Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 宰姆拉   段:

Az-zumar

تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ
1. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
阿拉伯语经注:
إِنَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ فَٱعۡبُدِ ٱللَّهَ مُخۡلِصٗا لَّهُ ٱلدِّينَ
2. Waxaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si Xaq ah. Ee caabud Alle Keliya, adigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada.
阿拉伯语经注:
أَلَا لِلَّهِ ٱلدِّينُ ٱلۡخَالِصُۚ وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَ مَا نَعۡبُدُهُمۡ إِلَّا لِيُقَرِّبُونَآ إِلَى ٱللَّهِ زُلۡفَىٰٓ إِنَّ ٱللَّهَ يَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡ فِي مَا هُمۡ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي مَنۡ هُوَ كَٰذِبٞ كَفَّارٞ
3. Ogaada, hubaal, cibaado barax tidhan1 aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Alle (Keliya). Kuwase yeesha awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, xulufo ay la) barbar caabudaan (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Alle dhowaansho. Alle baa ku kala xukumi dhexdooda waxay isku khilaafaan. Alle ma hanuuniyo been badne, gaalnimo badan.
1. Diinta uu Alle aqbalo waa diinta Islaamka ee daahirka ah, ee aan Alle lala wadaajin cidna cibaadada iyo adeecidda iyo maxabbada.
阿拉伯语经注:
لَّوۡ أَرَادَ ٱللَّهُ أَن يَتَّخِذَ وَلَدٗا لَّٱصۡطَفَىٰ مِمَّا يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ سُبۡحَٰنَهُۥۖ هُوَ ٱللَّهُ ٱلۡوَٰحِدُ ٱلۡقَهَّارُ
4. Hadduu doono Alle inuu yeesho wiil (siday leeyihiin gaalada) wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuray wuxuu doono. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (xumaan). Waa Allaah, Waaxidka Keliga ah, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).
阿拉伯语经注:
خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۖ يُكَوِّرُ ٱلَّيۡلَ عَلَى ٱلنَّهَارِ وَيُكَوِّرُ ٱلنَّهَارَ عَلَى ٱلَّيۡلِۖ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِي لِأَجَلٖ مُّسَمًّىۗ أَلَا هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفَّٰرُ
5. Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Wuxuu habeenka ku daboolaa maalinta, maalintana ku daboolaa habeenka. Wuxuuna layliyay qorraxda iyo dayaxa. Mid walbaa wuxuu ku socdaa muddo magacaaban. Ogaada Alle waa Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 宰姆拉
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭