《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜

external-link copy
54 : 2

وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ إِنَّكُمۡ ظَلَمۡتُمۡ أَنفُسَكُم بِٱتِّخَاذِكُمُ ٱلۡعِجۡلَ فَتُوبُوٓاْ إِلَىٰ بَارِئِكُمۡ فَٱقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ عِندَ بَارِئِكُمۡ فَتَابَ عَلَيۡكُمۡۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ

54. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkaygiiyow! Waxaad dulmideen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga (ilaah darteed). Ee u tawbad keena Uumihiinna oo is dila [12], Sidaasaa idiin khayr badan Uumihiinna xaggiisa, markaasuu (Alle) idinka aqbalay tawbaddiinnii, hubaal waa Tawbad Aqbalaha, Naxariista Badan. info

[12]. “ Is dila”. waxaa lagu fasiray kuwii aanan caabudin dibiga inay dilaan oo laayaan kuwii caabuday dibiga, qolo kale waxay ku fasirtay inay kuwii caabuday dibiga iyagu is dileen dhexdooda, waxaana jira qolo ku fasirtay in la amray inay is dilaan kuwaasi tawbad keen ahaan.

التفاسير: