Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 塔哈   段:
إِذۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ أُمِّكَ مَا يُوحَىٰٓ
38. Markaan u waxyoonnay hooyadaa waxaan u waxyoonnay.
阿拉伯语经注:
أَنِ ٱقۡذِفِيهِ فِي ٱلتَّابُوتِ فَٱقۡذِفِيهِ فِي ٱلۡيَمِّ فَلۡيُلۡقِهِ ٱلۡيَمُّ بِٱلسَّاحِلِ يَأۡخُذۡهُ عَدُوّٞ لِّي وَعَدُوّٞ لَّهُۥۚ وَأَلۡقَيۡتُ عَلَيۡكَ مَحَبَّةٗ مِّنِّي وَلِتُصۡنَعَ عَلَىٰ عَيۡنِيٓ
39.(Waxaan ku nidhi): Ku rid isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri xeebta, halkaas waxaa qaadan mid cadow ii ah, isagana cadow u ah! Waxaan yeelay dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah5, iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa Ilaalinteyda iyo Ogaanshaheyga),
5. Alle wuxuu jeclaanta Muuse geliyey quluubta dadka.
阿拉伯语经注:
إِذۡ تَمۡشِيٓ أُخۡتُكَ فَتَقُولُ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ مَن يَكۡفُلُهُۥۖ فَرَجَعۡنَٰكَ إِلَىٰٓ أُمِّكَ كَيۡ تَقَرَّ عَيۡنُهَا وَلَا تَحۡزَنَۚ وَقَتَلۡتَ نَفۡسٗا فَنَجَّيۡنَٰكَ مِنَ ٱلۡغَمِّ وَفَتَنَّٰكَ فُتُونٗاۚ فَلَبِثۡتَ سِنِينَ فِيٓ أَهۡلِ مَدۡيَنَ ثُمَّ جِئۡتَ عَلَىٰ قَدَرٖ يَٰمُوسَىٰ
40. (Waxaan kuu galnay wanaag mar kale) markay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korin (nuujineysa)? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin6, waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, Waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Waxaadna halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow!.
6. Waa qibidigii Masriga ahaa ee dhintay kaddib markuu Muuse ku dhuftay Qibidigaa hal feedh.
阿拉伯语经注:
وَٱصۡطَنَعۡتُكَ لِنَفۡسِي
41. Waxaan kuu doortay Nafteyda7.
7. Alle baa doortay Muuse oo ka yeelay mid xoog leh jidh iyo shakshi ahaanba si uu u qaado xilka gaarsiinta diinta ilmaha Israa’iil.
阿拉伯语经注:
ٱذۡهَبۡ أَنتَ وَأَخُوكَ بِـَٔايَٰتِي وَلَا تَنِيَا فِي ذِكۡرِي
42. “La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, hana ka daalina Xuskayga.
阿拉伯语经注:
ٱذۡهَبَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
43. Aada xagga Fircoon, wuu xadgudbaye.
阿拉伯语经注:
فَقُولَا لَهُۥ قَوۡلٗا لَّيِّنٗا لَّعَلَّهُۥ يَتَذَكَّرُ أَوۡ يَخۡشَىٰ
44. Kula hadlana hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama ka baqo (Alle).
阿拉伯语经注:
قَالَا رَبَّنَآ إِنَّنَا نَخَافُ أَن يَفۡرُطَ عَلَيۡنَآ أَوۡ أَن يَطۡغَىٰ
45.Waxay yidhaahdeen: “Rabbigayow! Waxaanu ka cabsan inuu ku degdego inuu na ciqaabo ama nagu xadgudbo.
阿拉伯语经注:
قَالَ لَا تَخَافَآۖ إِنَّنِي مَعَكُمَآ أَسۡمَعُ وَأَرَىٰ
46. (Alle) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, Anigaa idin la jira, waan maqli oo arkaa.
阿拉伯语经注:
فَأۡتِيَاهُ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولَا رَبِّكَ فَأَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَلَا تُعَذِّبۡهُمۡۖ قَدۡ جِئۡنَٰكَ بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّكَۖ وَٱلسَّلَٰمُ عَلَىٰ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلۡهُدَىٰٓ
47. U taga (Fircoon) oo dhahaya: Waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil hana caddabin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Nabadna korkiisa ha ahaato8 kan raaca hunuunka (Alle, Islaamka oo ku dhaqma).
8. Ammaan iyo nabad uu ka ahaado cadaabka Alle.
阿拉伯语经注:
إِنَّا قَدۡ أُوحِيَ إِلَيۡنَآ أَنَّ ٱلۡعَذَابَ عَلَىٰ مَن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
48. Waxaa dhabtii naloo waxyooday in cadaab ku dhici qofkii (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”.
阿拉伯语经注:
قَالَ فَمَن رَّبُّكُمَا يَٰمُوسَىٰ
49. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”
阿拉伯语经注:
قَالَ رَبُّنَا ٱلَّذِيٓ أَعۡطَىٰ كُلَّ شَيۡءٍ خَلۡقَهُۥ ثُمَّ هَدَىٰ
50. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo u tilmaamay (yoolkeed).”
阿拉伯语经注:
قَالَ فَمَا بَالُ ٱلۡقُرُونِ ٱلۡأُولَىٰ
51. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ka warran xaalka facyadii hore?.”
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 塔哈
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭