Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 努哈   段:

Nuux

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦٓ أَنۡ أَنذِرۡ قَوۡمَكَ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
1. Waxaanu xaqiiq u dirnay Nuux qolodiisii (Annagoo leh): U dig qolodaada intaysan u iman cadaab xanuun badan.
1. Nuux: waa Nabi Nuux c.s.
阿拉伯语经注:
قَالَ يَٰقَوۡمِ إِنِّي لَكُمۡ نَذِيرٞ مُّبِينٌ
2. (Nuux) Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan anigu idiin ahay dige cad.
阿拉伯语经注:
أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُ وَأَطِيعُونِ
3. Ee caabuda Alle oo keliya, oo ka cabsada, anigana i adeeca.
阿拉伯语经注:
يَغۡفِرۡ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُؤَخِّرۡكُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمًّىۚ إِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ إِذَا جَآءَ لَا يُؤَخَّرُۚ لَوۡ كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
4. Wuxuu 'Alle' idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. Ajasha Alle (mowdku) markuu yimaado lama dib dhigo, waase haddaad og tihiin.
阿拉伯语经注:
قَالَ رَبِّ إِنِّي دَعَوۡتُ قَوۡمِي لَيۡلٗا وَنَهَارٗا
5. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan qolodeydii ugu baaqay (Towxiid iyo falasho camallo san) habeen iyo maalinba.
阿拉伯语经注:
فَلَمۡ يَزِدۡهُمۡ دُعَآءِيٓ إِلَّا فِرَارٗا
6. Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo.
阿拉伯语经注:
وَإِنِّي كُلَّمَا دَعَوۡتُهُمۡ لِتَغۡفِرَ لَهُمۡ جَعَلُوٓاْ أَصَٰبِعَهُمۡ فِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَٱسۡتَغۡشَوۡاْ ثِيَابَهُمۡ وَأَصَرُّواْ وَٱسۡتَكۡبَرُواْ ٱسۡتِكۡبَارٗا
7. Mar kastoo aan u yeedhana si aad ugu denbi dhaafto, waxay yeelaan farahooda dhegahooda, iskuna dadaan maryahooda2, oo madax adaygaan, wayna is kibriyaan iskibrin.
2. Iyagoo diidaya inay fiirshaan ama dhageystaan Xaqa.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ إِنِّي دَعَوۡتُهُمۡ جِهَارٗا
8. Haddana waxaan ugu baaqay (Towxiidka oo uga digay shirkiga) si cod kore ah.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ إِنِّيٓ أَعۡلَنتُ لَهُمۡ وَأَسۡرَرۡتُ لَهُمۡ إِسۡرَارٗا
9. Markaasaan ula hadlay si kore, si hoosana waan ula hadlay oo wax ugu sheegay3.
3. Wuxuu Nuux c.s. la soo maray ku baaqiisa Islaamka heerar iyo xaalado kala duwan:
阿拉伯语经注:
فَقُلۡتُ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ إِنَّهُۥ كَانَ غَفَّارٗا
10. Waxaan ku idhi: Ka barya denbi dhaaf Rabbigiin; waa Denbi Dhaaf Badane’e.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 努哈
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭