Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 奈扎尔提   段:

An-naazicaat

وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرۡقٗا
1. Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada).
阿拉伯语经注:
وَٱلنَّٰشِطَٰتِ نَشۡطٗا
2. Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada).
阿拉伯语经注:
وَٱلسَّٰبِحَٰتِ سَبۡحٗا
3. Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle).
阿拉伯语经注:
فَٱلسَّٰبِقَٰتِ سَبۡقٗا
4. Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn.
阿拉伯语经注:
فَٱلۡمُدَبِّرَٰتِ أَمۡرٗا
5. Iyo (malaa'igta) isku duwa arrin (walba) (si waafaqsan amarka Alle, in dadow la idin soo bixin oo xisaabin Aakhirada).
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
6. Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka).
阿拉伯语经注:
تَتۡبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
7. Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad).
阿拉伯语经注:
قُلُوبٞ يَوۡمَئِذٖ وَاجِفَةٌ
8. Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri.
阿拉伯语经注:
أَبۡصَٰرُهَا خَٰشِعَةٞ
9. Indhahoodu dulleysnaan.
阿拉伯语经注:
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرۡدُودُونَ فِي ٱلۡحَافِرَةِ
10. Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)?
阿拉伯语经注:
أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمٗا نَّخِرَةٗ
11. Ma markaan noqonno lafo bololay?
阿拉伯语经注:
قَالُواْ تِلۡكَ إِذٗا كَرَّةٌ خَاسِرَةٞ
12. Waxay odhan: Taasi waa noqosho khasaaro ah.
阿拉伯语经注:
فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ
13. Waase hal Qeylo keliya.
阿拉伯语经注:
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
14. Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib).
阿拉伯语经注:
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
15. Ma ku soo gaaray warkii Muuse?
阿拉伯语经注:
إِذۡ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوًى
16. Markuu Rabbigi (Alle) uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwa.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 奈扎尔提
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭