Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 福勒嘎里   段:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا
56. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn inaad bishaareeye iyo dige ahaato.
阿拉伯语经注:
قُلۡ مَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍ إِلَّا مَن شَآءَ أَن يَتَّخِذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلٗا
57. Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Dhambaalkan), qofkiise dooni inuu ka yeesho xagga Rabbigi jid (Toosan ha raaco)".
阿拉伯语经注:
وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡحَيِّ ٱلَّذِي لَا يَمُوتُ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِهِۦۚ وَكَفَىٰ بِهِۦ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرًا
58. Tala saaro Allaah, Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, kuna tasbiixso Ammaanahiisa, Rabbina ku Filan ogaanshaha denbiyada addommahiisa.
阿拉伯语经注:
ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ ٱلرَّحۡمَٰنُ فَسۡـَٔلۡ بِهِۦ خَبِيرٗا
59. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta Weynadiisa). Naxariis Badanaha wax ka weydii mid Xog ogaal ah (waa Alle cazza wajalla).
阿拉伯语经注:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱسۡجُدُواْۤ لِلرَّحۡمَٰنِ قَالُواْ وَمَا ٱلرَّحۡمَٰنُ أَنَسۡجُدُ لِمَا تَأۡمُرُنَا وَزَادَهُمۡ نُفُورٗا۩
60. Marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka.Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Muxuu yahay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudeynaa waxaad nagu amreyso? Wuxuuna u kordhiyaa didmo.
阿拉伯语经注:
تَبَارَكَ ٱلَّذِي جَعَلَ فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجٗا وَجَعَلَ فِيهَا سِرَٰجٗا وَقَمَرٗا مُّنِيرٗا
61. Waxaa khayr iyo barako badan (Allaah) ee u yeelay samada xiddigo waaweyn,
yeelayna dhexdeeda nal (qorrax) iyo dayax ifiya.
阿拉伯语经注:
وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ خِلۡفَةٗ لِّمَنۡ أَرَادَ أَن يَذَّكَّرَ أَوۡ أَرَادَ شُكُورٗا
62. Waa Isaga (Alle) Kan uga yeelay habeenka iyo maalinta is dhaaf qofkii raba inuu waano qaato ama raba inuu ku mahdiyo (Alle).
阿拉伯语经注:
وَعِبَادُ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلَّذِينَ يَمۡشُونَ عَلَى ٱلۡأَرۡضِ هَوۡنٗا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ ٱلۡجَٰهِلُونَ قَالُواْ سَلَٰمٗا
63. Addoomaha Raxmaanka (Alle) waa kuwa ku mara dhulka miyir26, markay maangaabyada kula hadlaan (ereyo xun) ku yidhaahda salaamaa 'nabadgelyo' 27.
26. Xasillooni si sharaf leh aan iskibrin lahayn.
27. Salaamaa macnaha waa hadal nabad ah ka maran gef ama xumaan.
阿拉伯语经注:
وَٱلَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمۡ سُجَّدٗا وَقِيَٰمٗا
64. Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood oo u taagan 'salaad'.
阿拉伯语经注:
وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱصۡرِفۡ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَۖ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا
65. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga duw cadaabka Jahannama, hubaal! Cadaabkeedu waa wax joogta ah.
阿拉伯语经注:
إِنَّهَا سَآءَتۡ مُسۡتَقَرّٗا وَمُقَامٗا
66. Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego.
阿拉伯语经注:
وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَنفَقُواْ لَمۡ يُسۡرِفُواْ وَلَمۡ يَقۡتُرُواْ وَكَانَ بَيۡنَ ذَٰلِكَ قَوَامٗا
67. Waa kuwa markay wax bixiyaan aan xad gudbin ama aan wax ciriiryin, oo intaas dhexdooda ku toosnaada.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 福勒嘎里
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭