Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: آل عمران   آیت:
وَلِيُمَحِّصَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَيَمۡحَقَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
141. Waa si uu Alle u daahiriyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo u baabbi’iyo gaalada.
عربی تفاسیر:
أَمۡ حَسِبۡتُمۡ أَن تَدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ وَلَمَّا يَعۡلَمِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ جَٰهَدُواْ مِنكُمۡ وَيَعۡلَمَ ٱلصَّٰبِرِينَ
142. Mise waxaad mooddaan inaad gali jannada isagoon Alle muujin kuwiinna jihaada [26] oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin samrayaasha?
26. Jihaadku wuxuu leeyahay macnooyin badan b. Jihaadka waa dadaal lala yimaado oo kor loogu qaadayo islaamka ee lagu difaacayo muslimiinta t.La jihaadka nafta j. Ku bixinta maalka danaha islaamka iyo muslimiinta x. Jihaadka tiridda fasahaadka iyo oogidda xaqa. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha jeclaannina la kulanka cadowga, ee weydiista Alle caafimaad, markaadse dagaal kula kulantaan cadowgiinna adkeysta oo ogaada in Jannadu tahay hooska seefaha.
عربی تفاسیر:
وَلَقَدۡ كُنتُمۡ تَمَنَّوۡنَ ٱلۡمَوۡتَ مِن قَبۡلِ أَن تَلۡقَوۡهُ فَقَدۡ رَأَيۡتُمُوهُ وَأَنتُمۡ تَنظُرُونَ
143. Waxaadna jecleydeen dhimashada (shaiidnimo) ka hor intaydaan la kulmin. waadna aragteen 'geerida' idinkoo eegaya.
عربی تفاسیر:
وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٞ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِ ٱلرُّسُلُۚ أَفَإِيْن مَّاتَ أَوۡ قُتِلَ ٱنقَلَبۡتُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡۚ وَمَن يَنقَلِبۡ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِ فَلَن يَضُرَّ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۚ وَسَيَجۡزِي ٱللَّهُ ٱلشَّٰكِرِينَ
144. Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul (Alle), Waxaa tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto [27] ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Qofkii dib ugu gaddooma cirbihiisa, waxba uma dhimayo Alle. Alle waa u abaal gudi kuwa mahdiya.
27. Rasuulka Alle waa qof Aadmi ah uu soo diray Alle Rusul hortiis. Qaarkood la dilay, qaarna u dhinteen jirrooyin, sidaas oo kale Nabigu sc.w. wuu dhiman sida Rusushii horeba. Dagaalkii Uxud waxaa faafay warka dilidda Nabiga s.c.w. warkaasoo qas iyo qalalaase geliyey muslimiiintii, heer muslimiinta qaarkood ay magan weydiisteen Abuu Sufyaan oo ahaa markaas odayga Quraysh. Munaafiqiintiina waxay yidhaahdeen hadduu Muxammad ahaan lahaa Nabi lama dileen. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan si uu u dejiyo quluubta muslimiinta iyo jawaab celin ahaan waxay yidhaahdeen munaafiqiinta. (Saxiix Al- Bukhaari Baabka Jihaadka).
Abuu Bakar a.k.r. wuxuu soo daliilsaday Aayaddan maalintii uu geeriyooday Nabiga s.c.w. si uu u dejiyo Cumar bin Al-Khaddaab iyo saxaabada qaarkood ee rumeysan waayey dhimashada Nabiga s.c.w. ( Saxiix Al- Bukhaari qaybta Taqwada Saxaabada).
عربی تفاسیر:
وَمَا كَانَ لِنَفۡسٍ أَن تَمُوتَ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِ كِتَٰبٗا مُّؤَجَّلٗاۗ وَمَن يُرِدۡ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا نُؤۡتِهِۦ مِنۡهَا وَمَن يُرِدۡ ثَوَابَ ٱلۡأٓخِرَةِ نُؤۡتِهِۦ مِنۡهَاۚ وَسَنَجۡزِي ٱلشَّٰكِرِينَ
145. Nafna ma dhimato Idanka Alle ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Qofkii raba abaalka adduunyadan, wax baan ka siin, qofkii rabana abaalka Aakhirada, wax baan ka siin. Waanu u abaal gudi kuwa (Alle) mahdiya (af, uur, iyo addinba).
عربی تفاسیر:
وَكَأَيِّن مِّن نَّبِيّٖ قَٰتَلَ مَعَهُۥ رِبِّيُّونَ كَثِيرٞ فَمَا وَهَنُواْ لِمَآ أَصَابَهُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَمَا ضَعُفُواْ وَمَا ٱسۡتَكَانُواْۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلصَّٰبِرِينَ
146. Badanaa inta Nabi oo ay la jireen Rabbi yaqaanno dagaallami oo tiro badan. Marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Alle, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Alle wuu jecel yahay kuwa samra.
عربی تفاسیر:
وَمَا كَانَ قَوۡلَهُمۡ إِلَّآ أَن قَالُواْ رَبَّنَا ٱغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَا وَإِسۡرَافَنَا فِيٓ أَمۡرِنَا وَثَبِّتۡ أَقۡدَامَنَا وَٱنصُرۡنَا عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ
147. Ma ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo dhaaf denbiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, noo sugna cagahayaga, noogana gargaar qoloda gaalada ah.
عربی تفاسیر:
فَـَٔاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا وَحُسۡنَ ثَوَابِ ٱلۡأٓخِرَةِۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
148. Markaasuu Alle siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada (Janno). Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: آل عمران
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں