Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ፋቲሃ   አንቀጽ:

Al-faatixa

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1. Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), (u) Naxariista badan (mu'miniinta).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
2. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
3. Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), (u) Naxariista Badan (mu'miniinta)1.
1. Ar-Raxmaan iyo Ar-Raxiim waa labo magac uu leeyahay Alle ee ka soo jeeda kelmedda Raxmah. Xagga naxwaha afka Carabiga labada magacba waa ku xeel dheeraansho Naxariisashada. Waa Deeq ballaaran iyo Naxariisasho guud ahaaneed labaduba. Raxmaan waxaa lagu tilmaamaa Alle oo keliya, waana sifad aan cid kale la wadaagin, halka Raxiim lagu tilmaami karo qof gaar ah. Nabiga s.c.w. waxaa uu Qur’aanku ku tilmaamay inuu yahay Raxiim. Raxmaan se waa wax ka sarreeya heerka Aadmiga (waa Naxariisasho durba ah oo guud ahaaneed) oo waqti ku kooban oo uunka idil gaadha, caddaaladdu waa qayb ka mid ah Naxariistan. Alle wuxuu isku tilaamamay sidoo kale Raxiim oo ah Naxariisasho joogto ah oo gaar ahaaneed oo u naxariisto mu’miniinta, denbi dhaafka iyo ceeb asturidda waa qayb ka mid ah Naxariistan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَٰلِكِ يَوۡمِ ٱلدِّينِ
4. Boqorka Maalinta Jaazeynta2.
2. Qiyaamada ee iska leh wax walba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِيَّاكَ نَعۡبُدُ وَإِيَّاكَ نَسۡتَعِينُ
5. Adigoo Keliya baynu (Allow) ku caabudi, oo Adigoo Keliya baynu ku weydiisan kaalmo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ
6. Nagu hanuuni (oo sug) Jidka Toosan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ
7. Jidka kuwa aad u Nicmaysay3, aan aheyn (jidka) kuwa loo cadhooday4 iyo (jidka) kuwa lunsan midna5.
3. Kuwo Alle siiyey Galladdiisa waa Nabiyada, runlowyada, suubbanayaasha, iyo shuhadada.
4. Kuwa uu Alle u cadhooday waa kuwa iyagoo u cilmi leh aan ku camal falin diinta ee diida xaqa, sida Yuhuudda iwm.
5. Kuwa lunsan waa kuwo cilmi la’aan iska cibaadeysta iyagoo ku socda caqiidooyin gurracan sida Nasaarada iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ፋቲሃ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት