Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: غافر   آیت:
ٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡۚ لَا ظُلۡمَ ٱلۡيَوۡمَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ
17. Maalinta (Qiyaamaha) naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay (khayr ama shar), dulmi ma jiro Maalintaa4. Hubaal Alle wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabinta.
4. Xadiis qudsi ah: Alle wuxuu yidhi: “Addoomaheygow aniga waan iska xaaraanshay dulmiga, waxaana ka yeelay xaaraan dhexdiinna ee ha is dulmina".
عربی تفاسیر:
وَأَنذِرۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡأٓزِفَةِ إِذِ ٱلۡقُلُوبُ لَدَى ٱلۡحَنَاجِرِ كَٰظِمِينَۚ مَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنۡ حَمِيمٖ وَلَا شَفِيعٖ يُطَاعُ
18. Uga dig Maalinta dhow, markay quluubtu iman dhuumaha (cabsi darteed) iyagoo walbahaarsan. Ma leh daalimiinta saaxiib iyo shafeece midna la maqlayo.
عربی تفاسیر:
يَعۡلَمُ خَآئِنَةَ ٱلۡأَعۡيُنِ وَمَا تُخۡفِي ٱلصُّدُورُ
19. (Alle) Wuu Og yahay khiyaanada isha loo dabo iyo waxay laabuhu qarsadaanba.
عربی تفاسیر:
وَٱللَّهُ يَقۡضِي بِٱلۡحَقِّۖ وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَقۡضُونَ بِشَيۡءٍۗ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ
20. Alle wuxuu wax ku xukumaa Xaq, kuwase ay u yeedhaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba. Hubaal, Alle, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
عربی تفاسیر:
۞ أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ كَانُواْ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُواْ هُمۡ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗ وَءَاثَارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمۡ وَمَا كَانَ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن وَاقٖ
21. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan oo ka camiraad badan arlada, wuxuuse Alle u qabtay denbiyaday faleen. Umana sugnaan iyaga wax Alle ka difaaca.
عربی تفاسیر:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَانَت تَّأۡتِيهِمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَكَفَرُواْ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ قَوِيّٞ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
22. (Cadaab)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, wayse gaaloobeen. Markaa Alle baa qabtay. Hubaal waa Xoog Badane, Ciqaabkiisu daran yahay.
عربی تفاسیر:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
23. Waxaanu dhab ahaan la dirnay Muuse Aayadahayaga iyo awood cad.
عربی تفاسیر:
إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَ وَقَٰرُونَ فَقَالُواْ سَٰحِرٞ كَذَّابٞ
24. Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yidhaahdeen: (waa) Saaxir, beenaale ah.
عربی تفاسیر:
فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلۡحَقِّ مِنۡ عِندِنَا قَالُواْ ٱقۡتُلُوٓاْ أَبۡنَآءَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ وَٱسۡتَحۡيُواْ نِسَآءَهُمۡۚ وَمَا كَيۡدُ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ
25. Markuu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha kuwa (xaqa) rumeeyey la jirki una daaya haweenkooda nolol (si aad ugu adeegataan oo u addoonsataan). Dhagarta gaaladu ma aha waxaan ahayn (wax ku dhammaada) khasaaro iyo fashil.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: غافر
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں