Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 段: (114) 章: 呼德
وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ طَرَفَيِ ٱلنَّهَارِ وَزُلَفٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِۚ إِنَّ ٱلۡحَسَنَٰتِ يُذۡهِبۡنَ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ ذَٰلِكَ ذِكۡرَىٰ لِلذَّٰكِرِينَ
114. Oog salaaddana labada dacal ee maalinta iyo saacado ka mid ah habeenka. Hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun30, arrinkani waa u waano kuwa waana qaata31.
30. Mar baa nin wuxuu dhunkaday haweeney ajanabi ka ah. Markaasuu u yimid Nabiga s.c.w. oo u sheegay. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan: «Oog salaadda labada dacal ee maalinta, iyo saacado ka mid ah habeenka, xaqiiq, xasanaadka (camallada wanaagsan halkan waxaa loola jeedaa shanta salaadood ee faralka ah) waxay tirtiraan oo meesha ka saaraan falalka xun ( denbiyada yar yar)». (Q 11:114) Ninkii wuxuu weydiiyey Rasuulkii Alle s.c.w.: Ma aniga oo keliya baa tani iska leh? Nabigu s..c.w wuxuu yidhi: Waxaa leh ummadeyda intii I raacday oo idil. (W.w. Al-Bukhaari)
31. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle Ka cabso meel kastoo aad joogtid, oo raaci xumaanta samaan kaa tirtirta, oo kula soco dadka dabeecad wanaagsan. W.w.At-Tirmidi
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 段: (114) 章: 呼德
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭