Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: اعراف   آیت:
إِنَّ وَلِـِّۧيَ ٱللَّهُ ٱلَّذِي نَزَّلَ ٱلۡكِتَٰبَۖ وَهُوَ يَتَوَلَّى ٱلصَّٰلِحِينَ
196. Xaqiiq Gargaaraheyga waa Allaah ee ah Kan soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka, Tawraadda, iyo Injiilka), Isagaana u gargaara kuwa wanaagsan.
عربی تفاسیر:
وَٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَكُمۡ وَلَآ أَنفُسَهُمۡ يَنصُرُونَ
197. Kuwase aad baridaan (caabuddaan Alle) sokadi, ma karaan gargaarkiinna, nafahoodana uma gargaari karaan.
عربی تفاسیر:
وَإِن تَدۡعُوهُمۡ إِلَى ٱلۡهُدَىٰ لَا يَسۡمَعُواْۖ وَتَرَىٰهُمۡ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ وَهُمۡ لَا يُبۡصِرُونَ
198. Haddaad ugu yeedhaan hanuunkana ma maqlaan, waxaadna aragtaa iyagoo ku soo eegaya, haddana aan waxba arkayn.
عربی تفاسیر:
خُذِ ٱلۡعَفۡوَ وَأۡمُرۡ بِٱلۡعُرۡفِ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡجَٰهِلِينَ
199. (Muuji cafis iyo masaamax oo) qaado waxa fudud (ee la heli karo dhib la’aan), amar wanaagga, kana jeeso jaahiliinta.
عربی تفاسیر:
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ نَزۡغٞ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
200. Hadduu fikrad xun kuu soo jeediyona shaydaan, ka magan gal Alle. Isagaa ah wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
عربی تفاسیر:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ إِذَا مَسَّهُمۡ طَٰٓئِفٞ مِّنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ تَذَكَّرُواْ فَإِذَا هُم مُّبۡصِرُونَ
201. Xaqiiq kuwa ka cabsada Alle, markay taabato meerto Shaydaan, way ku baraarugaan oo kolkiiba (xaqa) arkaan.
عربی تفاسیر:
وَإِخۡوَٰنُهُمۡ يَمُدُّونَهُمۡ فِي ٱلۡغَيِّ ثُمَّ لَا يُقۡصِرُونَ
202. Walaalahood se (dadka xun), waxay (shaydaammadu) u kordhiyaan habow, markaa innaba kama gaabiyaan.
عربی تفاسیر:
وَإِذَا لَمۡ تَأۡتِهِم بِـَٔايَةٖ قَالُواْ لَوۡلَا ٱجۡتَبَيۡتَهَاۚ قُلۡ إِنَّمَآ أَتَّبِعُ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّ مِن رَّبِّيۚ هَٰذَا بَصَآئِرُ مِن رَّبِّكُمۡ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
203. Haddaad (Nabiyow) ula iman weydo calaamo (mucjiso siday rabaan ah) waxay yidhaahdaan: Maxaad u keeni weydey? Dheh: Waxaan anigu sideedaba raacaa waxa la iiga waxyoodo xagga Rabbigay. Kuwakani waa caddeymo ka yimid Rabbigiin, oo u ah hanuun iyo naxariis ciddii rumayn.
عربی تفاسیر:
وَإِذَا قُرِئَ ٱلۡقُرۡءَانُ فَٱسۡتَمِعُواْ لَهُۥ وَأَنصِتُواْ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
204. Marka la akhrinayo Qur'aanka dhegaysta oo aamusnaada, si la idiinku naxariisto.
عربی تفاسیر:
وَٱذۡكُر رَّبَّكَ فِي نَفۡسِكَ تَضَرُّعٗا وَخِيفَةٗ وَدُونَ ٱلۡجَهۡرِ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ بِٱلۡغُدُوِّ وَٱلۡأٓصَالِ وَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡغَٰفِلِينَ
205. Ku xus Rabbigaa naftaada si khushuuc iyo cabsi leh adigoon kor ugula tanaagooneyn codka aroor iyo galabba, hana ka mid noqon kuwa dhoohan.
عربی تفاسیر:
إِنَّ ٱلَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِهِۦ وَيُسَبِّحُونَهُۥ وَلَهُۥ يَسۡجُدُونَۤ۩
206. Kuwa ah Rabbigaa agti (waa malaa’igta) marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, wayna ka hufaan (xumaan iyo nuqsaan oo dhan) oo xurmo weyneeyaan, Isagayna u sujuudaan [15].
15. Tani waa mid ka mid ah Aayadaha la sujuudo marka la akhriyo, waa sida wanaagsan ee door roon in la sujuudo marka la akhriyo Aayad sajda leh, mase aha waajib in la sujuudo marka la akhriyo ama la maqlo ha ahaato salaad gudaheed ama debeddeed , waxaana sujuuddan la yiraahdaa sujuud at-tilaawah.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: اعراف
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں