Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 印萨尼   段:

Al-insaan

هَلۡ أَتَىٰ عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ حِينٞ مِّنَ ٱلدَّهۡرِ لَمۡ يَكُن شَيۡـٔٗا مَّذۡكُورًا
1. Waxaa Aadmiga soo maray waqti wax la sheego uusan aheyn (uusan jirinba).
1. Al-Insaan: dadka, waxaa sidoo kale Suuraddan la yidhaahdaa Ad-Dahar (Waqtiga).
阿拉伯语经注:
إِنَّا خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن نُّطۡفَةٍ أَمۡشَاجٖ نَّبۡتَلِيهِ فَجَعَلۡنَٰهُ سَمِيعَۢا بَصِيرًا
2. Waxaanu ka abuurnay Aadmiga dhibic mani ah isku dhafanta2, si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka.
2. Isku dhaf biyaha ninka iyo haweenta ee gala riximka haweenta.
阿拉伯语经注:
إِنَّا هَدَيۡنَٰهُ ٱلسَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرٗا وَإِمَّا كَفُورًا
3. Waxaanu tusnay jidka ama waa mid mahad naqa ama mid abaal dhac badan (gaal ah).
阿拉伯语经注:
إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ سَلَٰسِلَاْ وَأَغۡلَٰلٗا وَسَعِيرًا
4. Waxaanu xaqiiq u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal, iyo dab ololaya.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ يَشۡرَبُونَ مِن كَأۡسٖ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا
5. Hubaal, kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi galaas (khamro saafi ah) oo lagu dheehay Kaafuur.
阿拉伯语经注:
عَيۡنٗا يَشۡرَبُ بِهَا عِبَادُ ٱللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفۡجِيرٗا
6. Il ay ka cabbi addoomaha Alle oo uga burqin sida iyo halkay doonaan burqin.
阿拉伯语经注:
يُوفُونَ بِٱلنَّذۡرِ وَيَخَافُونَ يَوۡمٗا كَانَ شَرُّهُۥ مُسۡتَطِيرٗا
7. Waa kuwa oofiya nidarradooda, ka cabsadana Maalin sharkeedu fidi (Maalinta Qayaamaha).
阿拉伯语经注:
وَيُطۡعِمُونَ ٱلطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ مِسۡكِينٗا وَيَتِيمٗا وَأَسِيرًا
8. Waxay siiyaan cunno iyagoo jecel miskiinka, agoonka iyo maxbuuska.
阿拉伯语经注:
إِنَّمَا نُطۡعِمُكُمۡ لِوَجۡهِ ٱللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمۡ جَزَآءٗ وَلَا شُكُورًا
9. (iyagoo laabta ka leh) Waxaan uun idiin siin raashinka Wejiga Alle Darti idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna.
阿拉伯语经注:
إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوۡمًا عَبُوسٗا قَمۡطَرِيرٗا
10. Xaqiiq, waxaanu ka cabsan Rabbigayo Maalin (wajigu) doorsoomi, murugo badan.
阿拉伯语经注:
فَوَقَىٰهُمُ ٱللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمِ وَلَقَّىٰهُمۡ نَضۡرَةٗ وَسُرُورٗا
11. Sidaa awgeed Alle wuxuu ka samata bixin sharka Maalinkaas, oo siin nuur iyo farxad.
阿拉伯语经注:
وَجَزَىٰهُم بِمَا صَبَرُواْ جَنَّةٗ وَحَرِيرٗا
12. Oo ku abaal marin sabarkooda dartiis Janno iyo xariir.
阿拉伯语经注:
مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِۖ لَا يَرَوۡنَ فِيهَا شَمۡسٗا وَلَا زَمۡهَرِيرٗا
13. Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arkayaan (Jannada) gudaheeda kuleyl qorrax iyo dhaxan midna.
阿拉伯语经注:
وَدَانِيَةً عَلَيۡهِمۡ ظِلَٰلُهَا وَذُلِّلَتۡ قُطُوفُهَا تَذۡلِيلٗا
14. Waxaa u dhow (geedaha Jannada) Hoosaskooda, waana loo soo raaricin midhaheeda raaricin.
阿拉伯语经注:
وَيُطَافُ عَلَيۡهِم بِـَٔانِيَةٖ مِّن فِضَّةٖ وَأَكۡوَابٖ كَانَتۡ قَوَارِيرَا۠
15. Waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah.
阿拉伯语经注:
قَوَارِيرَاْ مِن فِضَّةٖ قَدَّرُوهَا تَقۡدِيرٗا
16. Quraarado fiddo (qalin) ah si fiicanna u qiyaasan.
阿拉伯语经注:
وَيُسۡقَوۡنَ فِيهَا كَأۡسٗا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا
17. Waxaa laga waraabin galaas (khamro saafi ah) lagu dheehay Sanjabiil,
阿拉伯语经注:
عَيۡنٗا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلۡسَبِيلٗا
18.Il 'Jannada' gudaheeda ah, la yidhaahdo Salsabiil.
阿拉伯语经注:
۞ وَيَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ وِلۡدَٰنٞ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيۡتَهُمۡ حَسِبۡتَهُمۡ لُؤۡلُؤٗا مَّنثُورٗا
19. Waxaa u adeegi wiilal da’ yar aan gaboobin oo waari markaad aragto aad moodi sida luul la firdhiyey.
阿拉伯语经注:
وَإِذَا رَأَيۡتَ ثَمَّ رَأَيۡتَ نَعِيمٗا وَمُلۡكٗا كَبِيرًا
20. Haddaad aragto halkaas (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo weyn.
阿拉伯语经注:
عَٰلِيَهُمۡ ثِيَابُ سُندُسٍ خُضۡرٞ وَإِسۡتَبۡرَقٞۖ وَحُلُّوٓاْ أَسَاوِرَ مِن فِضَّةٖ وَسَقَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ شَرَابٗا طَهُورًا
21. Dharkoodu (ehlu Jannaha) waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adagba. Waxaana lagu qurxin jin-jimo qalin ah, wuxuu Rabbigood ka waraabin sharaab daahir ah.
阿拉伯语经注:
إِنَّ هَٰذَا كَانَ لَكُمۡ جَزَآءٗ وَكَانَ سَعۡيُكُم مَّشۡكُورًا
22. Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, dadaalkiinniina waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin.
阿拉伯语经注:
إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ تَنزِيلٗا
23. Xaqiiq, Annagaa kugu soo dejinnay Qur’aanka (Muxammadow) si qayb qayb ah (Suurado iyo Aayado) soo dejin dhan.
阿拉伯语经注:
فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تُطِعۡ مِنۡهُمۡ ءَاثِمًا أَوۡ كَفُورٗا
24. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, hana adeecin denbiile iyo abaal darne midna.
阿拉伯语经注:
وَٱذۡكُرِ ٱسۡمَ رَبِّكَ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلٗا
25. Xusna Magaca Rabbigaa subax iyo galabba.
阿拉伯语经注:
وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَٱسۡجُدۡ لَهُۥ وَسَبِّحۡهُ لَيۡلٗا طَوِيلًا
26.Habeenka qaarkina u sujuud, oo ammaan (hufna) in dheer oo habeenka ah.
阿拉伯语经注:
إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ يُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ وَيَذَرُونَ وَرَآءَهُمۡ يَوۡمٗا ثَقِيلٗا
27. Xaqiiq, kuwaasi (gaalada ah) waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, waxayna mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin) Maalin culus (Qiyaamada).
阿拉伯语经注:
نَّحۡنُ خَلَقۡنَٰهُمۡ وَشَدَدۡنَآ أَسۡرَهُمۡۖ وَإِذَا شِئۡنَا بَدَّلۡنَآ أَمۡثَٰلَهُمۡ تَبۡدِيلًا
28. Annagaa abuurnay oo adkaynay seedahooda, haddaan doonnona Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan.
阿拉伯语经注:
إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذۡكِرَةٞۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلٗا
29. Suuraddani xaqiiq waa waano, ee qofkii doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi.
阿拉伯语经注:
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا
30. Waxna ma dooni kartaan in Alle doono mooyee. Hubaal, Alle waa wax walba Oge, Xikmad Badan.
阿拉伯语经注:
يُدۡخِلُ مَن يَشَآءُ فِي رَحۡمَتِهِۦۚ وَٱلظَّٰلِمِينَ أَعَدَّ لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمَۢا
31. Wuxuu geliyaa qofkuu doono Naxariistiisa, daalimiintana (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha) wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 印萨尼
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭