Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: زُخرُف   آیت:

Az-zukhruf

حمٓ
1. Xaa Miim2.
1. Az-Zukhruf: Waxaa weeye waxyaalaha la isku qurxiyo sida dahabka.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
عربی تفاسیر:
وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
2. Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).
عربی تفاسیر:
إِنَّا جَعَلۡنَٰهُ قُرۡءَٰنًا عَرَبِيّٗا لَّعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
3. Hubaal Annagaa (Alle ah) ka yeellay Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan.
عربی تفاسیر:
وَإِنَّهُۥ فِيٓ أُمِّ ٱلۡكِتَٰبِ لَدَيۡنَا لَعَلِيٌّ حَكِيمٌ
4. Wuxuuna xaqiiq ku sugan yahay asalka Kitaabka3 nala yaal, Kor ah, Xikmad Badan.
3. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka.
عربی تفاسیر:
أَفَنَضۡرِبُ عَنكُمُ ٱلذِّكۡرَ صَفۡحًا أَن كُنتُمۡ قَوۡمٗا مُّسۡرِفِينَ
5. Miyaan idinka deysannaa (Qur’aanka) gebigiisaba inaad tihiin qolo xad gudub badan awgeed?
عربی تفاسیر:
وَكَمۡ أَرۡسَلۡنَا مِن نَّبِيّٖ فِي ٱلۡأَوَّلِينَ
6. Badanaa intaan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood!
عربی تفاسیر:
وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن نَّبِيٍّ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
7. Ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.
عربی تفاسیر:
فَأَهۡلَكۡنَآ أَشَدَّ مِنۡهُم بَطۡشٗا وَمَضَىٰ مَثَلُ ٱلۡأَوَّلِينَ
8. Markaasaan hallignay kuwo4 ka xoog iyo qabasho badnaa, waxaana hore u tagay mataalka kuwii hore (ee la halaagay).
4. Waxaa loola jeedaa gaalada ku jira Quraysh, iwm.
عربی تفاسیر:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ
9. Haddaad (gaaladaa) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Waxaa abuuray (Alle) Adkaadaha, Wax kasta Ogaha ah.
عربی تفاسیر:
ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مَهۡدٗا وَجَعَلَ لَكُمۡ فِيهَا سُبُلٗا لَّعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ
10. Kan idiinka dhigay dhulka gogol, idiinkuna yeelay dhexdiisa waddooyin si aad ugu toostaan.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: زُخرُف
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں