Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: مَسد   آیت:

Al-masad

تَبَّتۡ يَدَآ أَبِي لَهَبٖ وَتَبَّ
1. Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab [1], hoogyeyna [2].
1. Waa Nabiga adeerki oo ahaa cadow Islaam, waxaana la mid ah oo soo galaya cadow Islaam kasta.
2. Markay soo degtay Aayadda Qur'aanka ee leh: "U dig xigaaladaada kuu dhow". Nabigu s.c.w. wuxuu billaabay inuu u yeeraa ( qabaa'isha Carbeed): Reer Banii Fihirow, Reer Banii Cadiyow, isagoo mid mid u xusaya jilbaha iyo laamaha ay ka kooban yihiin Quraysh. Xitaa ninkii aan imaan karin wuxuu soo dirsaday cid ka socota isaga si uu u soo eego waxa jira. Markaasaa waxaa yimid Abuu Lahab iyo odayaashii Quraysh. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ka warrama haddaan idiin sheego ciidan fardooley ah oo soo socda toggan gadaashiisa ee dooneysa inay idin weeraraan ma iga rumeysan laheydeen? Waxay yidhaahdeen: Haa , kuguma baran waxaan run aheyn.. markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Haddaba waxaan idiinka digayaa cadaab daran oo idinku soo fool leh haddii aydaan Allaah rumeyn iyo Rusushiisa. Abuu Lahab wuxuu yidhi: Hoog oo ba' maanta oo idil, ma waxaan baad isugu kaaya yeertay? Markaasaa waxaa soo degay Tabbat Yadaa Abii Lahab….
عربی تفاسیر:
مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُ مَالُهُۥ وَمَا كَسَبَ
2. Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday.
عربی تفاسیر:
سَيَصۡلَىٰ نَارٗا ذَاتَ لَهَبٖ
3. Wuxuu geli oo ku guban Naar olol badan.
عربی تفاسیر:
وَٱمۡرَأَتُهُۥ حَمَّالَةَ ٱلۡحَطَبِ
4. Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (xanta, xinta iyo dirdirada badan),
عربی تفاسیر:
فِي جِيدِهَا حَبۡلٞ مِّن مَّسَدِۭ
5. Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay (oo Naar) ah.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: مَسد
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں