fagaare ah9.
9. Meel cayiman si loo ogaado, macno kale waa meel noo dhexeysa ee la isugu yimaado ama meel fagaare ah oo siman.
التفاسير العربية:
قَالَ مَوۡعِدُكُمۡ يَوۡمُ ٱلزِّينَةِ وَأَن يُحۡشَرَ ٱلنَّاسُ ضُحٗى
59. (Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, hana la soo kulmiyo Dadka barqadii.
التفاسير العربية:
فَتَوَلَّىٰ فِرۡعَوۡنُ فَجَمَعَ كَيۡدَهُۥ ثُمَّ أَتَىٰ
60. Markaasuu Fircoon tagey, isuna keenay tabihiisii, markaas yimid.
التفاسير العربية:
قَالَ لَهُم مُّوسَىٰ وَيۡلَكُمۡ لَا تَفۡتَرُواْ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا فَيُسۡحِتَكُم بِعَذَابٖۖ وَقَدۡ خَابَ مَنِ ٱفۡتَرَىٰ
61. Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): "Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Alle si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Waxaana hoogay qofkii ka been sheega (Alle)”.
التفاسير العربية:
فَتَنَٰزَعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّجۡوَىٰ
62. Markaasay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda.
التفاسير العربية:
قَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَٰنِ لَسَٰحِرَٰنِ يُرِيدَانِ أَن يُخۡرِجَاكُم مِّنۡ أَرۡضِكُم بِسِحۡرِهِمَا وَيَذۡهَبَا بِطَرِيقَتِكُمُ ٱلۡمُثۡلَىٰ
63. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa labo saaxir oo doonaya inay idiinkaga saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo ay bi'iyaan dariiqadiinna fiican (dhaqanka iyo caadadiinna).
التفاسير العربية:
فَأَجۡمِعُواْ كَيۡدَكُمۡ ثُمَّ ٱئۡتُواْ صَفّٗاۚ وَقَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡيَوۡمَ مَنِ ٱسۡتَعۡلَىٰ
64. Ee isu geeya Tabtiinna oo imaada idinkoo saf saf ah; waxaa liibaani maanta ciddii gacan sarreysa ”.
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: طه
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب - فهرس التراجم

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق