Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 玛仪戴   段:
وَقَفَّيۡنَا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم بِعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ مِنَ ٱلتَّوۡرَىٰةِۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡإِنجِيلَ فِيهِ هُدٗى وَنُورٞ وَمُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ مِنَ ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَهُدٗى وَمَوۡعِظَةٗ لِّلۡمُتَّقِينَ
46. Waxaan raacsiinnay raadkoodii Ciise ina Maryam, rumeyn wixii hortiisa ahaa ee Towraadda; Waxaana siinnay Injiilka uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur oo rumeyn wixii hortiis ahaa ee Towraadda, oo hanuun iyo waano u ah kuwa dhowrsoon.
阿拉伯语经注:
وَلۡيَحۡكُمۡ أَهۡلُ ٱلۡإِنجِيلِ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فِيهِۚ وَمَن لَّمۡ يَحۡكُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ
47. Ee ehlu Injiilka wax ha ku garsooreen waxa Alle ku soo dejiyey13. Qofkiina aan wax ku garsoorin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah caasiyiinta.
13. Waa inay Ehlu Injiilka wax ku xukumaan waxa uu Alle ku soo dejiyey, ilaa uu Qur’aan ka soo dego la xiriira waxaa.
阿拉伯语经注:
وَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَمُهَيۡمِنًا عَلَيۡهِۖ فَٱحۡكُم بَيۡنَهُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُۖ وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَهُمۡ عَمَّا جَآءَكَ مِنَ ٱلۡحَقِّۚ لِكُلّٖ جَعَلۡنَا مِنكُمۡ شِرۡعَةٗ وَمِنۡهَاجٗاۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَلَٰكِن لِّيَبۡلُوَكُمۡ فِي مَآ ءَاتَىٰكُمۡۖ فَٱسۡتَبِقُواْ ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ إِلَى ٱللَّهِ مَرۡجِعُكُمۡ جَمِيعٗا فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ
48. Waxaana kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) oo Xaq ah isagoo rumeyn wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Alle soo dejiyey, hana raacin hawadooda adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay sharci iyo waddo (cad ee diinta). Hadduu doono Alle, wuxuu idin ka yeeli lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, waase si uu idiinku imtixaano wuxuu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi waxaad isku khilaafsaneydeen.
阿拉伯语经注:
وَأَنِ ٱحۡكُم بَيۡنَهُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَهُمۡ وَٱحۡذَرۡهُمۡ أَن يَفۡتِنُوكَ عَنۢ بَعۡضِ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ إِلَيۡكَۖ فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَٱعۡلَمۡ أَنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُصِيبَهُم بِبَعۡضِ ذُنُوبِهِمۡۗ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ لَفَٰسِقُونَ
49. Ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, hana raacin hawadooda, oo ka digtoonoow inay kaa jeediyaan qaar ka mid ah wuxuu Alle kugu soo dejiyey oo Waxyi ah. Hadday jeesadaanna, markaa ogow inuu Alle rabo inuu ku ciqaabo denbiyadooda qaarkood. In badan oo dadka ka mid ahina waa caasiyaal.
阿拉伯语经注:
أَفَحُكۡمَ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ يَبۡغُونَۚ وَمَنۡ أَحۡسَنُ مِنَ ٱللَّهِ حُكۡمٗا لِّقَوۡمٖ يُوقِنُونَ
50. Ma garsoorkii (waqtigii) jaahiliyadda baa waxay rabaan? Kumaa se Alle uga garsoor wanaagsan ciddii yaqiinsan?
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 玛仪戴
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭