قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ.

بەت نومۇرى:close

external-link copy
56 : 25

وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا

56. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn inaad bishaareeye iyo dige ahaato. info
التفاسير:

external-link copy
57 : 25

قُلۡ مَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍ إِلَّا مَن شَآءَ أَن يَتَّخِذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلٗا

57. Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Dhambaalkan), qofkiise dooni inuu ka yeesho Rabbigi xaggiisa waddo (ha samo falo)". info
التفاسير:

external-link copy
58 : 25

وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡحَيِّ ٱلَّذِي لَا يَمُوتُ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِهِۦۚ وَكَفَىٰ بِهِۦ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرًا

58. Tala saarona Allaah, Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, kuna tasbiixso Ammaanahiisa. Rabbi ku Filan ogaanshaha denbiyada addoomahiisa. info
التفاسير:

external-link copy
59 : 25

ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ ٱلرَّحۡمَٰنُ فَسۡـَٔلۡ بِهِۦ خَبِيرٗا

59. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta Weynadiisa). Naxariis Badanaha wax ka weydii mid Xog ogaal ah. info
التفاسير:

external-link copy
60 : 25

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱسۡجُدُواْۤ لِلرَّحۡمَٰنِ قَالُواْ وَمَا ٱلرَّحۡمَٰنُ أَنَسۡجُدُ لِمَا تَأۡمُرُنَا وَزَادَهُمۡ نُفُورٗا۩

60. Marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka.Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Muxuu yahay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudeynaa waxaad nagu amreyso? Wuxuuna u kordhiyaa didmo. info
التفاسير:

external-link copy
61 : 25

تَبَارَكَ ٱلَّذِي جَعَلَ فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجٗا وَجَعَلَ فِيهَا سِرَٰجٗا وَقَمَرٗا مُّنِيرٗا

61. Waxaa khayr iyo barako badan Kan 'Alle' ee u yeelay samada xiddigo waaweyn,
yeelayna dhexdeeda nal 'qorrax' iyo dayax ifiya.
info
التفاسير:

external-link copy
62 : 25

وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ خِلۡفَةٗ لِّمَنۡ أَرَادَ أَن يَذَّكَّرَ أَوۡ أَرَادَ شُكُورٗا

62. Waa Isaga (Alle) Kan uga yeelay habeenka iyo maalinta is dhaaf qofkii raba inuu waano qaato ama raba inuu ku mahdiyo (Alle). info
التفاسير:

external-link copy
63 : 25

وَعِبَادُ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلَّذِينَ يَمۡشُونَ عَلَى ٱلۡأَرۡضِ هَوۡنٗا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ ٱلۡجَٰهِلُونَ قَالُواْ سَلَٰمٗا

63. Addoomaha Raxmaanka (Alle) waa kuwa ku mara dhulka miyir [27], markay maangaabyada kula hadlaan (ereyo xun) ku yidhaahda salaamaa 'nabadgelyo' [28]. info

[27]. Xasillooni si sharaf leh aan iskibrin lahayn.
[28]. Salaamaa macnaha waa hadal nabad ah ka maran gef ama xumaan.

التفاسير:

external-link copy
64 : 25

وَٱلَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمۡ سُجَّدٗا وَقِيَٰمٗا

64. Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood oo u taagan 'salaad'. info
التفاسير:

external-link copy
65 : 25

وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱصۡرِفۡ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَۖ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا

65. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga duw cadaabka Jahannama, hubaal! Cadaabkeedu waa wax joogta ah. info
التفاسير:

external-link copy
66 : 25

إِنَّهَا سَآءَتۡ مُسۡتَقَرّٗا وَمُقَامٗا

66. Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego. info
التفاسير:

external-link copy
67 : 25

وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَنفَقُواْ لَمۡ يُسۡرِفُواْ وَلَمۡ يَقۡتُرُواْ وَكَانَ بَيۡنَ ذَٰلِكَ قَوَامٗا

67. Waa kuwa markay wax bixiyaan aan xad gudbin ama aan wax ciriiryin, oo intaas dhexdooda ku toosnaada. info
التفاسير: