Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 穆米尼奈   段:
مَا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ
43. Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ أَرۡسَلۡنَا رُسُلَنَا تَتۡرَاۖ كُلَّ مَا جَآءَ أُمَّةٗ رَّسُولُهَا كَذَّبُوهُۖ فَأَتۡبَعۡنَا بَعۡضَهُم بَعۡضٗا وَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَۚ فَبُعۡدٗا لِّقَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ
44. Markaasaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kastoo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu way beeniyaan, kolkaasaan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale (halaagnay), oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhaceen qolodaan (Xaqa) rumeyn.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ وَأَخَاهُ هَٰرُونَ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
45. Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga5 iyo Xujo Cad.
5. waa sagaalkii mucjiso ee la siiyey Nabi Muuse.
阿拉伯语经注:
إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمًا عَالِينَ
46. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, waxayna ahaayeen qolo isla sarreeya.
阿拉伯语经注:
فَقَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لِبَشَرَيۡنِ مِثۡلِنَا وَقَوۡمُهُمَا لَنَا عَٰبِدُونَ
47. Waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeyn labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”
阿拉伯语经注:
فَكَذَّبُوهُمَا فَكَانُواْ مِنَ ٱلۡمُهۡلَكِينَ
48. Markaasay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la halaagay.
阿拉伯语经注:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ لَعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ
49. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan6.
6. Ilmahii Israa’iil.
阿拉伯语经注:
وَجَعَلۡنَا ٱبۡنَ مَرۡيَمَ وَأُمَّهُۥٓ ءَايَةٗ وَءَاوَيۡنَٰهُمَآ إِلَىٰ رَبۡوَةٖ ذَاتِ قَرَارٖ وَمَعِينٖ
50. Waxaana ka yeelnay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad7, waxaana ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo biyo socda leh (ilo).
7. Waa abuurista Ciise aabbe la'aan, iyo hooyadi oo uurkiisa qaadday iyadoo uu nin taaban.
阿拉伯语经注:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلرُّسُلُ كُلُواْ مِنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَٱعۡمَلُواْ صَٰلِحًاۖ إِنِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ عَلِيمٞ
51. (idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Anigu waxaad faleysaan waan Ogahaye.
阿拉伯语经注:
وَإِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَأَنَا۠ رَبُّكُمۡ فَٱتَّقُونِ
52. Hubaal, diintiinnaan (Islaamka) waa diin mid keliya ah. Aniguna waxaan ahay Rabbiigiin, ee dhowra (xilkaan idin saaray oo ka fogaada shirkiga iyo xumaha kale) .
阿拉伯语经注:
فَتَقَطَّعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡ زُبُرٗاۖ كُلُّ حِزۡبِۭ بِمَا لَدَيۡهِمۡ فَرِحُونَ
53. Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxay haystaan8 ay ku faraxsan yihiin.
8. Oo caqiidooyin ah, dhaqammo, caadooyin, iwm.
阿拉伯语经注:
فَذَرۡهُمۡ فِي غَمۡرَتِهِمۡ حَتَّىٰ حِينٍ
54. Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo.
阿拉伯语经注:
أَيَحۡسَبُونَ أَنَّمَا نُمِدُّهُم بِهِۦ مِن مَّالٖ وَبَنِينَ
55. Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah.
阿拉伯语经注:
نُسَارِعُ لَهُمۡ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ بَل لَّا يَشۡعُرُونَ
56. Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? mase dareensana9.
9. In waxyaalaha wanaagsan ee lagu siiyey adduunkan ay keliya yihiin wax lagu imtixaamayo iyaga.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلَّذِينَ هُم مِّنۡ خَشۡيَةِ رَبِّهِم مُّشۡفِقُونَ
57. Hubaal Kuway cabsida Rabbigood ku weyn tahay;
阿拉伯语经注:
وَٱلَّذِينَ هُم بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ يُؤۡمِنُونَ
58. Ee ah Kuwa Aayadaha Rabbigood rumeysan,
阿拉伯语经注:
وَٱلَّذِينَ هُم بِرَبِّهِمۡ لَا يُشۡرِكُونَ
59. Oo ah kuwa aan cid kale la wadaajin Rabbigood (cibaadada);
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 穆米尼奈
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭