Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Baqarah   Câu:
وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ كُلَّمَا رُزِقُواْ مِنۡهَا مِن ثَمَرَةٖ رِّزۡقٗا قَالُواْ هَٰذَا ٱلَّذِي رُزِقۡنَا مِن قَبۡلُۖ وَأُتُواْ بِهِۦ مُتَشَٰبِهٗاۖ وَلَهُمۡ فِيهَآ أَزۡوَٰجٞ مُّطَهَّرَةٞۖ وَهُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
25. Ugu bishaaree kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, inay leeyihiin beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Mar kasta oo laga siiyo midho, Waxay odhan: Kani waa wixii hore naloo siiyey oo kale, waxaana la siiyey iyagoo isu eg (muuqaal ahaan kala duwan se dhadhan ahaan), waxayna ku leeyihiin dhexdeeda (Jannada) xaasas la daahiriyey, wayna ku dhex waari weligood.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَسۡتَحۡيِۦٓ أَن يَضۡرِبَ مَثَلٗا مَّا بَعُوضَةٗ فَمَا فَوۡقَهَاۚ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فَيَعۡلَمُونَ أَنَّهُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّهِمۡۖ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَيَقُولُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلٗاۘ يُضِلُّ بِهِۦ كَثِيرٗا وَيَهۡدِي بِهِۦ كَثِيرٗاۚ وَمَا يُضِلُّ بِهِۦٓ إِلَّا ٱلۡفَٰسِقِينَ
26. Dhabtii Alle kama xishoodo inuu u soo qaato tusaale - kaneeco ama wax ka sii yarba8. Ma kuwa rumeysan, waxay og yihiin inuu yahay xaq ka yimid Rabbigood, kuwase gaalooba waxay yidhaahdaan: Muxuu ugula jeedaa Alle tusaalaha kani? Wuxuu ku habaabiyaa in badan, kuna hanuuniyaa in badan. Kumana habaabiyo waxaan ahayn caasiyaasha (macangagga ah madaxa adag).
8. Markay gaaladu yidhaahdeen: Maxaa looga jeedaa caadhada iyo duqsiga lagu sheegay Qur’aanka buu Alle Kor ahaaye soo waxyooday Aayaddan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱلَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهۡدَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مِيثَٰقِهِۦ وَيَقۡطَعُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
27. Ee ah kuwa ka baxa ballanka Alle kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Alle uu amray in la xidhiidhiyo (oo la wanaajiyo sida qaraabada iyo deriska), ee ku fala fasahaad arlada, kuwaasi weeye kuwa khasaaray9.
9. Khasaaro ama fisiq (caasiyoobid) ama dulmi (gef - gardarro) ama kufri (gaalnimo) oo lagu sheego cidaan muslim ahayn waxaa loola jeedaa heer gaalnimo weyn ee diinta bannaanka lagaga yahay, wixii se khasaaro ama fisiq ama dulmi ama gaalnimo ah oo Alle ku sheego qof Muslim ah waxaa loola jeedaa inuu ku jiro denbi aad u weyn aanse diinta looga bixin.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
كَيۡفَ تَكۡفُرُونَ بِٱللَّهِ وَكُنتُمۡ أَمۡوَٰتٗا فَأَحۡيَٰكُمۡۖ ثُمَّ يُمِيتُكُمۡ ثُمَّ يُحۡيِيكُمۡ ثُمَّ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
28.Sidee baad (dadow) ugu gaaloobeysaan Alle idinkoo ahaa meyti (ku jira uurarka hooyooyinkiin) buu markaa idin nooleeyey (naf idin galiyey), dabadadeed idin dhinsiin, dabadeedna idin soo nooleyn mar kale (Aakhirada), kaddibna Xaggiisa la idiin soo celin (Qiyaamada).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ لَكُم مَّا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰٓ إِلَى ٱلسَّمَآءِ فَسَوَّىٰهُنَّ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖۚ وَهُوَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
29. (Alle) waa Kan idiin abuuray waxa dhulka korkiisa ah oo dhan, markaas u qasday samada, oo aheysiiyey toddobo samood, wax walbana wuu Og yahay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Baqarah
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại