Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 呼德   段:
إِن نَّقُولُ إِلَّا ٱعۡتَرَىٰكَ بَعۡضُ ءَالِهَتِنَا بِسُوٓءٖۗ قَالَ إِنِّيٓ أُشۡهِدُ ٱللَّهَ وَٱشۡهَدُوٓاْ أَنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُشۡرِكُونَ
54. Waxa keliya aanu leennahay waa in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen xumaan (dhibaato). Wuxuu yidhi: Waxaan marag gashanayaa Alle, idinkuna ka ahaada marag inaan Anigu barii ka ahay waxaad wax la wadaajisaan.
阿拉伯语经注:
مِن دُونِهِۦۖ فَكِيدُونِي جَمِيعٗا ثُمَّ لَا تُنظِرُونِ
55. Ee Isaga (Alle) ka soo haray. Ee ii tab dhigta idinkoo isu dhan, hana i siinnina wax fursad ah.
阿拉伯语经注:
إِنِّي تَوَكَّلۡتُ عَلَى ٱللَّهِ رَبِّي وَرَبِّكُمۚ مَّا مِن دَآبَّةٍ إِلَّا هُوَ ءَاخِذُۢ بِنَاصِيَتِهَآۚ إِنَّ رَبِّي عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
56. Anigu waxaan tala saartay (isku halleeyaa oo ku Kalsoonahay) Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiinba, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. Hubaal, Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan (umuurahiisa oo dhan).
阿拉伯语经注:
فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقَدۡ أَبۡلَغۡتُكُم مَّآ أُرۡسِلۡتُ بِهِۦٓ إِلَيۡكُمۡۚ وَيَسۡتَخۡلِفُ رَبِّي قَوۡمًا غَيۡرَكُمۡ وَلَا تَضُرُّونَهُۥ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ رَبِّي عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَفِيظٞ
57. Haddaad jeesataan waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii la iigu soo kiin dhiibay. Wuxuuna Rabbigay keeni qolo kale halkiinna, waxnana kama dhimi kartaan. Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa.
阿拉伯语经注:
وَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا نَجَّيۡنَا هُودٗا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ بِرَحۡمَةٖ مِّنَّا وَنَجَّيۡنَٰهُم مِّنۡ عَذَابٍ غَلِيظٖ
58. Markuu yimid Amarkayaga, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana ka badbaadinnay Cadaab Adag.
阿拉伯语经注:
وَتِلۡكَ عَادٞۖ جَحَدُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ وَعَصَوۡاْ رُسُلَهُۥ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَمۡرَ كُلِّ جَبَّارٍ عَنِيدٖ
59. Taasi waa Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, waxayna raaceen amarka macangag kasta oo madax adag.
阿拉伯语经注:
وَأُتۡبِعُواْ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا لَعۡنَةٗ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ أَلَآ إِنَّ عَادٗا كَفَرُواْ رَبَّهُمۡۗ أَلَا بُعۡدٗا لِّعَادٖ قَوۡمِ هُودٖ
60. Waxaana la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Ogaada, hubaal, Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Caad, qolodii Huud.
阿拉伯语经注:
۞ وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥۖ هُوَ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ وَٱسۡتَعۡمَرَكُمۡ فِيهَا فَٱسۡتَغۡفِرُوهُ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِۚ إِنَّ رَبِّي قَرِيبٞ مُّجِيبٞ
61. Thammudna (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya15, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista Alle denbi dhaaf, una toobad keena. (Alle) Rabbigay wuu Dhow yahay Ajiibaa (baryada).
15. Aadmiga waxaa loo dejiyey adduunka inuu camiro arlada oo ku caabuda Alle Keligi.
阿拉伯语经注:
قَالُواْ يَٰصَٰلِحُ قَدۡ كُنتَ فِينَا مَرۡجُوّٗا قَبۡلَ هَٰذَآۖ أَتَنۡهَىٰنَآ أَن نَّعۡبُدَ مَا يَعۡبُدُ ءَابَآؤُنَا وَإِنَّنَا لَفِي شَكّٖ مِّمَّا تَدۡعُونَآ إِلَيۡهِ مُرِيبٖ
62.Waxay yidhaahdeen: Saalixoow!Waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay aabbayaasha- yo caabudayeen? Innagu waxaan ka qabnaa shaki yaab leh waxaa aad noogu yeedhi (ee ah Towxiidka Islaamka).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 呼德
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭